Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Wararkii ugu dambeeyey ciyaaraha
Kooxda Chelsea ayaa meel wanaagsan waxa u maraya wadahadal ay kula jirto kooxda Athletic Bilbao ee ka dheesha Spain taasoo ay ka doonayso goolhayaheeda Kepa Arrizabalaga, waxaana la sheegaya inuu ku kici karo lacag dhan £71m, oo noqonaysaa lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado goolhaye.
Chelsea ayaa u muuqata mid ka niyad jabtay goolhayaheeda caalamiga ah ee Koortuwaa, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu u wareego kooxda Real Madrid, welina aan kusoo laaban garoonka Stanford Bridge.
Kooxda Liverpool-na waxa ay ciyaaraheeda saaxiibtinnimada xalay kusoo afjartay guul ay ka gaartay kooxda Torino ee ka dheesha Talyaaniga, waxaana ay uga badisay 3-1.