TOOS, Dhisme dabaq ah oo ku dumay xaafada Islii ee Nairobi iyo howlaha gurmadku weli socda
Cumar Axmed oo ah isku duwaha guddiga ganacstada xafaada Islii oo ku sugan goobta dhismuhu ku dumay ayaa BBC-da u sheegay in dhismaha dabaqa ee dumay uu ka koobnaa ilaa dhowr iyo tobban dabaq kaas oo la rajaynayey in dhawaan xarriga laga jaro.
Trump: Waa inaan go'aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan
Tebin toos ah
War deg deg ah, Madaxa waaxda maareynta masiibooyinka ee Nairobi oo war ka sheegay dhismihii ku dumay Islii
Xigashada Sawirka, Cumar Axmed
Qoraalka sawirka, Dhismaha dumay ayaa ka koobnaa 13 dabaq
Madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka ee Nairobi, Bramwell
Simiyu, ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiintu aysan ogeyn tirada dadka ku
jiri kara dhisme ka kooban 13 dabaq oo galabta ku dumay magaalada.
“Waxaa naloo sheegay in dabaqyada hoose ee dhismaha ay si
sharci-darro ah dad qaarkood u degganaayeen. Sidoo kale, in dad qaarkood ay
halkaas ka wadeen hawlo ganacsi,” ayuu yiri.
Dhismaha ayaa ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Sawarro: Samatabixinta kooxaha gurmadka oo ka socda dhismaha ku dumay Islii
Sidii aan horrey u tebinay, kooxaha gurmadka oo wata gaadiidka cagaf cagafyada ayaa ku sugan dhismaha dhowr iyo tobanka dabaq ka kooban ee maanta ku dumay xaafada Islii.
Sawirrada laga helayo goobta ayaa muujinaya kooxaha oo ku howlan qaadista shubabka adag ee dumay.
Qoraalka sawirka, Dhisme dabaq ah oo ku dumay xaafada Islii ee Nairobi
Cumar Axmed oo ah isku duwaha guddiga ganacstada xafaada
Islii oo ku sugan goobta dhismuhu ku dumay ayaa BBC-da u sheegay in dhismaha
dabaqa ee dumay uu ka koobnaa ilaa dhowr iyo tobban dabaq kaas oo la rajaynayey
in dhawaan xarriga laga jaro.
Wuxuu intaas ku daray in qaybta hoose ee dhismaha oo dukaamo
ahaa ay furnaayeen oo ay dadi ku sugnaayeen
‘‘Waxaa la maqlayey hooyo qaylinaysa oo ashahaadanaysa,
wiil ayaa qaylinayey oo dhahayey walaalkay
ayaa ku jiray” ayuu yiri Cumar.
Sidoo kale wuxuu xusay in dad doonayey inay guri daggaan
ay eeganayeen qaybaha ay sidoo kale ku
sugnaayeen dhismaha.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta basle saraakiisha
badbaada ayaa goobta ku sugan.
War deg deg ah, Degdeg: "Dad ayaa ku hoos jira dabqa dumay"
Warka laga helayo dhismaha ku dumay xaafadda Islii ayaa sheegaya in dad ku hoos jiraan laakin ilaa iyo hadda lama oga tiradooda.
Qof aan la hadlanay ayaa noo sheegay in gudaha laga maqlayo dad hadlayo oo caawin dalbanaya, laakin hadda hadalkaasi uu meesha ka sii baxayo loona maleynayo in ay geeriyoodeen.
Guri dabaq ah oo dumay xaafada Soomaalidu degto ee Islii ee Nairobi
Qoraalka sawirka, Deg deg
Wararka laga helayo xaafada Islii ee ay Soomaalidu degto ee magaalad Nairobi ayaa sheegaya inuu dumay guri dabaq ah oo ku yaalla xaafada Islii oo ka tirsan degmada Kamakunji ee magaalada Nairoi.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay, balse waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaallo muujinaya si dadku u argagaxeen markii dhismuhu dumayey.
Sidoo kale waxaa wararku intaas ku darayan inay jiri karaan in dad ku hoos jiraan dhismaha dumay wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Halkan kala soco wararka dheeraadka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo soo saaray amar culus oo lagu soo rogayo Herbon
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amar
ku bixiyay in Bandow lagu soo rogo Daanta Galbeed ee la haysto, kadib markii
weerar ay qaadeen maleeshiyaad Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen shan qof oo
Israa’iiliyiin ah, ka hor inta aysan askartu toogasho ku dilin raggii weerarka
geystay.
Netanyahu ayaa sheegay in milatarigu uu ka hortagay weerar
weyn oo ka dhici lahaa meel u dhow bar koontarool oo ku taalla afaafka laga
galo magaalada Hebron.
Laba ka mid ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee dhaawacmay ayaa
la sheegay in xaaladdoodu aad u liidato.
Iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashooyinka,
Netanyahu ayaa sidoo kale ku baaqay in maanta la baajiyo dhammaan shirarka
xisbigiisa Likud.
Laba ka mid ah xubnaha garabka midigta fog ee ku jira
isbahaysigiisa ayaa dalbaday in tallaabooyin ka adag laga qaado Daanta Galbeed.
Carrabka wayn ama dheer waa "sababta hurdo la'aanta"
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Caafimaad
Hurdo xumada ka dhalatay in qofka uu dhib kala kulmo inuu neefsado habeenkii, waxaa suuragal ah in ay la xiriirto carrabka wayn ee cayilan, sida cilmi-baaris lagu sheegay.
Marka Bukaanada ay la xanuunsadaan hurdo la'aan, waaxay taa sababtaa in qofka uu caatoobo. Waxanaa ka dhalanaya in carrabkooda ay xeyrta ka dhacdo, natiijo wanaagsan ayaana laga helaa oo ah in bukaanka uu si wanaagsan u hurdo, waa sida ay sheegeen cilmi baarayaasha.
Laakiin, kooxda ka socotay jaamacadda Pennsylvania, waxay sheegayaan in dadka kale ee caatada ah ama iska caadiga ah ee carrabkoodu dheeryahay ama buuran yahay, ay sidoo kale halis ugu jiraan in hurdo la'aan ay ku dhacdo.
Hadda, waxay cilmi-baarayaashan eegayaan cuntada keeni karta in carabka uu yaraado.
Xarunta Tirakoobka Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay
maanta oo jimce ah ku sheegtay in ay dib u dhigtay Madasha Caalamiga ah ee
Xogta ee Qaramada Midoobay iyo madasha labaad ee tirakoobka dalkaas, kuwaas oo
markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Riyadh intii u dhexeysay 9-ka
iyo 12-ka Nofeembar ee sanadkan. Labada madal ayaa hadda dib loo dhigay ilaa
2027.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Sacuudigu Isniintii ku
dhawaaqay in uu dib u dhigayo ilaa 2027 shirkiisa ugu muhiimsan ee maalgashiga.
Go'aanka ayaa la qaatay kadib markii weerarro dhimasho sababay oo ay fallaagada
Xuutiyiinta Yemen toddobaadyadii u dambeeyay qaadeen ay carqaladeeyeen
dhaqdhaqaaqyada ganacsiga.
Shirka Hindisaha Maalgashiga Mustaqbalka ayaa la qorsheeyay
in dalkaas lagu qabto intii u dhexeysay 26-ka iyo 29-ka Oktoobar.
Munaasabado kale oo waaweyn oo Sacuudiga ka dhici lahaa, oo
ay ku jiraan tartan tennis ah iyo wareeg ka mid ah Horyaalka Adduunka ee
Tartanka Baabuurta ee Rally-ga, ayaa la baajiyay ama dib loo dhigay kadib
markii ay sii kordheen weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen qaadaan.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo la filayo in baarlamaanka Masar toddobaadka soo socda uu u codeeyo soo jeedin ku saabsan in ciidamada dalkaasi ay taageeraan dowladda Sacuudiga dagaalka ay kula jirto Xuutiyiinta ay Iran taageerto.
Waxaa jira walaac laga qabo in faragelin toos ah oo ay ciidamada Masar sameeyaan ay si weyn u sii hurin karto colaadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.
Sabtidii, Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo baarlamaanka dalkaasi yeesho, si loo ansixiyo taageero militari oo la siiyo Sacuudiga.
Kaddib kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Sabtidii, xildhibaannadu waxay go’aamiyeen in codbixinta dib loo dhigo ilaa Axadda.
Madaxweyne Al-Siisi ayaa sheegay in taageerada militari ee Masar ay ku koobnaan doonto difaaca dhulka iyo xuduudaha Sacuudiga, isla markaana aanay jirin qorshe lagu qaadayo weerarro ka dhan ah Yemen.
Faahfaahinta taageerada ay Masar bixin doonto weli si cad looma shaacin.
Khamiistii, Badr Cabdullaati ayaa mar kale sheegay in Masar ay doonayso inay isku daydo dhammaan waddooyinka suurtagalka ah si xal siyaasadeed loo gaaro.
Dad ka soo qaxay colaadda Mooyaale oo soo gaaray Kenya
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Mooyaale
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay gargaar siinayso dadka ka soo cararay colaadda ka dhacday magaalada Moyale ee koonfurta Itoobiya, una tallaabay dhinaca Kenya.
Hay’addu waxay sheegtay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyey kun qof.
Laanqayrta Cas iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in iska horimaadyadii toddobaadkan ka dhacay Moyale ay ku khasbeen kumannaan qof, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dhallinyaro, inay u qaxaan dhinaca xuduudda Kenya.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay dadka deegaanka oo sheegay in rasaastu ay weli si weyn uga socotay magaalada Moyale ee Itoobiya.
Dhanka kale, magaalada Moyale ee Kenya ayaa la sheegay inay guud ahaan deggan tahay. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay dagaalladu ka billowdeen dhinaca Itoobiya, booliska ilaalada xuduudda Kenya ayaa adkeeyey ammaanka.
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa bilowday diyaarinta xero ku-meel-gaar ah oo lagu qaabilo dadka soo barakacay. Waxa kale oo ay bilowday qaybinta agabka hoyga, bustayaal, biyo, weelasha wax lagu karsado iyo xoogaa cunto ah.
“Dad badan ayaa yimid iyaga oo aan waxba wadan. Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, oo ay ka mid yihiin hoy, cunto, dhar iyo dawo,” ayay hay’addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay Khamiistii.
Booliska ayaa sheegay in dagaalka ka socoday Moyale ee Itoobiya ay sidoo kale saameyn ku yeelatay dhinaca Kenya.
Mas’uuliyiinta deegaanka ee dhinaca Kenya ee Moyale ayaa kulamo ka wada sidii loo caawin lahaa dadka ka soo cararay colaadda.
Xeebaha Umm Al Quwain ee Imaaraadka Carabta oo la xiray kaddib markii shidaal ku soo qubtay markab
Iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso, isla markaana maraakiib lagu weerarayo marin-biyoodka Hormuz, ayaa Imaaraadka Carabta Jimcihii sheegay in shidaal ka daatay markab nooca shidaalka qaada ah oo ku sugnaa xeebihiisa.
Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mas’uuliyiinta lagu wargeliyey shidaal ka daatay markab nooca shidaalka qaada ah, kaas oo saameeyey xeebaha Umm Al Quwain, oo ku taalla waqooyiga Dubai.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in kooxaha gurmadku ay markiiba bilaabeen xakamaynta shidaalka daatay, nadiifinta iyo dib-u-soo-celinta deegaanka. Waxa kale oo ay sheegtay in xeebaha imaaraddu la xiray si loo yareeyo waxyeellada deegaanka.
Maalmihii la soo dhaafay, dad badan oo ku nool gobollada waqooyi ee dalka, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah waqooyiga Dubai, ayaa baraha bulshada ku sheegay inay dareemayaan urta shidaalka.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa soo baxay warar sheegaya in maraakiib dhowr jeer lagu weeraray agagaarka marin-biyoodka Hormuz.
Hay’adda Badbaadada Badda ee UK ayaa 9-kii Oktoobar sheegtay in markab ku sugnaa xeebaha Imaaraadka uu ku dhacay walax la soo tuuray, taas oo dhalisay dab. Dabkii ayaa markii dambe la xakameeyey.
Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in dagaallada Bariga Dhexe ay carqaladeeyaan sahayda tamarta ee gobolka.
Qiimaha Shidaalka cayriin ee Brent ayaa kor u kacay 0.5 boqolkiiba, isagoo gaaray 113.75 doollar fuustadii, halka saliidda Maraykanka ee West Texas Intermediate (WTI) ay kor u kacday 0.7 boqolkiiba, oo gaartay 100.13 doollar fuustadii.
Shalay oo ahayd 22-kii Oktoobar, qiimaha saliidda Brent ayaa ku xirmay heerkii ugu sarreeyay tan iyo 4-tii May.
Shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco, oo ay dowladdu leedahay, ayaa Khamiistii amartay in shaqaalaha laga daadgureeyo xarunteeda dhexe ee magaalada Dhahran, sababo la xiriira khatar laga cabsi qabo kaddib weerarro dhowaan lagu qaaday xarumaha shidaalka ee shirkadda.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya Sacuudiga, oo ah dalka ugu badan shidaalka dhoofiya dunida, iyo Xuutiyiinta Yemen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Falanqeeyayaasha hay’adda maaliyadeed ee ING ayaa qoraal ay soo saareen Jimcihii ku sheegay in suuqyada shidaalka iyo gaasku ay aad uga walaacsan yihiin suurtagalnimada in xiisadaha Gacanka Faaris ay dib u soo cusboonaadaan, taas oo sii saameyn karta sahayda shidaalka.
Araqchi: Maraykanka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay 11 bilyan oo doollar ku bixiyey nidaamka difaaca Israa’iil
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa bartiisa X ku qoray in Maraykanku saddexdii sano ee la soo dhaafay uu 11 bilyan oo doollar oo ka mid ah lacagta canshuur-bixiyeyaasha ku bixiyey nidaamka difaaca gantaallada Israa’iil.
Waxa uu intaas ku daray in Maraykanku riday gantaallo ka hortaga gantaallada oo ka badan kuwii Israa’iil lafteedu ridday, si uu u difaaco dalkaas.
Dhammaadka farriintiisa, Araqchi ayaa xiriirka Maraykanka iyo Israa’iil ku tilmaamay mid aan ku dhisnayn iskaashi ay labada dhinacba ka faa’iidaystaan, balse uu sheegay inuu yahay xiriir hal dhinac uu kan kale ka faa’iidaysto.
Warbixinta Wall Street Journal ee digniinta Iran haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan weerarrada
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, sawir hore oo gantaal ay Iran soo tuurtay
Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in Iran ay ka digtay inay ballaarin doonto baaxadda weerarradeeda haddii Israa’iil iyo Maraykanku ay dib u bilaabaan weerarrada ka dhanka ah dalkaas.
Warbixintu waxay sheegtay in haddii duqeymaha cirka dib loo bilaabo, Iran ay weerari doonto saldhigyada iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo keliya, balse ay sidoo kale bartilmaameedsan doonto garoomada diyaaradaha, dhuumaha shidaalka iyo goobaha kale ee rayidka ee dalalka deriska la ah ee ku yaalla Gacanka Faaris.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in digniinahan lagu baahiyey hadallo si fagaare ah loo jeediyey iyo farriimo diblomaasiyadeed oo si gaar ah loo gudbiyey.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Iran ay haysato kayd badan oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, isla markaana ay awood u leedahay inay adeegsato.
Iska horimaadyada magaalada Moyale oo sababay dhimashada dad rayid ah, halka dad badanna ay u qaxeen Kenya
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Dhibaatada Mooyaale
Dadka ku nool magaalada Moyale ee koonfurta Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in dad rayid ah lagu dilay iska horimaadyo tan iyo Axaddii ka dhacay deegaan xuduud la leh maamullada Oromiya iyo Soomaalida.
Dadka ay BBC-du la hadashay ayaa sheegay in sababta isku dhacu ay ahayd “calan si khaldan loo taagay”, isla markaana dad dhowr ah oo labada dhinac ah la dilay, oo ay ku jiraan carruur da’doodu tahay 10 sano.
Duqu wuxuu sheegay in deegaanka ay xuduud wadaagaan Soomaalida iyo Oromadu, ay Soomaalidu “ka gudbeen xuduudda, galeen dhulka Oromiya, ayna ka taageen calankooda maamul.”
Cabdiraxmaan Karama, oo la hadlay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga, kana shaqeeya hay’ad gargaar, ayaa sheegay in deegaanka laga dhisay maamul cusub.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo maleeshiyaad ay ka billowdeen dhinaca gobolka Oromiya.
“Subaxnimadii Khamiista ayaa rasaas la isweydaarsaday, waxaana halkaas ka dhashay burbur xooggan. Guryo dhowr ah ayaa la gubay, dadkii deegaankuna waxay ka carareen magaalada. Markii dambe, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa halkaas galay si ay xaaladda u dejiyaan,” ayuu intaa ku daray
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in iska horimaadyadu magaalada ka billowdeen Arbacadii, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen rasaas laga maqlayay dhinaca xuduudda Itoobiy
Boqollaal qof ayaa guryahooda ka barakacay kaddib iska horimaadyo ka dhacay magaalada Moyale, oo ah xarun ganacsi oo ku taalla xuduudda Itoobiya iyo Kenya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Boqollaal Itoobiyaan ah ayaa u tallaabay gudaha Kenya si ay uga baxsadaan colaadda ka qaraxday magaalada Moyale, sida ay sheegeen Laanqayrta Cas ee dalkaas iyo mas’uuliyiintu.
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in iska horimaadyadu magaalada ka billowdeen Arbacadii, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen rasaas laga maqlayay dhinaca xuduudda Itoobiya.
Warbaahinta Israa’iil: Taliyaha ciidamada milatariga oo aan arag baahi loo qabo in Iiraan la weeraro ka hor doorashada
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Reuters
Eyal Zamir
Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha guud ee ciidamada milatariga dalkaas, Eyal Zamir, uu kulan gaar ah oo dhowaan dhacay ku sheegay inuusan hadda arkin baahi hawlgal oo loo qabo in Iiraan la weeraro ka hor doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil ee toddobaadka soo socda.
Sida warbixintu sheegtay, Zamir ayaa kulanka ka yiri: “Ma aragno wax calaamado ah oo muujinaya in loo baahan yahay in Iiraan la weeraro ka hor doorashada,haddii aan go’aansanno in weerar lagu qaado Iiraan uu lagama maarmaan yahay, waan fulin doonnaa.”
Dhanka kale, dhaleeceeyayaasha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa hore ugu eedeeyay inuu doonayo inuu dib u bilaabo dagaalka Iiraan, si uu saameyn ugu yeesho doorashada ama dib ugu dhigo.
Yair Lapid, ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka dhexe ee baarlamaanka dalkaas, ayaa Arbacadii Netanyahu ku eedeeyay inuu si khatar ah siyaasadda ugu dhex darayo amniga qaranka, xilli doorashadu soo dhowdahay.
“Runtii aad ayaan ula yaabay inaan maqlo Netanyahu oo si taxaddar la’aan ah uga hadlaya khataraha amniga,” ayuu yiri Lapid.
Cali Azmaei ayaa intaas ku daray: “Maraykanku mar dambe boos kuma laha Marinka Hormuz.”
Saacado ka hor, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay dadaal kasta ku bixinayso kor u qaadista qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, iyadoo uu sheegay inay faafinayso warar been abuur ah oo ku saabsan qaraxyada miinooyinka iyo weerarrada maraakiibta ee Marinka Hormuz.
Trump ayaa sheegay in shidaal ka badan kii dagaalka ka hor uu hadda marayo Marinka Hormuz, sidaas darteedna Iiraan ay adeegsanayso tallaabo kasta oo ay qiimaha shidaalka kor ugu qaadi karto.
Maanta, qiimaha fuustadii shidaalka cayriin ee Brent ayaa kor u dhaafay 113 doollar, waana qiimihii ugu sarreeyay ee saliiddaasi gaarto shantii bilood ee la soo dhaafay.