Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Meelo dunida ka mid ah oo bilaa muwaadiniin iyo bilaa xukuumado ah: Maxaysan aagaggaas u lahayn cid iska leh?
Mararka qaar, dhacdooyinka saameynta weyn ku leh nolol maalmeedkeena ayaa nagu jiida inaan ka fikirno su'aalo laga yaabo inaysan hadda muhiimad degdeg ah lahayn, balse aad u xiiso badan.
Taasi waa wixii ku dhacay Nigel, oo ka mid ah dhegeystayaasha joogtada ah ee BBC. Xilli uu la socday xiisadda ka taagan Iran iyo muranka badda ee la xiriira maamulka Marinka Hormuz, waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday su'aal aad uga ballaaran, isla markaana aan ahayn mid degdeg ah: Meeqa qaybood oo adduunka ka mid ah ayaan cidna lahayn?
Fikirkaas wuxuu leeyahay soo jiidasho gaar ah. Markaad qiyaasto inuu jiro dhul aan waddan kasta hoos iman, waxaa kuu soo baxaya sawirka meel nabdoon oo ka fog buuqa siyaasadda adduunka, wararka murugada leh iyo mashquulka nolol maalmeedka.
Si aan su'aashaas jawaab ugu helo, waxaan la hadalnay Mark Cooper-Jones, oo ah khabiir dhanka juqraafiga ah, islamarkaana ka tirsan kooxda caanka ah ee Map Men ee YouTube-ka Ingiriiska.
"Waa meeqa qaybta Dunida aan cidna lahayn? Waa su'aal aad u xiiso badan, balse jawaabteedu waxay ku xiran tahay sida aad u fahamto," ayuu yiri.
Maadaama inta ugu badan ee oogada Adduunka ay tahay bado, ee aysan ahayn dhul qalalan, badda ayaa ah meesha ugu horreysa ee ay tahay in la eego.
"Marka aad ka fogaato 200 oo mayl-badeed (qiyaastii 370 km) xeeb kasta oo waddan leeyahay, waxaad galaysaa dhul loo yaqaan badda furan (high seas). Sharciga caalamiga ah ee badda wuxuu dhigayaa in meelahaas uusan lahayn waddan gaar ah, balse ay yihiin kuwo ay ka faa'iideysan karaan dhammaan aadamaha. Sidaas darteed, dadka ka kala yimid waddamo kala duwan ayaa halkaas ka kalluumaysan kara ama cilmi-baaris ku samayn kara," ayuu sharaxay Mark Cooper-Jones.
Fikradda ah in badweynta aysan noqon karin hanti uu waddan gaar ah leeyahay ma aha mid cusub. Waxay dib u laabanaysaa qarnigii 17-aad, markii uu garyaqaan iyo mufakir u dhashay Holland oo la oran jiray Hugo Grotius uu aasaaska u dhigay dooddaas buuggiisii caanka ahaa ee Mare Liberum (Af-Laatiin ahaan macnaheedu waa "Badda Xorta ah").
Qoraalladaas, Grotius wuxuu ku dooday in baduhu ay tahay inay u furan yihiin dhammaan dadka, oo aysan maamulin hal waddan oo keliya. Fikraddaas waxay ilaa maanta saldhig u tahay shuruucda caalamiga ah ee lagu maamulo badaha.
Caqliga uu ku doodayaana wuxuu ahaa mid fudud: qofku wuxuu mulkiilan karaa oo keliya shay uu isticmaalkiisu baabi'in karo ama uu dadka kale ka hor istaagi karo inay isticmaalaan. Maadaama baddu ay aad u ballaaran tahay oo aan qof keliya ama waddan keliya si buuxda u mulkiilan karin kheyraadkeeda, cidna ma yeelan karto.
Sidaas ayay ku dhalatay fikradda biyaha caalamiga ah. Waxaan ka hadlaynaa qayb aad u weyn oo ka mid ah meeraha aan ku nool nahay. Xogta Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) waxay muujinaysaa in ku dhawaad 43% oogada Adduunka ay tahay biyo caalami ah oo aan waddan kasta hoos iman.
