Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan

Sudan
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Yohanna Akol Ngor, wasiirka warfaafinta ee gobolka Abyei ee lagu muransan yahay ee xuduudda u dhaxaysa Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa sheegay in ugu yaraan 73 qof ay dhinteen Isniintii markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay bartilmaameedsadeen suuq ku yaal aagga, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Suudaan inay qaadeen weerarka.

Wasiirku ma uusan keenin caddayn muujinaysa eedeyntiisa.

Duqeynta goobta, oo sidoo kale loo yaqaan Suuqa Gorayada, ayaa horseeday "burbur dhammaystiran oo ku yimid kaabayaasha suuqa, iyadoo meesha laga saaray ilo muhiim ah oo nololeed iyo sii xumeynta xaaladda bani'aadamnimada ee horeba u jilicsanayd," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maamulka Aagga Abyei.

Bayaanka ayaa lagu daray, "Weerarkan aan loo meel dayin wuxuu sababay barakac degdeg ah, iyadoo dadkii badbaaday lagu qasbay inay u cararaan magaalada Abyei, taasoo cadaadis aan hore loo arag saartay ilaha gurmadka degdegga ah ee maxalliga ah."

Weerarkan ayaa sii kordhiyay xiisadda u dhexeysa Koonfurta Suudaan iyo Suudaan, oo si wadajir ah u maamula gobolka Abyei ee shidaalka qaniga ku ah, balse muranku ka taagan yahay.

Dowladda Juba ayaa u yeertay safiirka Suudaan si ay uga gudbiso cabasho rasmi ah. Waxaa jira walaac laga qabo in colaadda ay ku faafto dhinaca kale ee xadka.

Weerarkaan waxaa ka mid ah dadka ku dhintay ilaa saddex qof oo Soomaali ah kuwaas oo halkaa howlo ganacsi u joogay. Ilaa sideed Kalana waa dhaawacmeen.

Qof Soomaali ah oo magaciisa diiday in aan baahino ayaa noo sheegay in meesha argagax badan uu ka jiro isla markaana dadku ay aad u cabsanayaan. Waxaa aagga la duqeeyay oo xadka ah haysta kooxaha mucaaradka Sudan ee RSF, waxaana aragnay muuqaaloo dad gubtay iyo burbur xooggan oo ka dhashay goobta weerarka lagu qaaday.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Suuqa goroyada waxaa loo arkaa marin ay badeecaduhu u sii maraan aagagga ay gacanta ku hayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidanka qaranka, isla markaana maamula gobolka Kordofan-ta Galbeed oo xuduud la leh aagga Abyei.

Abyei waa gobol saliid hodan ku ah, kaas oo ay si wadajir ah u maamulaan Koonfurta Suudaan iyo Suudaan, iyadoo labada dhinacba ay sheeganayaan inay iyagu leeyihiin awoodda maamulka ee gobolkaas. Aaggan waxaa si joogto ah uga dhaca rabshado, waxaana inta badan dhex mara iska horimaadyo u dhexeeya qowmiyado kala duwan ama kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.

Weerarkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli Suudaan ay wajahayso weerarro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsanayo, kuwaas oo dhimasho badan sababay.

Tirada dadka ku dhintay weerarradii Axaddii ka dhacay gobolka West Kordofan ayaa gaartay 150 qof, halka tiro intaas la mid ah ay ku dhaawacmeen.

Hay'adda Sudan War Observatory, oo la socota colaadda, ayaa sheegtay in ay u badan tahay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga soo diray magaalada Kadugli ee gobolka Koonfurta Kordofan, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Milatariga Suudaan weli kama uusan hadlin weerarrada.