Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Tababare Tuchel: Lama tixgelin dareenka Borussia Dortmund
Tababaraha kooxda Borussia Dortmund, Thomas Tuchel, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xilliga lagu soo beegay kulankoodii xalay ay la dheeleen Monaco.
Dortmund oo 3-2 looga adkaaday, ayaa ciyaarta safatay wax ka yar 24 saacadood markii qaraxyo lala beegsaday baskooda, taasoo dhalisay in habeenkii Talaadada kulanka la baajiyo.
Tababare Tuchel ayaa sheegay xiriirka kubadda cagta Yurub ee Uefa uu fariin qoraaleed kusoo wargeliyay, asagoo u sheegay in ciyaarta ay dhici doonto habeenka Arbacada ah.
Balse Uefa ayaa dhankeeda sheegtay in go'aanka ah in ciyaarta ay dhacdo habeenka Arbacada ah, ay si buuxda isugu waafaqeen labada kooxood.
Marc Bartra oo daafaca uga dheela Borussia Dortmund ayaa gacanta uga dhaawacmay qaraxyadaasi, asagoo qalliin looga sameeyay, mana jirin ciyaartooy kale oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi.