TOOS , Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka oo furmay

Maanta waxaa Mareykanka ka dhacaya doorashooyinka xilliga dhexe ee Aqalka Kongareeska, iyadoo malaayiin Mareykan ah ay codkooda dhiibanayaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maleeshiyada Fano oo la wareegtay magaalo ku taalla gobolka Amxaarada ee Itoobiya kaddib dagaallo culus

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyada Fano ay la wareegtay magaalada Wuchale ee gobolka Amxaarada, kaddib dhowr maalmood oo dagaallo culus ay la galeen ciidamada dowladda.

    Magaaladan ayaa ku dhow xero ay ku barakaceen dadkii ka cararay colaadaha, halkaas oo ugu yaraan 20 qof lagu dilay duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday toddobaadkii hore.

    Dagaallada ayaa sidoo kale hakad geliyay isu socodka gaadiidka ee waddo weyn oo isku xirta caasimadda Addis Ababa iyo waqooyiga Itoobiya.

    Waddadan ayaa muhiim u ah gaarsiinta sahayda milatari, waxaana ka mid ah adeegyada ay u adeegsadaan howlgallada ka socda gobolka deriska la ah ee Tigray, halkaas oo ciidamada Itoobiya ay kula dagaallamayaan fallaagada.

  2. Israa'iil: Wax lug ah kuma lihin weerarradii Mareykanka ee xalay ka dhacay Iran

    Sawir dusha sare laga qaaday jasiiradda Qeshm sannadkii 2023, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah milatariga Iran.
    Qoraalka sawirka, Sawir dusha sare laga qaaday jasiiradda Qeshm sannadkii 2023, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah milatariga Iran.

    Milatariga Israa'iil ayaa Talaadadii sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarradii la sheegay in Mareykanku habeen hore ka fuliyay jasiirad ku taalla Iran.

    Warkan ayaa imanaya xilli ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, uu dhawaan ku hanjabay in dalkiisu dib u bilaabi karo dagaalka uu kula jiro Tehran.

    Afhayeen u hadlay milatariga Israa'iil ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyay, in Israa'iil aysan ka qayb qaadan weerarradii Mareykanka uu habeenkii Isniinta ka fuliyay jasiiradda Qeshm ee Iran.

    Warar kale oo dheeraad ah

  3. Goorma ayaa la ogaan doonaa natiijada doorashada?

    Goobaha Codeynta
    Qoraalka sawirka, Goobaha Codeynta

    - Natiijooyinka ugu horreeya: Natiijooyinka doorashada ayaa bilaabi doona inay soo baxaan kaddib 18:00 fiidnimo waqtiga bariga Mareykanka oo ku beegan (23:00 GMT). Hase yeeshee, wax badan kama sheegi doonaan xaaladda guud ee doorashada, maadaama tartamada ugu horreeya ay ka dhacayaan deegaanno la hubo in xisbiyo gaar ahi ku guulaysan doonaan.

    - Tilmaamaha hore ee suuragalka ah: Waxaa jira tartamo adag oo Aqalka Senate-ka ah oo ka dhacaya gobollada ku jira aagga waqtiga bariga Mareykanka. Kuwaas waxaa ka mid ah Ohio, halka codbixintu xirmayso 19:30 fiidnimo (00:30 GMT), iyo Maine oo goobaha codbixintu xirmayaan 20:00 fiidnimo . Natiijooyinka gobolladan ayaa bixin kara tilmaamo hor u dhac ah oo muujinaya aragtida iyo dareenka codbixiyeyaasha.

    - Ku dhawaaqista guuleystayaasha iyo saadaasha: Warbaahinta Mareykanka ayaa laga yaabaa inay bilowdo inay ku dhawaaqdo guuleystayaasha qaar ka mid ah tartamada muhiimka ah, iyadoo adeegsanaysa habab saadaalin iyo falanqayn xogeed. Hase yeeshee, gobollada ay tartamadu aad isugu dhow yihiin, waxaa laga yaabaa inay waqti dheer qaadato ka hor inta aan la saadaalin cidda ku guulaysatay.

    - Natiijada guud: Waqtiga ay caddaanayso natiijada guud ee doorashada wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay isugu dhow yihiin tartamada iyo gobollada go'aamin doona cidda gacanta ku dhigaysa Kongareeska.

    waxaa xusud mudan: Doorashadii 2022-kii, Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiintu weli waxay ku loollamayeen cidda la wareegaysa maamulka Kongareeska ilaa 9-kii November maalin kaddib doorashooyinkii xilliga dhexe.

    Warar kale oo dheeraad ah

  4. Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka oo furmay

    Codbixiyayaasha ku nool xeebta bari ayaa ah kuwa ugu horreeya ee codkooda dhiibanaya doorashooyinka Talaadada.
    Qoraalka sawirka, Codbixiyayaasha ku nool xeebta bari ayaa ah kuwa ugu horreeya ee codkooda dhiibanaya doorashooyinka Talaadada.

    Maanta waxaa Mareykanka ka dhacaya doorashooyinka xilliga dhexe ee Aqalka Kongareeska, iyadoo malaayiin Mareykan ah ay codkooda dhiibanayaan si ay u go'aamiyaan cidda maamuli doonta Kongareeska labada sano ee ugu dambeeya muddada madaxweyne Donald Trump.

    Maxaa doorashadan lagu dooranayaa?

    • Dhammaan 435-ka kursi ee Aqalka Wakiillada.
    • 35 ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka.
    • Sidoo kale, xilal heer gobol ah, oo ay ku jiraan guddoomiyeyaasha gobollada.

    Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump ayaa hadda gacanta ku haya labada aqal ee Kongareeska. Dimuqraadiyiinta ayaa rajaynaya inay helaan kuraas ku filan oo ay aqlabiyad kaga sameystaan labada aqal.

    Haddii Dimuqraadiyiintu ay la wareegaan maamulka Kongareeska, waxay awood dheeraad ah u yeelan doonaan inay hor istaagaan qorshayaasha Trump, sidoo kalena ay baaritaanno ku sameeyaan madaxweynaha iyo xubnaha maamulkiisa.

    Sida uu sharaxay weriyaha BBC-da Anthony Zurcher, tallaabooyinkaas waxaa xitaa ka mid noqon kara isku day xilka looga qaadayo Trump.

    Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta ayaa laga furay gobolka Vermont, saacadda 05:00 subaxnimo ee waqtiga bariga Mareykanka.

    Natiijooyinka doorashada ayaa la filayaa inay soo baxaan fiidnimada maanta iyo inta lagu jiro habeenka, iyadoo weriyeyaasha BBC-du ay ku sugan yihiin gobollo kala duwan si ay u soo gudbiyaan wararkii ugu dambeeyay iyo falanqaynta doorashada.

    Warar kale oo dheeraad ah

  5. Ku dhowaad 10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Tigray

    Shan kamid ah waa carruur
    Qoraalka sawirka, Shan kamid ah waa carruur

    Gobolka Tigray, Degmada Abergele Chilaa, qarax ka dhashay hub aan loogu talo gelin inuu qarxo ayaa sababay dhimashada sideed qof, oo ay ku jiraan shan carruur ah.

    Qaraxa waxaa idoo kale ku dhintay shan dameer.

    Qaraxu wuxuu dhacay todobaadkii hore, wuxuuna ka dhacay goob gaar ah oo lagu magacaabo Ma'arey Tabiya.

    Sida la sheegay qaraxa ayaa dhacay kadib markii dameero siday biro laga soo qaaday bakhaarka hubka ciidamada Tigray oo loo waday ganacsato iibisa birta.

    Waxaa la xaqiijiyay in birahaas ay ku jireen bambooyin iyo hub kale oo aan caadiyan qarxin oo isla goobta ku qarxay.

    Qaraxa waxaa ku dhintay shan carruur ah oo uu ku jiro ilmo laba jir ah iyo saddex qof oo waaweyn, sida ay BBC uga xaqiijiyeen qoysaska dhibanayaasha, dadka deegaanka iyo ilo ka tirsan isbitaalka.

    Maareeyaha Isbitaalka Yechilaa, Erday Assefa, ayaa BBC u sheegay in qaraxu uu dhaawacay 18 qof, 15 ka mid ahna isbitaalka la dhigay.

    Maareeyaha ayaa sheegay in saddex ka mid ah 18-kii dhibane ay ku dhinteen isla goobtii uu qaraxu ka dhacay.

    Wuxuu sheegay in 15 dhibane la keenay isbitaalka, labana ay dhinteen iyadoon wax daaweyn ah la siin, inta hartayna si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka Tixraaca ee Ayder iyo Isbitaalka Abiyadi.

    "Saddex ka mid ah 18-kii dhibane ayaa isla markiiba dhintay. Dadka dhintay waa carruur da'doodu tahay saddex, shan, lix iyo 12 jir," ayuu yiri.

    Wuxuu intaa ku daray in 15 qof oo dhaawac ah loo keenay isbitaalkooda.

  6. Shiinaha oo Mareykanka uga digay tallaabo milatari uu ka qaado Iiraan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha
    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo Iran si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo amnigeeda.

    Kulan uu la yeeshay Ali Bagherikani, oo ah ku-xigeenka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran ayuu Wang Yi ku sheegay, in dalkiisu uu ugu baaqayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka Bariga Dhexe in ay diiradda saaraan xalalka siyaasadeed.

    Dhanka kale, Ruushka aya sheegay in calaamdaha muujinaya talaabooyin milatari oo cusub oo ka dhan ah Iiraan ay yihiin kuwa walaac leh.

    Shiinaha ayaa dhanka kale ugu digay Mareykanka weerar ka dhan ah Iiraan.

    Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa Axaddii kulan la yeeshay Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq Al Said, isagoo sheegay in Bariga Dhexe iyo Gacanka Carbeed aysan noqon goob ay quwadaha waaweyn ee dunidu ku dagaallamaan.

    War-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray kulanka kaddib, ayaa Cumaan waxay ku muujisay taageerada ay u hayso hindisaha Shiinaha ee nabadda Bariga Dhexe, iyadoo sidoo kale muujisay rajada ah in Beijing ay door muuqda ka qaadato xaqiijinta xasillooni waarta oo gobolka ka dhalata.

    Shiinaha ayaa ah dalka ugu badan ee saliidda ka iibsada Iran, sidoo kalena waa saaxiibka labaad ee ugu weyn dhinaca dhaqaalaha.

    Beijing ayaa cambaareysay weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran, iyo sidoo kale cunaqabateynta uu Washington saartay Tehran.

    Shiinaha ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in diblomaasiyad lagu furo marin-biyoodka Hormuz, wuxuuna ku baaqay in xabbad-joojin la sameeyo.

  7. Ololaha doorashooyinka mudada dhexe ee Mareykanka oo heer gebogebo ku dhow

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Ololaha doorashooyinka mudada dhexe ee Mareykanka ayaa maraya heer gebogebo ku dhow, iyadoo la xisbiyada talada ku loollamaya ay xusul-duub ugu jiraan hanshada kuraasta ugu badan ee ay heli karaan.

    Xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya in uu ku mitido gacan-ku-haynta labada aqal ee Congress-ka iyo Senate-ka, balse saadaasha shirkadaha sameeya ra'yi-ururinta ayaa muujinaysa in xisbiga Dimuqraadigu uu ku tugtug roon yahay doorashada taageerada dadweynaha.

    Dhanka kale, maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday codsigii maamulka Trump u uku doonayey in lagu hor-istaago gobolka California in uu tiriyo waraaqaha codbixinta boostada ee ay soo direen in ka badan 20,000 oo codbixiye oo u diiwaangashan.

    Dowladda federaalka ayaa ku doodaysa in codbixiyeyaashaas aysan ahayn muwaadiniin Mareykan ah, halka maamul goboleedka California uu sheegay in faragelin xilligan lagu sameeyo arrimaha doorashadu ay abuuri karto jahawareer iyo qalalaase.

  8. Trump oo labo dal oo Afrika ah ka saaraya heshiiska ganacsi ee Mareykanka

    Sanadkii hore, Trump ayaa Koonfur Afrika ku eedeeyay xasuuq ka dhan ah dadka caddaanka kadib kulan uu kula yeeshay madaxweyne Cyril Ramaphosa Aqalka Cad ee Mareykanka.
    Qoraalka sawirka, Sanadkii hore, Trump ayaa Koonfur Afrika ku eedeeyay xasuuq ka dhan ah dadka caddaanka kadib kulan uu kula yeeshay madaxweyne Cyril Ramaphosa Aqalka Cad ee Mareykanka.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa aqalka Congress-ka Mareykanka ku wargeliyay qorshihiisa ah in dalalka Koonfur Afrika iyo Rwanda laga saaro barnaamijka ganacsi ee mudnaanta gaarka ah siinaya, laga bilaabo 1-da Janaayo sanadka soo socda ee 2027.

    Barnaamijka African Growth and Opportunity Act (AGOA) ayaa dalalka Afrika ee buuxiya shuruudaha u oggolaanaya inay kumannaan badeecooyin ah u dhoofiyaan Mareykanka iyaga oo aan laga qaadin canshuuraha kastamka.

    Wakiilka Ganacsiga Mareykanka, Jamieson Greer, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib-u-eegis sannadeed lagu sameeyay barnaamijka lagu ogaaday in labada dal ay ku dhaqmayaan hab-dhaqanno aan waafaqsanayn shuruudaha looga baahan yahay dalalka ka faa’iideysta barnaamijka.

    Waxa uu intaas ku daray in maamulka Trump uu labada dal si rasmi ah ugu wargeliyay go’aanka.

    Maamulka Trump ayaa sababaha uu tallaabadan u qaaday ku sheegay caqabadaha hortaagan ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka, iyo sidoo kale walaacyada la xiriira amniga qaranka iyo danaha siyaasadda arrimaha dibadda ee gobolka.

    Dhanka Rwanda, Washington ayaa sidoo kale walaac ka muujisay xaaladda xuquuqda aadanaha, hannaanka siyaasadeed ee xisbiyada badan, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda shaqaalaha.

    Go’aankan ayaa imaanaya wax ka yar toddobaad kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ay cunaqabateyn saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Rwanda, sababo la xiriira doorka lagu eedeeyay inay ku leedahay kacdoonka hubeysan ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Wasaaradda Gaashaandhigga Rwanda ay kumannaan askari u dirtay bariga Congo, si ay ula dagaallamaan kooxda fallaagada ah ee M23, iyadoo siisay hub, qalab milatari, taageero saadka ah iyo tababar.

    Sidoo kale akhriso:

  9. Mareykanka oo weerar geystay ka hor doorashooyinka xiliga dhexe

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Maraykanka ayaa duqeymo ka fuliyay Jasiiradda Qeshm ee dalka Iiraan, taas oo ku taalla Marinka Hormuz, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen CBS, oo ah telefishinka ay bahwadaaga yihiin BBC-da ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa Isniintii sheegtay in dhowr qarax laga maqlay jasiiradda.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa duqeymaha ku tilmaamay kuwo xaddidan, iyagoo sheegay inay jawaab u ahaayeen weerar ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ku qaadeen diyaarad Mareykan ah.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM), oo ah taliska u qaabilsan howlgalada milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, si ay uga hesho faahfaahin dheeraad ah.

    Weerarradan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu isu diyaarinayo doorashooyinka xiliga dhexe ee Congress-ka, kuwaas oo lagu go’aamin doono in Xisbiga Jamhuuriga ama Xisbiga Dimuqraadiga uu yeeho aqlabiyadda Congress-ka.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya hoos u dhac ku yimid taageerada dadweynaha, iyo cadaadis kaga imaanaya xubno ka tirsan xisbigiisa oo doonaya in la soo afjaro dagaalka, kaas oo billowday markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bishii Febraayo weerareen Iiraan.

    Isniintii, Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay inuusan ku degdegeynin inuu kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah Iiraan.

    "Si kastaba ha ahaatee, tallaabo ayaan qaadi doonnaa, balse kuma degdegayno," ayuu u sheegay warbaahinta Axios.

    "Dhaqaale ahaan si weyn ayaan u wiiqnay. Wax lacag ah ma haystaan, shidaalna ma haystaan, dadkooduna aad ayay uga daaleen xaaladdan," ayuu yiri.

    Sidoo kale akhri: