Iska horimaadyada magaalada Moyale oo sababay dhimashada dad rayid ah, halka dad badanna ay u qaxeen Kenya

Xigashada Sawirka, .
Dadka ku nool magaalada Moyale ee koonfurta Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in dad rayid ah lagu dilay iska horimaadyo tan iyo Axaddii ka dhacay deegaan xuduud la leh maamullada Oromiya iyo Soomaalida.
Dadka ay BBC-du la hadashay ayaa sheegay in sababta isku dhacu ay ahayd “calan si khaldan loo taagay”, isla markaana dad dhowr ah oo labada dhinac ah la dilay, oo ay ku jiraan carruur da’doodu tahay 10 sano.
Dhinaca maamulka gobolka Oromiya, duqa magaalada Moyale, Gelma Korcha, ayaa Arbacadii BBC-da laanta Afan Oromo u sheegay in isku dhacu billowday 8-dii Oktoobar 2019.
Duqu wuxuu sheegay in deegaanka ay xuduud wadaagaan Soomaalida iyo Oromadu, ay Soomaalidu “ka gudbeen xuduudda, galeen dhulka Oromiya, ayna ka taageen calankooda maamul.”
Cabdiraxmaan Karama, oo la hadlay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga, kana shaqeeya hay’ad gargaar, ayaa sheegay in deegaanka laga dhisay maamul cusub.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo maleeshiyaad ay ka billowdeen dhinaca gobolka Oromiya.
“Subaxnimadii Khamiista ayaa rasaas la isweydaarsaday, waxaana halkaas ka dhashay burbur xooggan. Guryo dhowr ah ayaa la gubay, dadkii deegaankuna waxay ka carareen magaalada. Markii dambe, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa halkaas galay si ay xaaladda u dejiyaan,” ayuu intaa ku daray
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in iska horimaadyadu magaalada ka billowdeen Arbacadii, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen rasaas laga maqlayay dhinaca xuduudda Itoobiy
Boqollaal qof ayaa guryahooda ka barakacay kaddib iska horimaadyo ka dhacay magaalada Moyale, oo ah xarun ganacsi oo ku taalla xuduudda Itoobiya iyo Kenya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Boqollaal Itoobiyaan ah ayaa u tallaabay gudaha Kenya si ay uga baxsadaan colaadda ka qaraxday magaalada Moyale, sida ay sheegeen Laanqayrta Cas ee dalkaas iyo mas’uuliyiintu.
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in iska horimaadyadu magaalada ka billowdeen Arbacadii, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen rasaas laga maqlayay dhinaca xuduudda Itoobiya.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:














