Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Fiidiyow: Dayaarad uu dab qabsaday
Published
Dayaarad Peru laga leeyahay oo sidday 141 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaale ayuu dab qabsaday markii ay ka dagaysay garoonka dayaaradaha Jauja ee ku yaalla buuraleyda Andes.
Shirkadda dayaaradda leh waxay sheegtay in dhamaanba dadkii saarnaa dayaaradda ay bed qabaan oo la samatabixiyey.
Dayaaradda ayaa la sheegay inay ka baxday dhabbaha ay dayaarduhu ku ordaan. Cidna kuma dhaawacmin.
Kooxaha dabka damiya ayaa dabkii bakhtiiyey, baaritaan ayaana iminka socda.