Culeys intee la eg ayay Ilhaan wajahaysaa, maxaase dhici kara?

Xigashada Sawirka, Reuters/ BBC
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota, ayaa wajahaysa culeys kaga imaanaya madaxweynaha xilka haye ee Trump kadib markii dhawaan baaritaan lagu sameyay guri ay leedahay.
Trump oo Ilhaan edeynteeda iyo dhaleeceynteeda ay joogto u tahay ayaa shalay sheegay in Ilhan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota ay wajihi karto xabsi iyo sidoo kale masaafurin iyadoo la wado baaritaan ku saabsan socdaalka federaalka oo lagu ogaanayo inay si khaldan u sheegtay da'deeda markii ay noqotay muwaadin Mareykan ah.
Haddaba ma culeys ayay wajahaysaa Ilhaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
lhaan Cumar waa xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo laga soo doorto gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale caan ku tahay dhaliisha ay u jeediso Trump iyo sida adag ee ay uga jawaabto hadallada iyada uu ka sheego.
Inkastoo ay ka kala tirsanyihiin laba xisbi oo aragti ahaan kala fog haddana waxaa ay mar walba warbaahinta iyo baraha bulshada isku mariyaan hadallo ad adag iyo dhaleecyn culus.
Dad badan oo arrimahaan la socda ayaa aaminsan in Ilhaan ay xilligaan uu saaranyahay culeys xooggan oo kaga imaanaya dhanka Trump isla markaana waxaa ay arrintaan u aaneynayaan qaarkood arrimo siyaasadeed.
Barafasoor Liibaan Cigaal oo ah aqoonyahan horey uga wax uga dhigi jiray Jaamacadaha dalka Mareykanka, kana faallooda arrimaha siyaasadda caalamka ayaa sheegay in maamulka Trump, uu waqti badan geliyay sidii Ilhaan dacwdo loogu oogi lahaa isagoo yiri: "Dowladdu waxay xoog isugu geeysay siday dambi ugu oogi laheyd ilhaan Cumar, ka dib markii aay warqado badan iyo telephone-keedii kala baxeen aqalkeeda".
Barafasoor oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Sida la leeyahay dowladdu waxay ku soo oogi kartaa dambi been-abuur ah oo ku qotoma codsigeedii sharciga ama dhalashada. Hay'adda caddaladda weli wax dambi ah kama soo saarin".

Maxamed Nuur Qalimow oo isna ka faallooda siyaasadda dunida ayaa qaba in Ilhaan Cumar uu saaranyahay culeys aad u badan oo kaga imaanaya Trump iyo hay'adihii kale ee la rabay in ay dhexdhexaad noqodaan hase-yeeshee uu ku tilmaamay kuwa ku shaqeynaya rabitaanka Trump .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ilhaan culeys yar ma saarna sababtoo ah waa dowlad iyo hay'adaheedii oo weerar ku soo qaaday, waxaanse rajeynayaa in sharciyada Mareykanka oo aad u adag uu keeni doono in ay difaac hesho" ayuu yii Qalimow.
Markaan difaaca uu soo hadal qaaday Qalimow aan sii tix raacno, Ilhaan waxaaba dadka difaacay ka mid ah Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, oo ka digay in awoodda hay'adaha sharciga loo adeegsado beegsiga dadka siyaasad ahaan ka aragtida duwan ay abuuri karto dhaqan khatar ku ah dimuqraadiyadda dalkaas.
Hadalkaas Obama mid u dhow waxaa qaba Barafasoor Liibaan Cigaal oo isna BBC-da u sheegay hadaalkan: "Haddii ficilkaan guracan oo lagu ugaarsanayo marna loo isticmaalayo awoodda dowladda sii socdo, kuma ekaanayo halkaa, ee waxuu noqonayaa mid dhaqan-gal ah oo loo isticmaali karo xildhibaanno kale".
Aqoon-yahan Maxamed Nuur Qalimo ayaa isna aaminsan" in ay adagtahay in Trump ku guuleysto, in xildhibaanad Ilhaan uu dalka ka musaafuriyo isla markaana uu xilka ka qaado, waxaana uu u daliishaday in sharciga Mareykanku adagyahay oo difaaci doono Ilhaan isla markaana waxaa uu rajo ka muujiyay sida madaxweynuhu rabu aaney hir gelin,".

Xigashada Sawirka, Qalimow
Dad badan oo isugu jira aqonyahanno, siyaasiin iyo shacabba ayaa siyaabo kala uga falceliyay tallaabooyinka ka dhanka ah Ilhaan ee madaxweyne Trump mamaulkiisu uu qaaday. Waxaana qaarkood ku tilmaameen arrin khatar ah oo saameyn karta dad badan oo si khaldan sharciga loogu adeegsanayo.
Trump ayaa mar walba oo u ka hadlo Soomaalida Mareykanka gaarahaan Minnesota, waxaa uu soo qaataa Ilhaan oo ku sheego in ay ka timid dal aan dowlad laheyn isla markaana gobolka laga soo doorto ay la wareeegeen Soomaali halkaa ka sameynaya arrimo uu ku sheegay musuq iyo fowdo.
























