Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Muxuu yahay baasaboorka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, muxuuse uga duwan yahay kuwii hore?
- Author, Ibrahim Aden
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Mogadishu
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dawladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in bisha Diiseembar ee sannad kan 2026 la daabici doono Baasaboor nooc cusub ah oo ay yeelanayso Soomaaliya.
Boosaboorka cusub ayaa ka kooban sida kuwii horeba seddexda heer ee kala ah kan shaqaalaha, kan diblomaasiyiinta iyo kan caadiga ah.
Baasaboorka waxaa jaldigiisa iyo gudihiisaba ka muuqda qoraal iyo astaamo muujinaya in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika, waxaana loogu safri doonaa sida dallalka kale ee ku jira ururka.
Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in horraanta bisha Diiseembar ee sannad kan la bixin doono noocyadii ugu horeeyay ee Baasaboorka cusub.
"Soomaaliya waxay yeelanaysaa Baasaboor cusub oo casriya, Baasaboorkaas oo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee lagu qiimeeyo, Baasaboorada casriga ah" ayuu yiri Agaasime Xuseen Iidow.
Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ayaa kamid noqon doona kuwa kale ee ay leeyihiin wadamada ku jira Ururka Bulshada Bariga Afrika sida uu sheegay Xuseen Iidow. "Markii ugu horeysay waxan yeelanaynaa Baasaboor magaca bulshada bariga afrika uu ka muuqdo, marka waxa isku soo aaday Soomaaliya oo rabta in ay baasaboorkeeda casriyeyso iyo bariga afrika oo aan ku biirnay, taas oo noqotay fursad cusub oo dalka u soo korortay, in aynu yeelano Baasaboorkaas."
Baasaboorka cusub muxuu uga duwan yahay kuwii hore?
Baasaboorka cusub wuu ka badalan yahay muuqaalka kuwii hore, kiisa caadiga ah wuxuu ku soo baxayaa midabka buluuga cirka oo kale ah, halka kan shaqaallaha uu ku soo bixi doono midab cagaar ah, halka kan diblomaasiga ahna uu ku soo bixi doono midab casaan ah ama guduud.
Xaashiyaha gudihiisa ku yaala waxa lagu xardhay astaamo muujinaya goobbaha taariikhiga ah ee dalka, khayraadka dabiiciga ah iyo duurjoogta dalka ku nool.
"Aduunyadu horumar ayay sameynaysaa, qalabkii hore ee Baasaboorada lagu sameyn jiray hadda laguma sameeyo, teknolojiga, qalabka, sancada iyo calaamaddaha amniga iyo khatarraha amni ee la soo gudboonaaday dukumintiyada waxay noqdeen kuwo aad u badan, marka waan ku khasbanahay in aan Baasaboorkeena casriyeyno" ayuu yiri Xuseen Iidow.
In loo guuro Baasaboorka cusub waxaa gacan weyn ka geystay sida ay sheegayaan madaxda hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, helitaanka nidaamka aqoonsiga digitalka iyo kaarka aqoonsiga Qaranka ee la bilaabay bishii Sebtembar 2023, iyadoo dadka hadda qaatay kaarkaasi lagu qiyaasay muwaadiniin ku dhaw hal milyan iyo bar.
Muddo dheer ayay mushkilad ka taagnayd in qofka la caddeeyo dhalashadiisa, iyadoo marka hore aan la hayn xogta muwaadinka oo dhamaystiran, hayeeshee wali waxa socda diyaarinta iyo hirgalinta shuruucda iyo hab raacyda lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga qofka.
Ma lagu tagi karaa baasaboorka cusub dal kugal la'aan waddamada ku jira Ururka Bulshada Bariga Afrika?
Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika dabayaaqadii sannadkii 2023, waxaana codsigeeda kamid noqoshada uu ururku si rasmi ah u aqbalay 24-kii Noofeembar 2023.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii Diiseembar 2023 saxiixay heshiiska ku biirista ururka. Afartii Maarso 2024 Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dhammaan shuruudihii sharciga ahaa ka dib markii uu Barlamaanku ansixiyay, waxayna noqotay xubinta 8-aad ee ururka.
Haddaba Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ma lagu tagi doonaa dal ku gal la'aan wadamada Ururka Bulshada Bariga Afrika, su'aashaas waxan hor dhignay Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Xuseen Iidow, wuxuuna ku jawaabay "Ururka Bulshada Bariga Afrika waxa uu leeyahay hab raacyo iyo xeerrar ay tahay dawladdaha xubnaha ka ah inay ansixiyaan, hab raacyadaas in badan oo kamid ah Soomaaliya way sameysay, inna way u dhimman yihiin, waxaan ku rajo weynahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo buuxin doono, isu socodka Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrikana haddaba waa fiican yahay, wuuna ka sii fiicnaan doonaan marka la dhaqan galiyo Baasaboorka cusub" ayuu yiri.
Xukuumadda iyo Barlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay meel mariyaan xeerrarka iyo hab raacyada lagama maarmaanka ah ee loogu talagalay inay sahlaan socdaalka.
Madaxda Socdaalka ee Soomaaliya ayaa filaya marka uu soo baxo Baasaboorka cusub dhammaadaka sannadkan, in uu wax badan ka badali doono safarrada muwaadiniinta Soomaaliya oo culeyso joogta ah kala kulma garoomada iyo xuduuddaha wadamada ay u safraan si kuwan muwaadiniinta dallalka kale ee dunida, taas oo soo taxnayd tan iyo qaran jabkii Soomaaliya 1991-kii.
Muwaadinka sita Baasaboorka Soomaaliya ayaa ku dhibtooda helitaanka dal ku galka wadamo badan oo caalamka ah, kuwaas oo qaarkoodba aanay aqoonsanayn.