Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
'Qol yar ayaan ka dhex shaqeeyaa aniga oo safiir ah' Haweeneyda ka diiday Taliban inay iska casisho xilkeeda
Tani waa haweeneydii ay dowladda Taliban ka codsatay inay xilkeeda iska casisho, balse ay diidday; sababtaas awgeedna waxaa loogu yeeraa "Safiirkii Ugu Dambeeyay."
Sannadkii 2021-kii, markii ay dowladda Afgaanistaan burburtay oo ay Taliban awoodda la wareegtay, Manizha Bakhtari waxay gashay xaalad welwel iyo walbahaar ah oo socday 24 saacadood, iyadoo si joogto ah isku weydiinaysay waxa ay tahay inay sameyso.
Waxay aaminsanayd in maadaama ay tahay haweeney, dowladda Taliban ay doonayso inay xilka ka qaaddo—iyadoo ahayd safiirka Afgaanistaan u fadhiya dalka Austria.
Waxay isweydiisay: "Haddii aan sidaan isaga tago, yaa bixin doona kirada dhismaha safaaradda? Maxaa ku dhici doona dukumeentiyada xasaasiga ah ee safaaradda yaalla?"
Ugu dambayntiina, Manizha Bakhtari waxay qaadatay go'aankeeda.
Waxay tiri, "Dawlad baa ii dirtay dibadda si aan u matalo dalkayga iyo dadkayga. Haddaba, maxaan u tagayaa?"
Manezh, tani waxay ahayd xilli ay si cad u garatay go'aankii saxda ahaa, isla markaana ay qaadatay go'aan adag.
Waxay haysatay taageerayaal xooggan, beesha caalamkuna uma aqoonsan dawladda Taliban inay tahay dawladda sharciga ah ee Afghanistan.
Waxay go'aansatay inay ku sii sugnaato mowqifkeeda mucaaradnimada ah.
"Waxaan dareemayay inaan hadda safaaraddan ku maamulayo shuruudahayga iyo hanaankeyga, mana doonayn inaan u hoggaansamo Taliban," ayay tiri.
Waxay hore u soo aragtay xukunkii Taliban sannadkii 1996-kii, waxayna ogeyd sida noloshu ahayd xilligii lagu hoos jiray sharciyadooda adag.
Waqtigaas, iyadoo ah hooyo da' yar oo mas'uuliyad ka saaran tahay korinta qoyskeeda, waxaa lagu qasbay inay u qaxdo dalka Pakistan.
Aabbaheed, oo ahaa abwaan xor u fikiraya, ayaa hore dalka uga baxay isagoo ka cabsanaya in noloshiisu khatar gasho.
"Anigu dhibbane ayaan ahaa," ayay tiri. "Gabar yar ayaan ahaa, waxba kama qaban karin xaaladda."
Laakiin sannadkii 2021-kii, xaaladdu way ka duwanayd sidii hore.
Manizha waxay markaas ahayd diblomaasiyad khibrad leh oo xiriirro la leh meelo badan oo caalamka ah.
Markii Taliban ay u soo direen warqad ay kaga codsanayaan inay xilka iska casisho, way iska indho-tirtay warqaddaas.
Beesha caalamku weli waxay u aqoonsan yihiin inay tahay "safiirka sharciga ah" ee Afghanistan u fadhiya dalka Austria, balse waa diblomaasiyad ku shaqaysa hab ka duwan kan caadiga ah.
Waxay hawlaheeda ka waddaa guri dabaq ah oo yar. Ma haysato darawal, mana haysato kaaliye, meel kasta oo ay u socotana waxay ku tagtaa gaadiidka dadweynaha.
Waxay sheegtay in haweenka iyo gabdhaha reer Afghanistan, kuwaas oo xuquuqdooda ay xaddideen maamulka Taliban, ay yihiin isha ugu weyn ee dhiirrigelinteeda.
"Inkastoo ay la kulmaan dhibaatooyin maalinle ah, haddana waxay sii wadaan inay iska caabiyaan maamulka Taliban. Waxay kor u qaadaan codkooda, waxayna helaan siyaabo kala duwan oo ay ku muujiyaan dalabaadkooda. Tani waa waxa igu dhiirrigelinaya inaan sii wado halganka iyo shaqada," ayay tiri.
Laakiin matalidda waddan uusan aqoonsanayn nidaamka hadda ka taliya ma aha hawl fudud, Manizha-na aad bay u xiisaysaa dalkeeda.
"Waxaan xiisaynayaa udgoonka dalkayga, udgoonka geedaha iyo caleemaha... Ma sharxi karo sida aan u xiisaynayo dalkayga," ayay tiri.