Guddoomiyaha Ismaamulka Nairobi oo si adag ugu hadlay dabaqii ku dumay Islii
Guddoomiyaha Ismamaulka Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku baaqay in la adkeeyo ciqaabaha lagu qaado dadka dhismayaasha dhisa ee ku xadgudba xeerarka dhismaha. Waxa uu sidoo kale dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in dowladaha gobolladu dib u helaan awoodda dacwad-oogista, kadib markii dhisme dhowr iyo tobban dabaq ah oo aan weli dhammaan uu ku dumay xaafadda Eastleigh.
Imaaraadka Carabta oo haweeney diblomaasi ah u soo xulay tartanka xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Xigashada Sawirka, mfa.gov.ir
Qoraalka sawirka, Lana Nusseibeh oo la taagan Majid Takht-Ravanchi, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan.
Imaaraadka Carabta ayaa Lana Nusseibeh, oo hore dalkiisa ugu matashay Qaramada Midoobay, u magacaabay musharrax u tartamaya xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, si ay ugu beddesho António Guterres oo muddadiisa labaad ay ka harsan yihiin wax ka yar saddex bilood.
Lana Nusseibeh ayaa ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, waxayna in ka badan toban sano dalkaas safiir uga ahayd Qaramada Midoobay.
Waxay sheegtay in xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka caalamka, ay ka shaqayn doonto soo nooleynta doorka Qaramada Midoobay ee xal u helidda khilaafaadka iyada oo loo marayo diblomaasiyadda.
Haddii la doorto, Nusseibeh waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Lix musharrax oo kale ayaa sidoo kale u tartamaya xilkan.
Wareegga hordhaca ah ee codbixinta musharraxiinta, Rebecca Greenspan oo u dhalatay Costa Rica ayaa hoggaanka u haysa.
Musharraxiinta kale waxaa ka mid ah Rafael Grossi oo u dhashay Argentina, ahna agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA).
Maraykanka oo diblomaasiyiintiisa ku amray inay ka baxaan Sacuudiga
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Waxyeelada ak dhalatay mid ka mid ah weerarada
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda ku amartay inay ka baxaan Sacuudiga, sababo la xiriira halista weerarrada Xuutiyiintu ku qaadayaan dalkaas.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in weerar diyaaradeed oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarun shidaal laga soo saaro la fashiliyay.
Si kastaba ha ahaatee, laba qof ayaa dhintay markii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay burburtay. Nin kale ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee King Fahad.
Dagaallada u dhexeeya kooxaha hubaysan ee Yemen, Xuutiyiinta uu taageero Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii hore.
Xuutiyiinta ayaa weerarrada Sacuudiga kaga jawaabaya weerarro ay ku qaadaan garoomada diyaaradaha, kaabeyaasha tamarta iyo saldhigyada milatariga.
Weerarkii dhowaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca sannadihii u dambeeyay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay: “Wasaaraddu waxay shaqaalaha Maraykanka ee aan ka shaqayn xafiisyada xaaladaha degdegga ah ku amartay inay dalka ka baxaan iyaga iyo qoysaskoodaba.”
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaallada hadda socda ay si degdeg ah u sii xoogeysan karaan.
Siddeed qof ayaa la sheegay inay si daran ugu dhaawacmeen weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee King Fahad.
Trump: Wadaxaajood hadda uma socdo Maraykanka iyo Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadalkiisii ugu dambeeyay ku sheegay in aysan jirin wax wadaxaajood ah oo hadda u socda dalkiisa iyo Iiraan.
Markii wax laga weydiiyay in uu ka tanaasulay wadaxaajoodka Iiraan, ayuu ku jawaabay: “Iiraaniyiinta wadaxaajood lama wadno, balse arrintan waxaan gaari doonnaa gunaanad. Taasi waxay dhici doontaa dhawaan.”
Trump ayaa intaas ku daray: “Dadka badankoodu waxay qabaan in arrintani ay dhici doonto doorashada kaddib.”
Wuxuu ula jeeday doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, oo dhowaan la qaban doono.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu “shaqo aad u wanaagsan” ka qabtay arrinta Iiraan, wuxuuna iska horimaadka labada dal ku tilmaamay “isku dhac yar oo Iiraan lala galay.”
Hadalka Trump ee ku saabsan wadaxaajoodka Iiraan ayaa imanaya xilli Asim Munir, oo ahaa dhexdhexaadiyihii ugu muhiimsanaa iska horimaadkii dhowaan dhexmaray Maraykanka iyo Iiraan, uu booqasho ku tagay Tehran.
Ka hor booqashadiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Sergei Lavrov, ayaa isaguna booqday Iiraan.
Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan: Afar markab ayaa la weeraray Gacanka Faaris
Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Khamiistii sheegay in afar markab oo ay ciidamadoodu “la socdeen oo ay kormeerayeen” la weeraray, isla markaana ay dab qabsadeen xilli ay shidaal ugu wareejinayeen markab kale, meel ku taalla waqooyiga bartamaha Gacanka Faaris.
Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ay soo saareen afarta markab ku tilmaamay kuwo sharciga jebiyay, iyagoo sheegay in ay mareen waddooyin aan sharci ahayn.
Iiraan waxay waddo sharci-darro ah u aragtaa marinka ay Cumaan ku dhawaaqday in maraakiibtu ka isticmaalaan dhinaca koonfureed ee Marinka Hormuz, kaas oo Maraykanku sheegay inuu sugayo ammaankiisa.
Qayb kale oo ka mid ah bayaankooda, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in saddex markab oo kale ay xalay shil galeen oo dab qabsaday, kaddib markii ay ku dhaceen miino taallay galbeedka Marinka Hormuz.
Waxay sidoo kale sheegeen in ku adkaysiga ciidamada Maraykanka ee ah in maraakiibtu maraan waddooyin ay ku tilmaameen kuwo si sharci-darro ah miinooyin loogu aasay ay sababtay kororka shilalka badda.
Dhammaadka bayaanka, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa uga digay milatariga Maraykanka in haddii ay sii wadaan tallaabooyinka ay ku tilmaameen daandaansi, ay taasi horseedi karto jawaab ballaaran oo lagu qaado saldhigyadooda ku yaalla gobolka.
IOM oo ka digtay in in ka badan 800,000 oo qof ay Soomaaliya ugu jiraan khatar barakac ka dhalan kara fatahaado
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya
Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday.
“Waxaan ka cabsi qabnaa in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo ah. Qoysas badan ayaa hore u barakacay, mana haystaan wax badan oo ay ku tiirsanaadaan,” ayuu yiri Manuel Marques Pereira, madaxa IOM ee Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse waqtigu sii dhammaanayo. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu caawiyo dadka si ay u ilaashadaan guryahooda iyo ilaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay, una gaaraan goobo ammaan ah marka loo baahdo, si looga hortago barakac kale.
Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar. Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay sababaan 92 boqolkiiba barakacaas.
Digniintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay in roobabku ka badnaan doonaan heerka caadiga ah, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xaaladaha cimilada ee El Niño.
Inkasta oo khatartu sii kordhayso, IOM waxay ilaa hadda heshay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay, oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si loogu diyaar garoobo loogana jawaabo fatahaadaha la xiriira El Niño.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada Soomaaliya ee u nugul fatahaadaha.
Calaamadaha fatahaadaha ayaa durba soo muuqanaya. Magaalada Doolow, webiga Jubba ayaa ku dhow heerka fatahaadda, halka webiga Shabeelle ee mara Jowhar uu kor ugu sii kacayo dhinacyada webiga.
Roobab xooggan oo ka da’ay Baydhabo ayaa durba waxyeelleeyay guryo, waxayna qoysas ku khasbeen inay ka cararaan xaafado dhowr ah.
Beledweyne iyo Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ay fatahaaduhu khatarta ugu badan ku hayaan, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad 229,000 oo qof ay halis ugu jiraan barakac Beledweyne, halka Gaalkacyo ay khatartu ku wajahan tahay qiyaastii 82,000 oo qof.
