TOOS , Doorashada hoggaanka Israa’iil: Indhaha oo dhan waxay ku jeedaan go’aanka madaxwaynaha israa'iil — Netanyahu mise Eisenkot?

Haddii ilaa xalay indhaha oo dhan ay ku jeedeen Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, hadda waxaa la wada sugayaa go’aanka madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog

Tebin toos ah

  1. Sacuudiga oo digniin amni oo ah weeraro ka soo saaray Najraan iyo bariga dalka

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa ka digtay “khatar suuragal ah” oo ka jirta gobolka Najraan ee koonfur-galbeed dalkaas iyo sidoo kale gobollada bari.

    Hay’addu waxay dadka ku nool deegaannadaas ugu baaqday inay gabaad ka dhigtaan goobta ammaan ah ee ugu dhow.

    Digniintan ayaa imaanaysa xilli weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ka socdaan gudaha Sacuudiga, kuwaas oo lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xarumaha shidaalka.

    Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo Xuutiyiintu ku soo rideen bariga dalka.

    Warar dheeraad ah :

  2. Ururka Xisbullah oo ka hadlay natiijada doorashada Israa'iil

    Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, Naciim Qaassim, ayaa sheegay in natiijada doorashada Israa’iil aysan wax muhiimad ah u lahayn ururka, isla markaana uu sii wadi doono iska caabbinta Israa’iil, cid kasta oo ku guuleysata doorashada.

    Iyadoo la tiriyay boqolkiiba 85 codadka doorashada, isbahaysiga midigta ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wax yar ka horreeyay isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka oo uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot. Hase yeeshee, isbahaysiga Netanyahu weli ma uusan helin aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

    “Annaga muhiim nooma aha cidda xukunta Israa’iil. Laakiin waa in ay caddaataa in Israa’iil aysan sii wadi karin qabsashada dhulkeenna, waana inay ka baxdaa,” ayuu Naciim Qaassim ku yiri bayaan qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii.

    Warar dheeraad ah :

  3. Doorashada hoggaanka Israa’iil: Indhaha oo dhan waxay ku jeedaan go’aanka madaxwaynaha israa'iil — Netanyahu mise Eisenkot?

    Doorashada Israa'iil
    Qoraalka sawirka, Doorashada Israa'iil

    Haddii ilaa xalay indhaha oo dhan ay ku jeedeen Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, hadda waxaa la wada sugayaa go’aanka madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, si loo ogaado cidda uu u xilsaari doono dhismaha dowladda cusub.

    Herzog ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka hortago in dalka uu mar kale doorasho galo, qiimo kasta ha ku kacdee.

    Inkasta oo Netanyahu uu la kulmay dhaleecayn badan, saadaalina laga bixiyay mustaqbalkiisa siyaasadeed, haddana doorashada kama uusan soo bixin isagoo si weyn loo wiiqay. Taageerada lama filaanka ah ee uu helay, iyadoo doorashadan loo arkayay mid wax weyn ka beddeli karta siyaasadda dalka, ayaa u muuqata inay u suuragelinayso inuu xilka sii hayo, ugu yaraan isagoo ah ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah.

    Iyadoo ku dhowaad 90 boqolkiiba codadka la tiriyay, warbaahinta waaweyn ee Israa’iil ayaa sheegtay in isbahaysiga Netanyahu, oo ka kooban xisbiyada midigta, midigta fog iyo kooxaha diimeed ee muxaafidka ah, uu ku socdo inuu helo 53 kursi oo baarlamaanka ah.

    Taas ayaa ka badan 48-ka kursi ee la saadaaliyay inay heli doonto isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot.

    Hase yeeshee, natiijada ugu yaabka badan waxaa gaaray xisbiyada Carabta Israa’iil iyo kuwa Falastiiniyiinta, kuwaas oo ka faa’iideystay ka-qaybgalka codbixiyeyaasha oo sarreeyay, isla markaana la filayo inay ku guuleystaan 19 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Israa’iil, oo loo yaqaan Knesset.

    Warar dheeraad ah :