Weriye Axmed Taajir oo geeriyooday
Published

Xigashada Sawirka, BBC World Service
Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyoday magaalada Isiolo ee Kenya, wariyihii caanka aha Axmed Maxamed 'Axmed Taajir'oo in muddo ah xanuunsanaa.
Axmed Taajir oo aan filayo dhageystayaal in ay ku xasuustaan codkiisii cajiibka ahaa ahaa wuxuu muddo dheer ka soo shaqeynayey idaacadaha af-Soomaaliga ee Kenya iyo BBC.
Maxamed Cabdullaahi oo ah madaxii hore ee laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa Abdinur Shiikh Maxamed wuxuu ka wareystay taariikh-nololedkii Axmed Maxamed.