Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS , Mareykanka oo u digay "kuwa sii wada taageeridda Iiraan"

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa digniin u diray dhinacyada sii wada taageeridda dowladda Iran, kaddib markii lagu dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay shabakad weyn oo dambiyo abaabulan ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Suuqyada maaliyadeed ee caalamka oo sare u kacay kaddib guushii Dimuqraadiyiinta ee doorashooyinkii Mareykanka

    Suuqyada maaliyadeed ee caalamka ayaa sare u kac weyn sameeyay kaddib guushii Xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinkii dhextaalka ahaa ee Mareykanka, halka qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii.

    Qiimaha shidaalka Brent ee suuqyada caalamka ayaa galabnimadii Arbacada hoos u dhacay in ka badan 8%, isagoo gaaray qiyaastii 95 doollar foostadii. Tani waa qiimihii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo labadii bilood ee la soo dhaafay.

    Hoos u dhaca qiimaha shidaalka ayaa inta badan lala xiriirinayaa hadal uu jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, kaas oo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka mid ahaa arrimaha sababay guuldarrada Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada.

    Hadalkaas ayaa u muuqday mid ku kallifay maalgashadayaasha inay dib u qiimeeyaan walaaca laga qabo in xiisadda Bariga Dhexe ay sii kororto.

    Maalgashadayaashu waxay sidoo kale fiiro gaar ah u yeesheen baaqii Vance ee ahaa in xabbad-joojin la sameeyo, tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka iyo sare u kaca qiimaha maciishadda, iyo dib-u-eegis lagu sameeyo xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil.

    Xaaladdan ayaa sare u qaaday rajada laga qabo suuqyada maaliyadeed, iyadoo qaar ka mid ah maalgashadayaashu ay aaminsan yihiin in jihada siyaasadeed ee cusub ee doorashada kaddib ay yareyn karto, suurtagalnimada dagaal ballaaran oo dhex mara Mareykanka iyo Iran.

    Dhanka kale, suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa iyaguna diiwaangeliyay koror weyn.

    Tusmada saamiyada Dow Jones Industrial Average, ayaa xiritaanka suuqa ku kacday 3%, halka S&P 500 ay korortay 1.6%. Sidoo kale, Nasdaq oo inta badan ka kooban saamiyada shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa kor u kacday 1.4%.

    Sidoo kale akhri:

  2. Markii uu Trump yiri "waan jeclahay Ilhaan"

    Marka la soo hadal qaado Trump iyo Ilhaan Cumar, waxaa durbaba maskaxdaada ku soo dhacaya hadallo ay is dhaafsadeen labadooda.

    Trump ayaa dhowr mar oo hore weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Mareykanka iyo Soomaaliyaba.

    Si kooban, waxaan dib u yara milicsaneynaa hadalladii Trump marka laga yimaado hadalladii adkaa ee uu u muujinayay.

    Waxa aad loo xasuustaa hadal uu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xili uu mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, dabayaaqadii sanadkii 2025-kii.

    Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday, ayaa waxaa sidii looga bartay khudbadiisa ku soo hadal qaaday Soomaalida.

    Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ''koofiyad yar'' isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

    "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

    Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko "qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay". Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada.

    Sidoo kale akhriso:

  3. Trump oo qiray in go'aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii Jamhuuriga

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in go'aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii xisbiga Talada haya ee Jamhuuriga ka soo gaartey doorashada Dhextaalka ah.

    Trump hase yeeshee wuxuu ku adkaystay in uu mar kale qaadan lahaa go'aankaas haddii ay fursad kale soo marto. Halka Ku-xigeenkiisu uu su’aal geliyay in dagaalkaasi uu u qalmay khasaaraha iyo kharashaadka ka dhashay.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si buuxda ula wareegey gacan-ku-haynta maamulka labada aqal ee Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka, ka dib doorashooyinka Muddada Dhextaalka ee taladadii ka dhacday dalkaas.

    Natiijadan oo talada sharcidajinta si weyn ugu janjeerisey dhanka mucaaradka, ayaa dhanka kale waxay dhabar-jab weyn ku tahay Madaxweyne Donald Trump, oo inta ka dhiman muddada xileedkiisa wajahi doona mucaarad ragaadinaya.

    Sidoo kale akhri: