Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS, Trump: Arrinta Iiraan dhawaan ayaa xal laga gaari doonaa

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inay jiraan “wada-hadallo qaar” oo lala leeyahay Iiraan, balse uusan doonayn inuu galo wada-xaajoodyo.

Kooban

  • Iran oo sheegtay inay Mareykanka wada-hadallo kula jirto iyada oo loo marayo Pakistan iyo Qatar
  • Trump: Waa inaan go'aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
  • Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
  • Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
  • Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta oo sheegay inay weerar ku beegsadeen goob muhima oo ku taalla Sacuudiga

    Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsatay wasaaradda difaaca Sacuudi Carabiya ee Riyadh iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco ee magaalada Yanbu. Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in shirkaddu amartay in shaqaalaha weli jooga xarunteeda dhexe ee Dhahran la daadgureeyo, isla markaana ay shaqada guryahooda ka sii wataan.

    Afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in wasaaradda difaaca “si toos ah loo garaacay”. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan waqtigii warbixintan la diyaarinayay.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay shaaciyeen in afar qof ay ku dhinteen, toban kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo kala duwan oo Arbacadii lala beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee Dammam iyo goobta shidaalka ee Shaybah.

    Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaas oo sheegay in amarka daadgureynta xarunta Aramco ee Dhahran uu khuseeyay shaqaalihii weli goobta ku sugnaa. Shaqaalaha aan muhiimka u ahayn joogitaanka goobta ayaa shaqada meel fog ka qabanayay tan iyo weerarkii toddobaadkii hore.

    Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in goobaha la deggan yahay ee ku dhex yaalla xarunta shirkadda aan la xirin ama laga daadgureyn dadka deggan.

    Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, lama bixin sabab gaar ah oo ku saabsan amarka daadgureynta

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?

    Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan ​​gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.

    Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.

    Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.

    Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.

  3. Trump oo eedeyn culus u jeediyey Iiraan

    Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay dadaal kasta ku bixinayso sidii ay sare ugu qaadi lahayd qiimaha saliidda ka hor doorashooyinka Maraykanka, iyadoo uu sheegay inay “faafinayso warar been abuur ah” oo ku saabsan qaraxyada miinooyinka badda iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta marinka Hormuz.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku andacooday in hadda ay marinka Hormuz ay maraan saliid ka badan intii ka horreysay dagaalka, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay sababta Iiraan u adeegsanayso tallaabo kasta oo ay ku kordhin karto qiimaha saliidda.

    Trump ayaa hadalkan jeediyay xilli qiimaha fuustadii saliidda Brent uu maanta kor u dhaafay 112 doollar, taas oo ah qiimihii ugu sarreeyay muddo shan bilood ah.

    Trump ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku tilmaamay dowlad “shaydaan ah”, isagoo ku eedeeyay inay weli dilayso dibadbaxayaasha iyo dadka kale ee ka soo horjeeda.

    Wuxuu dowladda Iiraan ku eedeeyay inay dishay 75,000 oo dibadbaxayaal ah muddo ka yar toddoba bilood.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha

    Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan

    Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.

    In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.

    Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.

    Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".

  5. WHO oo war ka soo saartay haweenaydii laga helay Ebola

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay inay weli baadhayso halka ay haweeney laga helay cudurka Ebola ee Nigeria ka qaadday fayraska.

    Haweeneydan oo 42 jir ah, xaaladdeedana la sheegay inay soo hagaagayso, ayaa horraantii bishan timid magaalada Abuja, kaddib markii ay in ka badan laba toddobaad ku qaadatay Uganda.

    Uganda ayaa sheegtay in haweeneydu ay sidoo kale u safartay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo markii ugu horreysay looga dhawaaqay dillaaca cudurka bartamihii bishii May. Hase yeeshee, WHO ayaa sheegtay in xogtaas aan weli la xaqiijin.

    Saraakiisha caafimaadka ayaa dadaal degdeg ah ugu jira sidii ay u aqoonsan lahaayeen dhammaan dadka xiriirka la yeeshay haweeneyda, si looga hortago faafitaanka fayraska.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Warar hor leh oo laga helayo Sacuudiga kaddib weerrarkii Xuutiyiinta ku qaadeen

    Wararka ka imanaya Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in shirkadda shidaalka ee dowladda, Aramco, ay shaqaalaha ka daadgureysay xarunteeda dhexe ee magaalada Dhahran ee bariga dalka, iyadoo ay sii socdaan weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga.

    Ilo xog-ogaal ah oo dhowr ah ayaa sheegay in shaqaalaha xarunta dhexe ee Aramco lagu amray inay shaqada ka sii wataan guryahooda, saacado uun ka dib markii laba qof lagu dilay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee King Fahd, kaas oo u adeega bariga Sacuudi Carabiya. Weerarka waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

    Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen kula dagaallamaya Xuutiyiinta ayaa sheegay inuu uu hawada ku burburiyay afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul marayay magaalada Riyadh iyo magaalada barakaysan ee Madiina.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Jarmalka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Iiraan

    Hay’adda Jarmalka u qaabilsan kormeerka maaliyadda ayaa amartay in la kala diro lana soo afjaro hawlaha laanta Hamburg ee Bangiga Dhoofinta Iiraan.

    Laantan oo Jarmalka ka shaqaynaysay tan iyo sannadkii 1962 ayaa hore looga laalay ruqsaddii banginimo bishii Nofeembar 2025.

    Wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska Jarmalka ee Berliner ayaa sheegay in maxkamad ku taalla Hamburg ay shirkad qaabilsan hawlaha xiritaanka u magacowday inay maamusho kala dirista laanta bangiga.

    Hay’adda Jarmalka u qaabilsan kormeerka adeegyada maaliyadeed ee Bafin ayaa sheegtay in ruqsadda Bangiga Saderat looga laalay inuu jebiyay shuruudaha sharciga iyo inuu wax ka qaban waayay khaladaadkii iyo cilladihii ay hay’adaha kormeerku ogaadeen.

    Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah bangiyada Iiraan ee ka hawlgala Jarmalka.

    Bishii Sebtembar, Bafin ayaa ku dhawaaqday in laanta Frankfurt ee Bangiga Sepah, oo ay dowladdu leedahay, ay kacday.

    Laanta Hamburg ee Bangiga Dhoofinta Iiraan ayaa ku hawlanayd maalgelinta macaamillada ganacsi ee la xiriira Iiraan. Adeegyadeeda waxaa ka mid ahaa xawilaadaha lacagaha, furitaanka waraaqaha amaahda, bixinta deynaha iyo soo saarista dammaanadaha maaliyadeed.

    Dhammaadkii sannadkii 2025, laantu waxay lahayd hanti qiimaheedu gaarayay ku dhowaad 62 milyan oo Yuuro, waxaana u shaqaynayay 13 qof.

    Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli cadaadiska maaliyadeed ee Iiraan uu sii kordhayo. Midowga Yurub ayaa bishii Sebtembar dib u soo celiyay qaar ka mid ah xannibaadihii maaliyadeed ee Iiraan, kaddib markii dib loo dhaqan geliyay cunaqabatayntii hore ee Qaramada Midoobay.

    Maraykanka ayaa sidoo kale kordhiyay cadaadiska uu saarayo bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee xiriirka la leh Iiraan.

  8. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  9. Kenya oo u hambalyo u dirtay hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug

    Wasiirka caafimaadka Kenya ,Aadan Barre Ducaale, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray hoggaamiyaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo maanta Baarlamaanka Galmudug doorteen kaddib doorasho ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

    Qoraal uu wasiir Barre soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale farriin u diray hoggaamiyaha cusub.

    "Doorashadiisu waxay mar kale xaqiijinaysaa horumarka uu sameynayo nidaamka federaalka Soomaaliya." ayuu ku yiri qoraalkiisa Aden Barre.

    Wasiir Aadan ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha cusub u rajaynayo xikmad iyo hoggaan wanaagsan oo uu mudnaanta ku siinayo danaha shacabka, kana hormarinayo danaha gaarka ah, isla markaana kor u qaadaya nabadda iyo horumarka, xoojinayana xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

  10. War deg deg ah, Muxuu hoggaamiyaha cusub ee Galmudug ka yiri ka maqnaashiyaha Qoor-Qoor ee doorashada?

    Waxaa gordhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug lagu doortay hoggaamiyaha maamulkaaas Liibaan Axmed Xasan. Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa doortay Liibaan, waxaana uu BBC-da u sheegay howlaha hortabinta u leh iyo tallaabooyinka uu qaadayo.

    Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono amniga, dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug iyo bixinta adeegyada muhiimka ah.

