Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Dhegeyso: Puntland oo dishay sarkaalkii Drone-ka u qaabilsanaa Daacish
Dhegeyso: Puntland oo dishay sarkaalkii Drone-ka u qaabilsanaa Daacish
Published
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ka dagaallamaya buuraleyda Calmiskaad ay khaarajiyeen ninkii Daacish u qaabilsanaa hawlgallada dayaaradaha bilaa duuliyaha ah.
Arrintan ayaa timid, sida ay mas'uuliyiinta Puntland BBC u sheegeen ka dib hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen qaar ka tirsan ciidankooda.
Puntland ayaa muddo dagaal kula jjirta kooxda Daacish oo fariisamo ka samaystay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Dilka sarkaalka ka tirsan Daacish waxaa BBC uga warramay wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Nuur.