Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Qoraa Idaajaa oo ka warbixiyay booqashadiisa magaalada Hargeysa
Qoraaga Soomaaliyeed ee Axmed Faarax Cali Idaajaa oo markii ugu horeysay muddo ka badan soddon sano booqday magaalada Hargeysa ayaa wuxuu sheegay in magaaladaasi uu ka muuqdo horumar iyo isbeddel weyn maadaam ay ugu dambeysay 1986.
Idaajaa ayaa mudadii uu safarka ku joogay Somaliland waxaa si weyn looga hadal hayay baraha bulshada oo qaar ka mid ah dadku ay ku naqdinayeen qoraaladiisa xaga suugaanta iyo gabayada iyaga oo sheegay inuu qaab gaar ah u soo xusho gabayada.
Haddaba, Idaajaa ayaa arintaan uga waramay iyo sida uu arko uga waramay Weriyaha BBC ee magaalada HargaeysaAxmed Saciid Cige, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay socdaalkiisan Hargeysa.