Netanyahu oo sheegay in khatarta Iiraan lagu soo afjari karo oo keliya in xukunka laga tuuro dowladda, isagoo amarro siiyay Mossad
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in sida keliya ee meesha looga saari karo khatarta Iiraan ay tahay in xukunka laga tuuro dowladda dalkaas.
Isagoo khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax doorasho oo ka dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, ayuu Netanyahu sheegay in Iiraan ay dooneysay inay Israa’iil burburiso, balse Israa’iil ay xooggeeda oo dhan u adeegsatay sidii ay taas uga hortagi lahayd.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay isku dayaysay inay samaysato hub nukliyeer ah, arrintaas oo uu sheegay in laga hortagay, balse dadaalladaasi ay weli socdaan.
Netanyahu oo maalmihii u dambeeyay sii adkeynayay hadalladiisa ka dhanka ah Iiraan ayaa yiri: “Waxaa jirta hal waddo oo keliya oo lagu soo afjari karo xaaladdan taagan, waana in xukunka laga tuuro dowladda Iiraan.”
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub oo gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dhowr dhisme oo ay dadku deggan yihiin ay waxyeello ka soo gaartay weerarka oo dhacay habeenkii Arbacada.
Weerarkan ayaa dhacay xilli Ruushku sheegay inuu mabda’ ahaan diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wadahadallada nabadeed, halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in dunidu ay u badan tahay inay hadda ugu dhowdahay sidii hore in la soo afjaro dagaalka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ergayada Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub.
Witkoff ayaa Arbacadii magaalada Saint Petersburg kula kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaddib markii uu maalin ka hor la kulmay madaxweynaha Ukraine.
Wadahadallo saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayeen Ruushka, Ukraine iyo dhinacyo kale ayaa burburay bishii Febraayo. Intaas kaddib, Ruushku wuxuu kordhiyay weerarradiisa, halka Ukraine ay soo wajahday yaraanta gantaallada difaaca cirka ee ay ka hesho dalalka reer Galbeedka.
Trump oo Arbacadii hadlayay ayaa yiri: “Dhowr maalmood ka hor ayaan Vladimir Putin kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Waxaan u maleynayaa inaan ku sii dhowaanayno hadafkaas, laga yaabee inaan hadda ugu dhow nahay sidii hore.”
Hase yeeshee, madaxweynaha Mareykanka ayaan ilaa hadda ku guuleysan inuu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, inkastoo uu marar badan sheegay inuu awood u yeeshay inuu soo afjaro colaado kala duwan.
Macron oo hogaamiyayal shisheeye ku eedeeyay rabshadaha ka socda faransiiska
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dibad-baxyada Faransiiska
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa hoggaamiyeyaal shisheeye ku eedeeyay inay si siyaasadeed uga faa’iidaysanayaan dibadbaxyada ka socda dalkiisa, si ay taageero ugu helaan doorashooyinka ka dhacaya dalalkooda.
Macron oo aan magacyadooda sheegin ayaa sheegay in hoggaamiyeyaashaas ay hadalladooda ku saabsan rabshadaha ka dhashay dibadbaxyada looga soo horjeedo sare u kaca qiimaha maciishadda u adeegsanayaan ololahooda doorasho, iyagoo taas ku samaynaya waxyeellada Faransiiska.
Isagoo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayuu Macron hoggaamiyeyaashaas ku tilmaamay “kuwo ku mashquulsan ololaha doorashooyinka, ha joogaan gobolkan ama dhinaca kale ee Badweynta Atlaantik”.
Hadalka Macron ayaa u muuqda mid si gaar ah loogu jeediyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo wajahaya doorashooyinka baarlamaanka toddobaadka soo socda, iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo dalkiisu bisha soo socota u dareerayo doorashooyinka xilliga dhexe ee Congress-ka.
Tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen magaalada Paris iyo magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Lyon, Marseille iyo Nice, ku dhowaad 150 qof ayaa lagu helay dambi, halka in ka badan 800 oo qof maxkamad la soo taagay.
“Trump oo xabsi ku jira”: Boor xayaysiis oo muuqaal toos ah laga daawanayo oo laga furay fagaaraha Tajrish ee Tehran
Xigashada Sawirka, TASNIM
Qoraalka sawirka, Boodh laga taagay bartamaha Tehran
Dowladda ama hay’adaha Iiraan ayaa fagaaraha mashquulka badan ee Tajrish, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Tehran, ku rakibay boor xayaysiis oo saddex-geesood ah, kaas oo muujinaya qof wejiga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u eg oo xiran maaskaro, kuna dhex socda meel u ekeysiisan qol xabsi.
Dadka halkaas maraya ayaa istaaga si ay u daawadaan muuqaalka una sawirtaan.
Bandhiggan ayaa la daahfuray Arbacadii, 19-kii Oktoobar. Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta X ayaa sheegay in dhismaha boorkan uu socday muddo bil ah.
Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa sheegtay in bandhiggan la qorsheeyay inuu socdo 24 saacadood maalintii. Waxaa dhinaciisa ku qoran hal-ku-dhegga ah: “In aan la arkin muuqaalkan waa dembi.”
Xayaysiiskan tooska ah ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka warbaahinta caalamka, iyadoo wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Agence France-Presse, iyo sidoo kale wargeyska Guardian ee ka soo baxa London, ay wax ka qoreen.
Qoraalka sawirka, Boodh laga taagay bartamaha Tehran
Warbaahinta Mareykanka: Pentagon-ka oo si hoose u dhimaya tirada ciidamada Mareykanka ee saldhigyada Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, TSGT Scott Reed, USAF
Qoraalka sawirka, saldhig Mareykanka
Warbaahinta Mareykanka ayaa, iyadoo soo xiganaysa saraakiil milatari iyo kuwo dowladeed, sheegtay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ku ay si hoose u dhimayso tirada ciidamada ku sugan saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.
Telefishinka CBS, oo ah warbaahin Mareykan ah oo ay BBC-da iskaashi la leedahay, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka iyo sarkaal sare oo milatari ay Arbacadii u sheegeen in ciidamada Mareykanku ay si hoose u dhimayaan tiradooda saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan hanjabaado amni oo gobolka ka jira, oo ay ka mid yihiin kuwa kooxda Xuutiyiinta iyo hanjabaado toos ah oo ka imanaya Iiraan.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa amartay in shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda Mareykanka laga saaro dalka Sacuudiga.
Sida ay sheegtay
Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf,
guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Islaamiga ah ee Iran, ayaa kulan iyo
wada-hadallo la yeeshay Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha ugu sarreeya
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Sida lagu sheegay warbixinta, kulanka waxaa looga hadlay
xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira colaadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran,
iyo sidoo kale arrimaha dhaqaalaha.
Warbaahinta Iran (IBC) ayaa intaas ku dartay in guddoomiyaha
baarlamaanku uu Mojtaba Khamenei u soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlihii
ay xildhibaannadu qabteen tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyo
qorshayaasha baarlamaanka ee hadda iyo kuwa mustaqbalka ee lagu xallinayo
arrimaha iyo dhibaatooyinka dalka.
Mojtaba Khamenei ayaan fagaarayaasha ka soo muuqan tan iyo
markii uu la wareegay xilka hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran.
Codsi Pakistan u gudbisay Iiraan oo la ogaaday
Wakaaladda
wararka Anadolu ee Turkiga ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo laga soo xigtay
Pakistan, sheegtay in taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, uu intii uu
booqashadii dhowaan ku tegay Tehran ku sugnaa, Iran ka codsaday inay
Xuutiyiinta Yemen ku qanciso inay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan Sacuudiga.
Isha xogta
bixisay ayaa intaas ku dartay in Mr Munir uu “adkeeyay sida ay Pakistan uga
go’an tahay difaaca Sacuudiga, iyadoo la raacayo heshiiska difaaca ee Maka”.
Pakistan, Turkiga
iyo Sacuudiga ayaa sanadka magaalada
Maka ku kala saxiixday heshiis dhigaya inay is-difaacaan.
Sida aan horay u
soo sheegnay, wargeyska Pakistan ee Dawn ayaa cadadkiisa maanta ku qoray in
ujeeddada booqashadii uu shalay Munir ku tegay Tehran ay ahayd inuu “gaarsiiyo
farriimo”, isla markaana uu qiimeeyo in is-afgaradkii Islamabad uu weli saldhig
u noqon karo wadaxaajoodka.
Hase yeeshee,
wargeysku wuxuu sheegay in kulamadii kaddib aan la gaarin “horumar la taaban
karo ama heshiis rasmi ah”.
Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho lama filaan ah ku tagay Sacuudiga
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa booqasho aan
hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu u muujiyo
“garab istaag”.
Waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee reer Galbeed ah ee booqda
Sacuudiga tan iyo markii ay sii xoogaysteen weerarrada fallaagada Xuutiyiinta
ee xulafada la ah Iran. Macron ayaa la kulmi doona dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir
Maxamed bin Salmaan.
Booqashadani waxay qayb ka tahay safarka madaxweynaha
Faransiiska uu ku marayo dalalka Khaliijka, kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii
loo xaqiijin lahaa sahayda shidaalka iyo naaftada, loona dhimi lahaa
qiimahooda, kaddib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Faransiiska, kuwaas
oo looga soo horjeeday kor u kaca xad-dhaafka ah ee qiimaha maciishadda.
Macron, oo wajahaya dhaleeceyn xooggan gudaha Faransiiska,
ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu “gudanayay waajibaadkiisa” isla markaana uu ku
sugnaa “goobta hawlgalku ka socdo”.
Bayaan ay xafiiska madaxtooyada Faransiisku soo saartay ka
hor imaanshaha Macron ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ujeeddada safarku tahay
“in la muujiyo garab istaagga Faransiiska ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay
wajahayso weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah dhulkeeda, iyo in la sii wado
dadaallada lagu xaqiijinayo laguna kala duwanaansho ilaha shidaalka iyo gaaska
dabiiciga ah”.
Ka hor inta uusan Sacuudiga tegin, Emmanuel Macron wuxuu
joogay Qatar, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Faransiisku shaqaale iyo qalab u
diray dekedda Yanbu, oo ah xarun aad muhiim ugu ah dhoofinta shidaalka
Sacuudiga.
Maxey seynisyahannada iyo cilmi-baarayaashu ka yiraahdeen arrintan hebeenkii ku dhacda ragga?
Xigashada Sawirka, ge
Qoraalka sawirka, Caafimaad
Cilmi-baaris ay sameeysay Jaamacadda Shu Yen ee Hong Kong oo cinwaankeedu yahay "Riyooyinka galmada, riyooyinka qoyan iyo biyo-baxa habeenkii" ayaa baaraysa sababta ay raggu ugu biyo-baxaan hurdada.
Boqolkiiba 80 dadka ka qaybgalay cilmi-baaristan waxay sheegeen in riyooyinka galmada ay sabab u ahaayeen biya-baxooda inta ay hurdaan.
Inkastoo la aaminsan yahay in dhalinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ay yihiin kuwa ugu badan ee riyooyinka la kulma, haddana cilmi-baaristu waxay ogaatay inay celcelis ahaan 9 jeer sannadkii ku riyoodaan arrimo la xiriira galmo khiyaali ah.
Cilmi-baaristu sidoo kale waxay muujinaysaa in inkastoo galmadu tahay qayb muhiim ah oo nolosha aadamaha ka mid ah, haddana aad bay ugu yar tahay inay ku soo muuqato riyooyinka.
"Jirka ninka si dabiici ah ayuu u soo saaraa shahwo. Xitaa haddii uusan ninku galmo sameyn ama si gaar ah isu taaban, shahwada la soo saaray waxay ka baxdaa jirka xilli uu hurdo. Arrintani waa caadi," ayuu yiri Dr. Kamaraj oo ah khabiir ku takhasusay caafimaadka galmada iyo taranka.
Iiraan oo shaacisay inay wax ka beddeshay nidaamkeedii hore ee is difaaca, maxayse samaynayaan
Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran
(IRGC) ayaa sheegay in caqiidada difaaca Iran ay markii hore ahayd mid ku
salaysan is-difaacid, isla markaana ay sheegi jireen in haddii dal soo weeraro
ay ka jawaabi doonaan, balse hadda ay leeyihiin haddii dal soo weeraro ay ka
jawaabi doonaan, sidoo kalena ay iyagu weerari doonaan.
Sareeye Guuto Hossein Mohebbi, oo sharraxayay siyaasaddan,
ayaa wakaaladda wararka u sheegay: “Caqiidadeennu mar dambe ma ahaan
doonto mid weerar toos ah ku salaysan, balse waxay noqon doontaa mid aan
sinnayn (asymmetric). Waxaan cadowga u weerari doonnaa qaab ka dhigaya inuu
garwaaqsado culayska iyo baaxadda tallaabooyinkayaga.”
Maalmihii u dambeeyay, iyadoo ay sii xoogaysanayaan
hanjabaadaha milatari ee Israa’iil iyo Maraykanka, ayaa mas’uuliyiinta Iran
waxay dhankooda adeegsadeen hadallo hanjabaad ah oo ay kaga jawaabayaan.
Shirkad macaamiisheeda ku soo rogaysa inay wax dalbadan ka hor inta aysan fariisan kuraastooda
Xigashada Sawirka, MATT GLAC
Qoraalka sawirka, Starbucks
Shirkadda Starbucks ayaa Shiinaha oo dhan macaamiisheeda ku
soo rogeysa siyaasad cusub, taas oo dhigaysa in macaamiishu ay wax ka iibsadaan
shirkadda ka hor inta aan loo oggolaan inay kuraasteeda fariistaan.
Isbeddelkan ayaa imanaya xilli shirkadda qaxwaha ee
Maraykanku ay wajahayo tartan xooggan oo ka jira Shiinaha, halkaas oo ay sidoo
kale ku bixinayso 45 milyan oo doollar si ay u casriyeyso goobaha ay ku
leedahay.
Shirkaddu waxay sheegtay in haweenka uurka leh iyo dadka
naafada ah ay weli heli doonaan taageerada ay u baahan yihiin.
Sannadkii hore, Starbucks ayaa dib uga laabatay siyaasad ka
dhaqan gashay Maraykanka, taas oo qof kasta u oggolaanaysay inuu isticmaalo
goobaha ay shirkaddu ku iibiso qaxwaha, barxadaha bannaanka iyo musqulaha.
Ruushka ayaa sii daayay muwaadin Mareykan ah oo 74 jir ah,
kaas oo xabsi loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyay inuu u dagaallamayay Ukraine,
xilli Madaxweyne Vladimir Putin uu magaalada St Petersburg wada-hadallo kula
yeeshay ergayga Mareykanka Steve Witkoff.
Stephen Hubbard ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee
Pulkovo, sida uu Putin sheegay intii uu socday kulanka subaxnimadii hore ee
Arbacada.
Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe sheegay in muwaadinkaas
uu “ku soo socdo dalkiisa”, isla markaana “aan loo baahnayn wax is-weydaarsi
maxaabiis ah”.
Hubbard ayaa sannadkii 2024 lagu xukumay ku dhowaad toddoba
sano oo xabsi ah oo uu ku qaadan lahaa xero ciqaabeed. Waxaa lagu eedeeyay inuu
ka tirsanaa cutub difaac oo ku sugnaa magaalada Izyum ee Ukraine, xilligaas oo
ciidamada Ruushku ay qabteen wax yar kaddib markii Moscow ay billowday
duullaankii ballaarnaa ee Ukraine sannadkii 2022.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada kaddib
markii warbaahinta dowladda Ruushku ay baahisay warka sii deynta Hubbard, ku
sheegay in tallaabadan ay timid kaddib codsi uu toddobaadkii hore “si toos ah”
ugu gudbiyay Putin.
Qaar ka mid ah muwaadiniinta kale ee Mareykanka ee Ruushka
ku xirnaa ayaa hore loo sii daayay kaddib heshiisyo is-weydaarsi maxaabiis ah.
Dal kale oo xaqiijiyey kiis cudurka Ebola ah
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Kiis cudurka Ebola oo laga xaqiijiyey Nigeria
Nigeria ayaa xaqiijisay kiis Ebola ah oo laga helay haweeney
ka soo safartay dalka Uganda ee Bariga Afrika, tagtayna magaalada Abuja,
caasimadda dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.
Wasiirka Caafimaadka Nigeria, Muhammad Ali Pate, ayaa
sheegay in baaritaannada shaybaarka ay xaqiijiyeen in bukaanku uu qabo cudurka.
Ilo caafimaad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haweeneydu
aysan u dhalan Nigeria, isla markaana ay tahay xaaska diblomaasi. Waxaa lagu
karantiilay isbitaal ku yaalla Abuja, halkaas oo ay ku qaadanayso daryeel
caafimaad.
Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO),
haweeneydu waxay calaamadaha cudurka isku aragtay Arbacadii, 7-dii Oktoobar,
afar maalmood kaddib markii ay dalka timid.
Hay’adaha caafimaadka ayaa bilaabay raadraaca dadka ay la
xiriirtay haweeneydu, si looga hortago faafitaanka cudurka. Ilaa hadda, waxaa
la aqoonsaday 44 qof oo xiriir dhow la yeeshay bukaanka.
Nigeria ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Galbeedka
Afrika ee soo sheega kiis la xiriira dillaaca Ebola ee hadda ka jira Bariga
Afrika. Dalkaasi wuxuu si guul leh u xakameeyay dillaac hore oo cudurka ah
sannadkii 2014.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa adkaysay in
xilligan aysan jirin kiisas Ebola ah oo si rasmi ah looga xaqiijiyay dalkaas,
kuwaas oo weli firfircoon.
Ruushka oo ku dhawaaqay war farxad weyn u ah Trump
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ruushka, Alexander Novak
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ruushka, Alexander Novak, ayaa
sheegay in Ruushku uu Khamiista u diri doono Maraykanka markabkii ugu horreeyay
ee shidaalka naaftada qaada, sida ay baahisay warbaahinta Vedomosti, kaddib
heshiis lala galay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Ruushka ayaa 9-kii Oktoobar qaaday mamnuucid uu isagu saaray
dhoofinta shidaalka naaftada. Mamnuuciddaas ayaa markii hore loo soo rogay si
wax looga qabto yaraanta shidaalka ee gudaha dalka, taas oo ay sababeen
weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadday warshadaha
sifaynta shidaalka.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Trump uu ku baaqay in
shidaalka naaftada la gaarsiiyo suuqyada caalamka.
Trump ayaa sheegay in Ruushku uu isla markiiba dhoofin doono
300,000 oo tan oo shidaalka naaftada ah, taas oo u dhiganta 2.25 milyan oo
fuusto.
Dhanka kale, Novak ayaa Arbacada sheegay in markabka ugu
horreeya uu qaadi doono 40,000 oo tan oo shidaalkaas ah. Wuxuu intaas ku daray
in dukumentiyada la xiriira sahayda shidaalka ay ku dhow yihiin in la
dhammaystiro, sida ay warbaahintu soo werisay. Hase yeeshee, ma uusan sheegin
dekedda laga rari doono shidaalka.
“Shixnado kale ayaa dabcan xigi doona. Labada hoggaamiye
ayaa heshiisyo gaaray. Waxaan dabooli doonnaa baahida Maraykanka inta ay
awooddeennu saamaxayso,” ayay wakaaladda wararka ee RIA soo xigatay.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku uu bisha Nofeembar
dhoofin doono 500,000 oo tan, halka hal milyan oo tan oo kale la dhoofin doono
isla markiiba kaddib.