  11. Cabdiweli Ibraahim Garyare oo loo doortay hoggaamiye ku xigeenka Galmudug

    Golaha wakiilada maamul gobleedka Galmudug ayaa waxay goor dhaw u doorteen hogmaamiyaha ku xigeenka maamulkasi Cabdiweli Ibraahim Garyare.

    Garyare oo horrey u ahaa Senator ka tirsan aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale horrey usoo noqday agaasime xigeenka hay’adda duulista hawada Soomalaiya.

    Cabdiweli Ibraahim Garyare, wuxuu muddo dheer ahaa wariye ka soo shaqeeyey warbaahino kala duwan.

    Wuxuuna helay 64 Cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdisataar Maxamed Geelle uu helay 20 Cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug oo ku dhawaaqay natiijada doorashada.

  12. Tirada dadka ku dhintay weerarkii garoonka diyaaradaha Dammam ee Sacuudiga oo korodhay

    Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee magaalada Dammam ay gaartay laba qof, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

    Warbixin hore oo aan soo xigannay Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha King Fahd, oo ku yaalla bariga dalka, la weeraray fiidnimadii Arbacada.

    Bayaan cusub oo ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen muwaadin Sacuudiyaan ah iyo muwaadin Hindi ah.

    Sida bayaanka lagu sheegay, weli waxaa socda qiimeynta khasaaraha soo gaaray garoonka.

    Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan garoomada diyaaradaha ee dalka ay sii xoogeysanayaan.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadaan kaabeyaasha shidaalka iyo xarumaha rayidka ee Sacuudiga.

    Weerarradaasi waxay sababeen in la xiro garoonka weyn ee diyaaradaha Riyadh, sidoo kalena dib loo dhigo shir sannadle ah oo muhiim u ah maalgashiga dalka.

    Sida laga soo xigtay tirakoob ay samaysay wakaaladda wararka ee AFP, 22 qof ayaa ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga 30-kii maalmood ee la soo dhaafay.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  13. Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

    Golaha wakiilada maamul gobleedka Galmudug ayaa waxay goor dhaw u doorteen hogmaamiyaha maamulkasi Liibaan Axmed Xasan.

    Liibaan ayaa helay 72-cod, halka musharaxii kula tartamay xilka Cabdulqaadir Cabdullahi Diiriye uu helay 14-cod, 3-cod ay halaabeen.

    Waxaa natiijadan shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Xuseen Maxamed Nuur.

    Liibaan ayaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego Axmed Cabdi Kaariye "Qoor Qoor" oo isaga oo xilka haya hadana aan tartanka ka qeyb galin.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  14. Imaaraadka Carabta oo haweeney diblomaasi ah u soo xulay tartanka xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Imaaraadka Carabta ayaa Lana Nusseibeh, oo hore dalkiisa ugu matashay Qaramada Midoobay, u magacaabay musharrax u tartamaya xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, si ay ugu beddesho António Guterres oo muddadiisa labaad ay ka harsan yihiin wax ka yar saddex bilood.

    Lana Nusseibeh ayaa ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, waxayna in ka badan toban sano dalkaas safiir uga ahayd Qaramada Midoobay.

    Waxay sheegtay in xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka caalamka, ay ka shaqayn doonto soo nooleynta doorka Qaramada Midoobay ee xal u helidda khilaafaadka iyada oo loo marayo diblomaasiyadda.

    Haddii la doorto, Nusseibeh waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Lix musharrax oo kale ayaa sidoo kale u tartamaya xilkan.

    Wareegga hordhaca ah ee codbixinta musharraxiinta, Rebecca Greenspan oo u dhalatay Costa Rica ayaa hoggaanka u haysa.

    Musharraxiinta kale waxaa ka mid ah Rafael Grossi oo u dhashay Argentina, ahna agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA).

    Wararka kale ee dheeraadka:

  15. Maraykanka oo diblomaasiyiintiisa ku amray inay ka baxaan Sacuudiga

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda ku amartay inay ka baxaan Sacuudiga, sababo la xiriira halista weerarrada Xuutiyiintu ku qaadayaan dalkaas.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in weerar diyaaradeed oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarun shidaal laga soo saaro la fashiliyay.

    Si kastaba ha ahaatee, laba qof ayaa dhintay markii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay burburtay. Nin kale ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee King Fahad.

    Dagaallada u dhexeeya kooxaha hubaysan ee Yemen, Xuutiyiinta uu taageero Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii hore.

