Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Weerar lagu qaaday maqaayad ku taalla Beledweyne
Published
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ismaadin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.
Qofka is miidaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla bannaanka xarunta maamulka gobolkaasi.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay inay fulisay qaraxa. Kooxda ayaa si joogto ah weerarro is miidaamin ah uga fuliya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qaybo ka tirsan Soomaaliya. Waa weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca Beledweyne dhowr bilood kaddib.