Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug oo BBC-da la hadlay kadib doorashadiisa maanta

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo
Waxaa gordhow magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug lagu doortay hoggaamiyaha maamulkaaas Liibaan Axmed Xasan. Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa doortay Liibaan, waxaana uu BBC-da u sheegay howlaha hortabinta u leh iyo tallaabooyinka uu qaadayo.
Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono amniga, dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug iyo bixinta adeegyada muhiimka ah.
Waxaa kale oo BBC-du waydiisay sababta Axmed Qoor-Qoor oo hadda haya xilka madaxweynaha Galmudug aanu goob joog uga ahayn doorashada ka dhacday Dhuusamareeb.
Halkaan ka dhageyso waraysi BBC-du la yeelatay




