    Xuutiyiinta ayaa weerarrada Sacuudiga kaga jawaabaya weerarro ay ku qaadaan garoomada diyaaradaha, kaabeyaasha tamarta iyo saldhigyada milatariga.

    Weerarkii dhowaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca sannadihii u dambeeyay.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay: “Wasaaraddu waxay shaqaalaha Maraykanka ee aan ka shaqayn xafiisyada xaaladaha degdegga ah ku amartay inay dalka ka baxaan iyaga iyo qoysaskoodaba.”

    Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaallada hadda socda ay si degdeg ah u sii xoogeysan karaan.

    Siddeed qof ayaa la sheegay inay si daran ugu dhaawacmeen weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee King Fahad.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  16. Trump: Wadaxaajood hadda uma socdo Maraykanka iyo Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadalkiisii ugu dambeeyay ku sheegay in aysan jirin wax wadaxaajood ah oo hadda u socda dalkiisa iyo Iiraan.

    Markii wax laga weydiiyay in uu ka tanaasulay wadaxaajoodka Iiraan, ayuu ku jawaabay: “Iiraaniyiinta wadaxaajood lama wadno, balse arrintan waxaan gaari doonnaa gunaanad. Taasi waxay dhici doontaa dhawaan.”

    Trump ayaa intaas ku daray: “Dadka badankoodu waxay qabaan in arrintani ay dhici doonto doorashada kaddib.”

    Wuxuu ula jeeday doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, oo dhowaan la qaban doono.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu “shaqo aad u wanaagsan” ka qabtay arrinta Iiraan, wuxuuna iska horimaadka labada dal ku tilmaamay “isku dhac yar oo Iiraan lala galay.”

    Hadalka Trump ee ku saabsan wadaxaajoodka Iiraan ayaa imanaya xilli Asim Munir, oo ahaa dhexdhexaadiyihii ugu muhiimsanaa iska horimaadkii dhowaan dhexmaray Maraykanka iyo Iiraan, uu booqasho ku tagay Tehran.

    Ka hor booqashadiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Sergei Lavrov, ayaa isaguna booqday Iiraan.

  17. Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan: Afar markab ayaa la weeraray Gacanka Faaris

    Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Khamiistii sheegay in afar markab oo ay ciidamadoodu “la socdeen oo ay kormeerayeen” la weeraray, isla markaana ay dab qabsadeen xilli ay shidaal ugu wareejinayeen markab kale, meel ku taalla waqooyiga bartamaha Gacanka Faaris.

    Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ay soo saareen afarta markab ku tilmaamay kuwo sharciga jebiyay, iyagoo sheegay in ay mareen waddooyin aan sharci ahayn.

    Iiraan waxay waddo sharci-darro ah u aragtaa marinka ay Cumaan ku dhawaaqday in maraakiibtu ka isticmaalaan dhinaca koonfureed ee Marinka Hormuz, kaas oo Maraykanku sheegay inuu sugayo ammaankiisa.

    Qayb kale oo ka mid ah bayaankooda, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in saddex markab oo kale ay xalay shil galeen oo dab qabsaday, kaddib markii ay ku dhaceen miino taallay galbeedka Marinka Hormuz.

    Waxay sidoo kale sheegeen in ku adkaysiga ciidamada Maraykanka ee ah in maraakiibtu maraan waddooyin ay ku tilmaameen kuwo si sharci-darro ah miinooyin loogu aasay ay sababtay kororka shilalka badda.

    Dhammaadka bayaanka, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa uga digay milatariga Maraykanka in haddii ay sii wadaan tallaabooyinka ay ku tilmaameen daandaansi, ay taasi horseedi karto jawaab ballaaran oo lagu qaado saldhigyadooda ku yaalla gobolka.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  18. IOM oo ka digtay in in ka badan 800,000 oo qof ay Soomaaliya ugu jiraan khatar barakac ka dhalan kara fatahaado

    Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday.

    “Waxaan ka cabsi qabnaa in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo ah. Qoysas badan ayaa hore u barakacay, mana haystaan wax badan oo ay ku tiirsanaadaan,” ayuu yiri Manuel Marques Pereira, madaxa IOM ee Soomaaliya.

    Wuxuu intaas ku daray in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse waqtigu sii dhammaanayo. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu caawiyo dadka si ay u ilaashadaan guryahooda iyo ilaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay, una gaaraan goobo ammaan ah marka loo baahdo, si looga hortago barakac kale.

    Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar. Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay sababaan 92 boqolkiiba barakacaas.

    Digniintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay in roobabku ka badnaan doonaan heerka caadiga ah, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xaaladaha cimilada ee El Niño.

    Inkasta oo khatartu sii kordhayso, IOM waxay ilaa hadda heshay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay, oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si loogu diyaar garoobo loogana jawaabo fatahaadaha la xiriira El Niño.

    Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada Soomaaliya ee u nugul fatahaadaha.

    Calaamadaha fatahaadaha ayaa durba soo muuqanaya. Magaalada Doolow, webiga Jubba ayaa ku dhow heerka fatahaadda, halka webiga Shabeelle ee mara Jowhar uu kor ugu sii kacayo dhinacyada webiga.

    Roobab xooggan oo ka da’ay Baydhabo ayaa durba waxyeelleeyay guryo, waxayna qoysas ku khasbeen inay ka cararaan xaafado dhowr ah.

    Beledweyne iyo Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ay fatahaaduhu khatarta ugu badan ku hayaan, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad 229,000 oo qof ay halis ugu jiraan barakac Beledweyne, halka Gaalkacyo ay khatartu ku wajahan tahay qiyaastii 82,000 oo qof.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  19. Netanyahu oo sheegay in khatarta Iiraan lagu soo afjari karo oo keliya in xukunka laga tuuro dowladda, isagoo amarro siiyay Mossad

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in sida keliya ee meesha looga saari karo khatarta Iiraan ay tahay in xukunka laga tuuro dowladda dalkaas.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax doorasho oo ka dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, ayuu Netanyahu sheegay in Iiraan ay dooneysay inay Israa’iil burburiso, balse Israa’iil ay xooggeeda oo dhan u adeegsatay sidii ay taas uga hortagi lahayd.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay isku dayaysay inay samaysato hub nukliyeer ah, arrintaas oo uu sheegay in laga hortagay, balse dadaalladaasi ay weli socdaan.

    Netanyahu oo maalmihii u dambeeyay sii adkeynayay hadalladiisa ka dhanka ah Iiraan ayaa yiri: “Waxaa jirta hal waddo oo keliya oo lagu soo afjari karo xaaladdan taagan, waana in xukunka laga tuuro dowladda Iiraan.”

    Waxa uu sheegay inuu amarro arrintan la xiriira siiyay ciidamada Israa’iil, hay’adda sirdoonka Mossad iyo dhammaan hay’adaha amniga dalkaas.

    Hase yeeshee, ra’iisul wasaaruhu ma uusan caddeyn goorta iyo sida amarradaasi loo fulin doono.

    Iiraan ayaa muddo dheer beeninaysay eedeymaha sheegaya inay dooneyso inay samaysato hub nukliyeer ah.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  20. Weerar gantaallo ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv oo dhaawacay ugu yaraan lix qof

    Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub oo gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv.

    Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dhowr dhisme oo ay dadku deggan yihiin ay waxyeello ka soo gaartay weerarka oo dhacay habeenkii Arbacada.

    Weerarkan ayaa dhacay xilli Ruushku sheegay inuu mabda’ ahaan diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wadahadallada nabadeed, halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in dunidu ay u badan tahay inay hadda ugu dhowdahay sidii hore in la soo afjaro dagaalka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ergayada Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub.

    Witkoff ayaa Arbacadii magaalada Saint Petersburg kula kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaddib markii uu maalin ka hor la kulmay madaxweynaha Ukraine.

    Wadahadallo saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayeen Ruushka, Ukraine iyo dhinacyo kale ayaa burburay bishii Febraayo. Intaas kaddib, Ruushku wuxuu kordhiyay weerarradiisa, halka Ukraine ay soo wajahday yaraanta gantaallada difaaca cirka ee ay ka hesho dalalka reer Galbeedka.

    Trump oo Arbacadii hadlayay ayaa yiri: “Dhowr maalmood ka hor ayaan Vladimir Putin kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Waxaan u maleynayaa inaan ku sii dhowaanayno hadafkaas, laga yaabee inaan hadda ugu dhow nahay sidii hore.”

    Hase yeeshee, madaxweynaha Mareykanka ayaan ilaa hadda ku guuleysan inuu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, inkastoo uu marar badan sheegay inuu awood u yeeshay inuu soo afjaro colaado kala duwan.

    Wararka kale ee dheeraadka: