TOOS , Trump oo Iran u hanjabay xilli Ilaalada Kacaanka Iran ay beegsadeen raadaarrada Mareykanka ee Baxrayn

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay beegsadeen oo burburiyeen raadaar digniin oo ku yaalla Baxrayn, iyagoo jawaab uga dhigaya duqeyn cirka ah oo saq dhexe o habeenimo ka dhacday deegaanka Siiriik.

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn

    Iiraan oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn
    Qoraalka sawirka, Iiraan oo weerartay xarun milatari oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay saaka soo saareen ku sheegay, in ay “beegsadeen oo burburiyeen” raadaar digniinaha hore bixiya oo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Baxreyn. Weerarkan ayay ku sheegeen inuu jawaab u yahay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay deegaanka Sirik.

    Bayaanka ay soo saareen, IRGC waxay ku yiraahdeen “Tani waa digniin adag oo loo dirayo cadowga, si uu u joojiyo falalka uu cirka ka fulinayo ee kicinta ah, iyo isku dayada uu shidaalka si sharci-darro ah ugu marinayo marin-biyoodka Hormuz.”

    “ haddii xadgudubyada xuduudaha iyo gardarradaasi ay soo noqdaan, ciidamada cirka ee IRGC waxay diyaar u yihiin iska horimaad aan xad lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Saacad ka hor inta aan bayaanka la soo saarin, warbaahinta Iiraan ayaa baahisay warar ku saabsan duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaanka Sirik.

    Markii dambe, ciidamada IRGC ayaa xaqiijiyay weerarka, iyagoo sheegay in munaarad isgaarsiineed oo ku taalla deegaankaas, oo u dhow xeebta Gacanka Faaris, ay ka mid ahayd goobihii la beegsaday.

    Sidoo kale akhri:

  2. Trump oo hanjabaad u diray Iiraan

    Iiraan
    Qoraalka sawirka, Iiraan

    Wareysi uu siiyay shabakadda wararka ee “Salem News”, oo wax laga weydiiyay suurtagalnimada in mar kale awood milatari loo adeegsado Iran iyo in uu ka labalabayn doono tallaabadaas, ayuu Donald Trump sheegay in haddii uu arko isbeddel ku yimaada jihada ay wax u socdaan, uu tallaabo qaadi doono isaga oo aan wax shaki ama labalabayn ah muujinayn.

    " Haddii aan arko in xaaladdu u socoto jihada ka soo horjeedda, waan qaadi doonaa tallaabadaas. Waxaa laga yaabaa inaan hadda qaado. Wax shaki ama labalabayn ah ma jiri doonto," ayuu Khamiistii u sheegay shabakadda wararka.

    Markii la weydiiyay in haddii dowladda Iran ay xukunka sii hayso ilaa inta uu ka tegayo Aqalka Cad ay taasi ka dhigan tahay in laga adkaaday, ayuu Trump ku jawaabay: "Haa, waxay noqon lahayd guuldarro. Shaki kuma jiro."

    Isaga oo ka jawaabaya su’aal uu weriyaha shabakadda Salem News, Hugh Hewitt, ka weydiiyay tallaabada ay Washington qaadi doonto haddii Iran ay disho sarkaal sare oo Mareykan ah, ayuu yiri:

    "Markaas waxba kama harayaan."

    Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in haddii dalkeeda mar kale la soo weeraro, aysan dagaalka ku koobi doonin gobolka oo keliya, balse ay saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla Aasiya iyo Yurub u aqoonsan doonto bartilmaameedyo sharci ah.

    Habeenkii Khamiista, saqdii dhexe xilliga Iran, ayaa la soo sheegay in duqeymo cirka ah lala beegsaday deegaanno ka tirsan gobolka Sirik ee koonfurta dalka Iran.

    Sidoo kale akhri: