Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS , Golaha Wakiillada Mareykanka oo hor istaagay isku daygii xil-ka-qaadista Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth

Isku day lagu doonayay in xilka looga qaado Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, kaas oo lagu eedeeyay inuu dagaal ka dhan ah Iran bilaabay isaga oo aan oggolaansho ka haysan Kongareeska, ayaa ku fashilmay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta oo sheegay inay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen xarun shidaal oo ku taalla Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen xarun shidaalka lagu shubo ee ku taalla magaalada Yanbu ee dalka Sacuudiga, taas oo ku dhow xeebta Badda Cas.

    Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay saddex gantaal oo nooca cruise-ka ah ku bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha King Khalid ee magaalada Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

    Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sidoo kale beeniyay sheegashada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ahayd inay ka hortageen diyaarad aan duuliye lahayn oo dul mareysay magaalada Maka.

    Waxa uu intaa ku daray in hawlgallada Xuutiyiintu ay bartilmaameedsanayaan xarumaha shidaalka iyo saldhigyada milatari ee Sacuudiga.

    Sidoo kale akhri:

  2. War deg deg ah, Siyaasi caan ahaa oo Ciraaqi ah oo meydkiisa laga helay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan

    Xildhibaan hore oo Ciraaqi ah, Axmed Al-Alwaani, ayaa meydkiisa laga helay guri ku yaalla magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, afar maalmood kaddib markii la afduubtay.

    Danjiraha Ciraaq ee Lubnaan, Maxamed Rida Al-Xuseyni, ayaa sheegay in garsoorka Lubnaan uu baaritaan ku bilaabay dilka, isla markaana garsoore gaar ah loo xilsaaray kiiska.

    Safaaradda Ciraaq ayaa sheegtay inay xiriir la sameysay hay’adaha amniga iyo garsoorka Lubnaan si loo ogaado sababaha keenay dilka. Wafdi amni oo Ciraaqi ah ayaa sidoo kale la filayaa inuu gaaro Beyruut si uu uga qaybqaato baaritaanka.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Al-Alwaani laga yaabo in lagu qalday guri ku yaalla Beyruut kaddib markii uu ka baxay hoteel uu degganaa, halka xogaha horudhaca ah ay muujinayaan in lagu dilay gurigaas.

    Al-Alwaani wuxuu ahaa siyaasi Ciraaqi ah oo hore u soo noqday xildhibaan, kana mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee gobolka Anbar ee galbeedka Ciraaq. Wuxuu sidoo kale taageeray mudaharaadyadii dowladda Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Al-Maaliki looga soo horjeeday ee gobolkaas ka dhacay 2012-kii.

    Waxaa la xiray bishii Diseembar 2013-kii, kaddib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gurigiisa, kaas oo ay ku dhinteen walaalkiis iyo dad kale. Sannadkii 2014-kii ayaa lagu xukumay dil, balse waxaa la sii daayay 23-kii Abriil 2025, kaddib in ka badan 11 sano oo uu xirnaa.

    Sidoo kale akhri:

  3. War deg deg ah, Ganacsiyada ajaanibta ee Eswatini oo la xirayo iyo cabsi soo wajahday ajaanibta

    Ganacsiyo ay leeyihiin muwaadiniin ka soo jeeda dalalka Aasiya ayaa laga xirayaa guud ahaan dalka Eswatini, oo horay loo oran jiray Swaziland, kaddib markii dowladda ay adkeysay xakameynta ganacsiyada ay leeyihiin ajaanibta.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baarlamaanka dalkaasi ansixiyay sharci lagu kordhinayo ka-qaybgalka iyo lahaanshaha ganacsiyada ee muwaadiniinta Eswatini, oo loo yaqaan emaSwati.

    Sharciga ayaa yimid kaddib cabashooyin ay ganacsatada maxalliga ahi ka muujiyeen tartanka ay kula jiraan ganacsiyada ajaanibta, kuwaas oo galay suuqyo ay horay u maamuli jireen dadka deegaanka.

    Dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya ayaa iyaguna kordhiyay tallaabooyinka lagu xakameynayo ganacsatada ajaanibta ah.

    Eswatini waa boqortooyo yar oo ku taalla koonfurta Afrika, waxaana xukuma Boqor Mswati III. Qiyaastii 70% dadkeeda ayaa ku nool saboolnimo.

    Dalka waxaa ka jira cabashooyin la xiriira xaaladda dhaqaale, iyadoo shacabka iyo kooxaha u ololeeya dimuqraadiyaddu ay dalbanayaan dib-u-habeyn siyaasadeed.

    Dowladdu waxay sheegtay in sharcigan cusub uu muwaadiniinta u abuurayo fursado dhaqaale, isla markaana looga hortagayo in saboolnimada iyo gaajadu sii kordhiyaan xasillooni-darrada siyaasadeed.

    Sidoo kale akhri:

  4. War deg deg ah, Itoobiya oo war cusub ka soo saartay Eritrea iyo Suudan

    Getachew Radda, oo ah la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee arrimaha Bariga Afrika, ayaa Eritrea iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageeraan kooxaha hubeysan ee dowladda Itoobiya la dagaallamaya, isla markaana ay ku lug leeyihiin weerarro isdaba joog ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga fulinayo gudaha dalka.

    Getachew ayaa eedeymahan sheegay kaddib kulan uu la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Guang Kong, oo ay kaga wada hadleen xaaladda amni ee gobolka, gaar ahaan Suudaan iyo Soomaaliya.

    Wuxuu labada dal ugu baaqay inay joojiyaan taageerada iyo hubeynta kooxaha mucaaradka, isagoo ku baaqay in xiisadaha lagu xalliyo wada-hadal.

    Itoobiya iyo Suudaan ayaa muddooyinkii dambe midba midka kale ku eedeynayay inuu taageero kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

    Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay oggolaatay weerarro laga soo qaado dhulkeeda, halka Itoobiya ay horay u eriday diblomaasiyiin Suudaani ah. Suudaan ayaa iyaduna xirtay qunsuliyaddii Itoobiya ee bariga dalkaas.

    Labada dal midkoodna ma uusan xaqiijin eedeymahan cusub.

    Sidoo kale akhri:

  5. War deg deg ah, Weerar ka dhacay Pakistan oo askar lagu laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Ugu yaraan 11 askari oo boolis ah ayaa laga cabsi qabaa in lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Kohat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan.

    Saraakiisha amniga ayaa xilliga weerarka ku guda jiray hawlgal ka dhan ah macdan qodis sharci-darro ah, markii ay weerareen rag hubeysan oo aan la aqoonsan.

    Dhowr askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay iska horimaadka.

    Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse kooxda TTP iyo maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa horey weerarro noocan oo kale ah uga geystay ciidamada ammaanka Pakistan.

    Sidoo kale akhri:

  6. War deg deg ah, Dalal badan oo Yurub ka tirsan oo wajahaya farriimo hanjabaad ah oo isku mid ah

    Ugu yaraan 300 oo dugsi oo ku yaalla Talyaaniga ayaa la daadgureeyay kaddib markii loo diray farriimo hanjabaad bam oo isku mid ah.

    Booliiska Scotland, Waqooyiga Ireland iyo Jamhuuriyadda Ireland ayaa sidoo kale sheegay in dugsiyo ku yaalla deegaannadaas ay heleen hanjabaado la mid ah, balse maamulka ayaa sheegay in loo arko been-abuur, isla markaana aan loo baahnayn in dugsiyada la xiro.

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in hanjabaaduhu aysan ahayn khatar dhab ah.

    Farriimaha iimaylka ah ayaa lagu saxiixay magac Ruush ah oo laga shakisan yahay inuu been-abuur yahay, Mikhail Andropov. Magacan ayaa sidoo kale lagu arkay hanjabaado hore oo loo diray diyaarado ku yaalla Yurub iyo xarumo warbaahineed oo ku yaalla Ireland iyo Bulgaria.

    Sidoo kale akhri:

  7. War deg deg ah, Degdeg: Farriimo la xiriira weerarro bam ah oo loo diray iskuulaadka dalka Talyaaniga iyo jawaha-wareer taagan

    Qiyaastii 300 iskuul oo ku yaalla Talyaaniga ayaa helay hanjabaado bam, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada dalkaas, Giuseppe Valditara, kaas oo sheegay in dhacdooyinkani ay u badan tahay weerar dhanka internetka ah, balse aysan jirin khatar dhab ah.

    Hanjabaadaha ayaa Email ahaan loogu diray dugsiyo ku yaalla magaalooyin ay ka mid yihiin Rome, Naples, Florence iyo Pisa, waxaana taxaddar ahaan araydaydii looga daadgureeyay qaar ka mid ah dhismayaasha.

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa kulan isugu yeertay wasiirrada sare iyo madaxda sirdoonka si ay uga arrinsadaan arrintan.

    Meloni ayaa sheegtay in dowladda ay si dhow ula socoto hanjabaadaha, balse baaritaannadii ilaa hadda la sameeyay aysan muujin wax khatar ah oo dhab ah. Waxay intaas ku dartay in hanjabaaduhu u muuqdaan qorshe lagu abuurayo cabsi iyo walaac.

    Dhacdooyinkan ayaa imaanaya toddobaad kaddib markii garoomo diyaaradeed oo Talyaani ah iyo shirkado diyaaradeed oo kale oo Yurub ah ay heleen hanjabaado bam oo been abuur ah, kuwaas oo sababay daadgureyn iyo carqalado dhanka gaadiidka ah.

  8. Haweeney riyo ku liqday faraantigeeda

    Haweeney deggan Mareykanka ayaa qalliin lagu sameeyay si looga soo saaro fargashi ay liqday iyadoo huruda.

    Jenna Evans, oo 29 sano jir ah, waxay sheegtay in "iyada iyo ninka ay u doonan tahay, ay saarnaayeen tareen xawaare dheer ku socday, laguna qasbay in ay liqdo fargashiga si aysan uga qaadan "rag xun".

    Markii subixii ay ka soo toostay gurigeeda ayay garatay in ay riyooneysay, balse waxay aragtay in faraantigii dhaymanka ahaa uusan ku jirin farteeda.

    Waxay sheegtay in ay xasuusato wixii dhacay, ka dib sharaxaad dheer waxaa cisbitaalka u kexeeyay saaxiibkeeda.

    Ms Evans waxaa ku adkaatay in dhaqaatiirta ay arrinta u sharaxdo "sababtoo ah oohin iyo qosol" ayey joojin wayday.

    Ka dib markii la saaray raajato, waxaa caloosheeda laga arkay fargashiga, waxayna dhaqatiirta ku taliyeen in laga soo saaro "halkii laga sugi lahaa inuu si dabiici ah u soo dhaco".

    Ms Evans, oo ku nool magaalada San Diego, ayaa saxiixday warqadaha dhimashada, si ay caddeyn u noqdaan haddii ay ka soo toosi waydo dawada suuxinta.

    "Si aad ah ayaan u ooyay, sababtoo ah, qof waalan ayaan noqon lahaa haddii aan dhiman lahaa," ayey tiri. "Muddo aad u dheer ayaan sugayay fargashigaas, waxaana i guursan doono Bobby Howell," ayey hadalka kusii dartay.

    Sidoo kale akhri:

  9. War deg deg ah, Mareykanka oo isku liis galiyay Uganda,Kuuriyada Waqooyi iyo Soomaaliya

    Dowladda Maraykanka ayaa Uganda ku dartay 23-ka dal ee ay u aragto meelaha ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda u safri karaan, iyadoo soo saartay digniinta safar ee heerka ugu sarreeya.

    Digniin la soo saaray 9-kii November 2026 ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku muwaadiniinteeda kula talisay inaysan Uganda u safrin sabab kasta ha ahaatee, iyadoo walaac ka muujisay amniga, argagixisada, xaaladaha caafimaadka iyo rabshadaha gudaha.

    Uganda ayaa liiska kula jirta dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Suudaan, Ruushka, Iran, Afghanistan iyo Kuuriyada Waqooyi.

    Heerka afraad ee digniinta safarka ayaa ah kan ugu sarreeya, waxaana loo adeegsadaa dalalka ay ka jiraan khataro waaweyn oo amni ama meelaha ay dowladda Maraykanku ku adkaan karto inay gurmad u fidiso muwaadiniinteeda.

    Digniinta ayaa si gaar ah u xustay dambiyada rabshadaha wata, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, gobolka Karamoja iyo deegaannada ku teedsan xuduudaha galbeedka iyo waqooyiga Uganda.

    Waxay sidoo kale ka digtay weerarro argagixiso oo lala beegsan karo goobaha cibaadada, dugsiyada, xarumaha dowladda, saldhigyada booliska, goobaha gaadiidka iyo meelaha dalxiiska, oo ay ku jiraan beeraha qaranka.

    Sidoo kale akhri:

  10. War deg deg ah, Markab miino kula qaraxday Hormuz iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

    Ciidamada badda Iran ayaa sheegay in markab shidaal uu dab qabsaday saaka subaxnimadii, kaddib markii uu la kulmay miino lagu aasay biyaha bariga marin-biyoodka Hormuz.

    War ay soo saareen ciidamada Iran ayay ku tilmaameen markabka mid jebiyay xeerarka, iyaga oo sheegay inuu galay aag xaddidan oo aan ammaan ahayn.

    Ciidamada Iran ayaa mar kale uga digay maraakiibta inay si ammaan ah uga gudbi karaan marin-biyoodka Hormuz oo keliya haddii ay la shaqeeyaan ciidamada Iran, isla markaana ay raacaan xeerarka isu-socodka badda.

    Dhanka kale, hay'adda UK Maritime Trade Organisation, ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdo laga shakiyay oo ku lug lahayd markab shidaal oo marayay marin-biyoodka Hormuz, iyadoo baaritaan lagu hayo.

    Weli lama oga in dhacdada ay sheegtay UKMTO iyo tan ay shaaciyeen ciidamada Iran ay isku mid yihiin iyo in ay yihiin laba dhacdo oo kala duwan.

    Milatariga Iran ma uusan shaacin magaca markabka, dalka uu ka diiwaangashan yahay, xaaladda shaqaalaha saarnaa ama khasaaraha ka dhashay dabka.

  11. Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh oo kulmay

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa kulmay kahor shirka sanadlaha ah ee cimiliada, COP31 oo ka bilowday dalka Turkiga.

    Qoraal uu Abiy Axmed soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay inuu la kulmay Xassan Sheekh si ay uga wada hadalaan xaaladda amni ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo isbeddellada guud ee gobolka,

    "Waxaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ka hor shirka hoggaamiyeyaasha COP31, si aan uga wada hadalno xaaladda amni ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo isbeddellada guud ee gobolka", ayuu Abiy ku yiri qoraalka.

    Waxaa uu sheegay inay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wadahadalka iyo iskaashiga lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

  12. Wasiirka Maaliyadda Mareykanka oo u guuray saldhig ciidan kaddib hanjabaado uga yimid Iran

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in Wasiirka Maaliyadda, Scott Bessent, uu ka guuray gurigiisa una wareegay saldhig ciidan, kaddib hanjabaadihii ugu dambeeyay ee uga yimid Iran.

    Wargeyska The New York Times ayaa qoray, isaga oo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah arrintan, in Bessent iyo qoyskiisu ay tallaabadan u qaadeen sababo la xiriira walaac laga qabo ammaankooda.

    Sida uu wargeysku sheegay, xog uu dabayaaqadii bishii hore bixiyay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka maamulka Trump ayaa ka digtay in Iran ay kordhinaysay dadaallada ay ku beegsanayso saraakiisha Mareykanka.

    Iran ayaa hore u beenisay inay qorshaynayso weerarro ka dhan ah saraakiil ama shakhsiyaad ku sugan gudaha Mareykanka.

    Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in awoodda Iran ay ku qaadi karto weerarro waaweyn oo ka dhaca gudaha Mareykanka ama meelaha ka baxsan xuduudihiisa ay kooban tahay.

    Sidoo kale akhri:

  13. Hoggaamiyaha darbijiifka ahaa ee saddex madaxweyne iyo Al-Shabaab la diriray

    Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta weynaa Soomaaliya ee xukumi jiray mid ka mid ah gobolada ugu kheyraadka badan. Waxa uu saameyn weyn oo ciidan iyo hoggaamin ku lahaa isbaheysiga dooxada jubba, Shabeelada Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu la dagaalay saddex madaxweyne, Cabdulaahi yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Farmaajo, iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.

    Waa Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka ee loogu cabsida badnaa, laakiin lagu tilmaamo in uu yahay nin kadhaadh badan oo hadba shaati cusub tosha. Waxa uu ka badbaaday duulaankii ay Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga saareen qabqablayaashii la midka ahaa, isaga oo ba ka mid noqday hoggaankii sare ee maxkamada Islaamiga ah. Waxa uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo ciidamada Itoobiya, isaga oo la shaqeeyay Shabaab kahor inta uusan ku biirin Xisbul Islaam iyo kahor heshiiskii uu la galay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Waxaa uu ahaa hoggaamiyehii ku dhawaaqay inay qabsanayaan Addis Ababa, eray loo arkay inay eersadeen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee awoodda isbidayay. Marka kale, sanadkii hore waxa uu isaga oo ciidamo wata ku dhawaaqay in aysan dowlad ka jirin Soomaaliya xilli lagu muransanaa mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Farmaajo. Hoggaamiyaha xabsi guriga ku jira ee mar ahaa ninka ugu awoodda badan xarakooyinka hubeysan, Xasan Daahir Aweys, waxa uu Indho-cadde ku tilmaamay ‘nin burburiya koox walba oo uu qeyb ka noqdo’.

  14. Waa kuma Siyaasiga miisaanka culus ee taageeray aqoonsiga Somaliland

    Warbixin hore

    Mid ka mid ah madaxda la soo doorto ee Maraykanka ee saamaynta leh ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dalbaday in aqoonsi heer waddan la siiyo Somaliland oo tan iyo 1991 baadigoob ugu jirto inay ictiraaf hesho.

    Ted Cruz oo ah mudane ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee uu madaxweynahana ka tirsan yahay, lagana soo doorto gobolka Texas wuxuu codsigiisa u diray qoraal uu ku bilaabay sidii Somaliland ay madaxbanaanideeda ku qaadatay 1960 iyo hadda halka ay taagan tahay.

    "Somaliland waxay noqotay saaxiib muhiim u ah Maraykanka dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda, taasoo ka caawinaysa Maraykanka horumarinta danaha amniga qaranka ee Geeska Afrika iyo meelo kaleba. Waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ah gacanka Cadmeed, iyadoo u dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka. Waxay leedahay ciidamo hubaysan oo tayo leh, waxayna gacan ka geysataa la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada burcad badeeda ee gobolka" ayuu yiri Cruz.

    Isagoo ku salaynaya codsigiisa siyaasadaha Maraykanka ee gobolka ayuu soo qaatay Ted Cruz xiriirka Taiwan iyo Somaillamd u dhaxeeya, siu u uga dhaadhiciyo Maraykanka in Somaliland ay u noqon karto bahwadaag sax ah.

  15. Siyaasiga miisaanka culus ee Ted Cruz oo mar kale codsaday in la aqoonsado Somaliland

    Senetarka caanka ah ee reer Mareykan Ted Cruz oo mar kale codsaday in la aqoonsado Somaliland

    Senetar Ted Cruz ayaa mar kale u dooday jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, isagoo markan ka codsaday Mareykanka inuu aqoonsado Somaliland.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay in la gaaray xiligii la aqoonsan lahaa Somaliland, isagoo xusay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu horey u sheegay in Somaliland ay tahay “dal ka duwan Soomaaliya.

    “Madaxweyne Trump ayaa si sax ah u sheegay in Somaliland ay tahay “dal gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya”. Taasi waa siyaasadda saxda ah. Waxay ahayd in mar hore Maraykanku aqoonsado Somaliland”, ayuu ku yiri qoraalkiisa.

    Waxaa uu dhanka kale ka hadlay su’aalo uu weydiiyay Devin Kennington, oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee la magacaabay.

    “Maanta waxaan su’aalo weydiiyey qofka loo magacaabay inuu noqdo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, si aan u xaqiijiyo inuu taageersan yahay mowqifka Madaxweyne Trump. Hase yeeshee, wuu diiday”, ayuu yiri.

    “Waxaan u sheegay in xaqiijinta magacaabistiisa iyo inuu xilkaas qabanayo iyo in kale ay ku xirnaan doonto haddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku raacdo tilmaamaha Madaxweynaha”, ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay Somaliland ku tilmaamay “dal ka duwan” Soomaaliya, xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada Youngstown ee gobolka Ohio, 13-kii bishii Oktoobar.

    Ted Cruz, waa mid ka mid ah madaxda la soo doorto ee Maraykanka ee saamaynta leh oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dalbaday in aqoonsi heer waddan la siiyo Somaliland oo tan iyo 1991 baadigoob ugu jirto inay ictiraaf hesho.

    "Somaliland waxay noqotay saaxiib muhiim u ah Maraykanka dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda, taasoo ka caawinaysa Maraykanka horumarinta danaha amniga qaranka ee Geeska Afrika iyo meelo kaleba. Waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ah gacanka Cadmeed, iyadoo u dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka. Waxay leedahay ciidamo hubaysan oo tayo leh, waxayna gacan ka geysataa la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada burcad badeeda ee gobolka" ayuu yiri Cruz sanadkii hore.

    Sidoo kale akhri:

  16. Golaha wakiilada Mareykanka oo joojiyay isku daygii xil-ka-qaadista Xoghayaha Difaaca Mareykanka

    Isku day lagu doonayay in xilka looga qaado Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, kaas oo lagu eedeeyay inuu dagaal ka dhan ah Iran bilaabay isaga oo aan oggolaansho ka haysan Kongareeska, ayaa ku fashilmay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

    Aqlabiyadda xubnaha Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa isku raacday in qodobadii xil-ka-qaadista loo gudbiyo guddi baaritaan, taas oo si dhab ah u soo afjartay dadaalkii uu bilaabay xildhibaanka Jamhuuriga ah ee mucaaradka ku ah xisbigiisa, Thomas Massie, oo laga soo doorto gobolka Kentucky. Hase yeeshee, tallaabadan ayaa ah mid ku-meel-gaar ah.

    Intii uu ku guda jiray shirkiisii ugu horreeyay ee warbaahinta ee ka dhacay xarunta Pentagon-ka muddo lix bilood ah, Hegseth ayaa dadaalka xil-ka-qaadista ku tilmaamay mid “aan sal iyo raad lahayn” iyo “isku day lagu carqaladeynayo shaqada dowladda”.

    Isku dayga lagu doonayay in xoghayaha difaaca lagu helo inuu ku kacay anshax-xumo, isla markaana ugu dambeyn xilka looga qaado, ayaa loo arkayay mid aan fursad badan lahayn. Sababtu waxay ahayd in tallaabadaasi ay u baahnaan kartay in tiro ka mid ah xildhibaannada kale ee Jamhuuriga ay ka horyimaadaan Madaxweyne Donald Trump.

    Massie ayaa ahaa xildhibaanka keliya ee Jamhuuriga ah ee diiday in qaraarka loo gudbiyo Guddiga Garsoorka ee Golaha Wakiillada, kaas oo uu hoggaamiyo xisbiga Jamhuuriga, maalintii Talaadada.

    Dadaalkiisa ayaa ku fashilmay codbixin ku dhammaatay 211 cod oo taageersan iyo 204 cod oo diiddan, iyadoo in ka badan 12 xubnood, oo ay ku jiraan 11 xildhibaan oo Dimuqraadi ah, ay ka maqnaayeen codbixinta.

    U gudbinta qaraarka guddiga ayaa si dhab ah u soo afjartay dadaalka xil-ka-qaadista, maadaama uu waqti kooban ka harsan yahay muddada uu shaqeynayo Kongareeskan, ka hor inta uusan xisbiga Dimuqraadigu la wareegin gacan-ku-haynta Golaha Wakiillada bisha Janaayo.

    Madaxweyne Trump ayaa u dabaaldegay natiijada codbixinta, isaga oo qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku sheegay in dadaalkaasi uu “si xun u fashilmay”.