Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Madaxweynaha Turkiga oo yidhi dalkiisa iyo Maraykankaa la wada dagaalamaya argagixisada
Published
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa yidhi dalkiisa iyo maraykanku waxay isku raaceen inay la wada dagaalamaan waxa uu ugu yeedhay ururada argagixisada.
Wuxu yidhi kuwaa waxa ku jira miditiinta dawlada islaamka, kurdiyiinta PKK iyo shabakada wadaadka muslinka ah ee maraykanka jooga ee Fetullah Gulen oo ankara ku eedaysay inqilaabkii fashilmay ee sanadkii hore.
Mar hore wasiirka arimaha dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa yidhi Trump wuxu balan qaaday in aanu hub badan siinin maleeshiyada kurdiyiinta ee YPG oo hogaaminaya dagaal ka dhan ah kooxda IS.