Laakiin dhulka qalalan xaaladdu ma sidaas ayay ka tahay? Miyay weli jiraan meelo aan waddan lahayn?
Si jawaab loogu helo su'aashaas, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo fikrad kale oo Af Laatiin ah.
Dhul aan lahayn cid iska leh (Terra Nullius)
Fikradda Terra nullius oo micnaheedu yahay "dhul aan lahayn cid iska leh" waa wax ka wayn erey juqraafi oo kaliya, ayuu sharaxayaa Cooper-Jones. Waa mabda' loo adeegsan jiray si waddamada loogu oggolaado inay la wareegaan dhulal aan waddan kale gacanta ugu jirin.
"Waa fikrad aad u muran badan oo si weyn loo adeegsaday, gaar ahaan xilligii gumeysiga. In kasta oo dhulal badan oo la qabsaday ay lahaayeen dad deggan, haddana waxaa lagu tilmaamay inay yihiin terra nullius, maadaama dadkii degganaa aysan u dhisnayn nidaam dowladnimo oo ay waddamada Yurub aqoonsan yihiin," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in xitaa maanta ay jiraan khariidado muujinaya qaybo badan oo Afrika in xilligaas lagu tilmaamayay terra nullius, in kasta oo xaqiiqadu ay tahay in qaaraddu ay lahayd bulshooyin badan oo degganaa.
"Waxay ahayd hab lagu yiraahdo: 'Meeshan uma eka Ingiriiska, Isbaanishka ama Awstaria, sidaa darteed dhulkan waan qaadan karnaa.'"
Maanta, terra nullius waxaa loola jeedaa meel aan waddan kasta sheegan oo aan ku hoos jirin awoodda dowlad caalamku aqoonsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, dunida maanta ku dhawaad dhul kasta wuxuu leeyahay cid iska leh. Waxaa haray meelo aad u kooban oo aan la sheegan, waxaana ka mid ah hal meel oo ballaaran oo ka duwan dhammaan meelaha kale.
Marie Byrd Land
Meesha ugu ballaaran adduunka ee aan waddan kasta sheegan waxay ku taallaa Qaaradda Antarctica. Waxay leedahay baaxad ka badan 1.6 milyan oo kiiloomitir oo isku wareeg ah, waxaana loo yaqaan Marie Byrd Land, oo ah magac leh taariikh gaar ah.
"Waxaa jiray Richard Byrd, oo ahaa kabtan ka tirsanaa Ciidanka Badda ee Mareykanka, isla markaana ahaa sahamiye caan ka ahaa Antarctica, kaas oo meeshan magaca u bixiyay qiyaastii 100 sano ka hor. Xaaskiisa Marie ayaa waraaqo u soo diri jirtay isaga oo ku sugan lamadegaanka ballaaran ee barafka ah, sidaa darteed Byrd wuxuu go'aansaday inuu meeshii ugu adkayd ee uu sahmiyay ugu magac daro iyada. Haddii uu jiro qof xaq u lahaa inuu meeshan leeyahay, waa Marie Byrd lafteeda. Laakiin waxay geeriyootay qiyaastii 60 sano ka hor," ayuu sharaxayaa Cooper-Jones.
Sannadkii 1959, waxaa la saxiixay Heshiiskii Antarctica, kaas oo hakiyay sheegashooyinkii lahaanshaha ee ka jiray qaaradda barafka leh, isla markaana ka dhigay meel hoos timaada nidaam caalami ah oo loogu talagalay nabadda iyo cilmi-baarista sayniska oo keliya.
Si kastaba ha ahaatee, xitaa toddobada waddan ee soo gudbiyay sheegashooyin rasmi ah oo ku saabsan dhulal ka tirsan Antarctica, kuwaas oo kala ah Argentina, Australia, Chile, Faransiiska, New Zealand, Norway iyo Ingiriiska, iyo sidoo kale Mareykanka iyo Ruushka oo xafiday xaqa ay u leeyihiin inay mustaqbalka sheegasho soo gudbiyaan, midkoodna waligiis ma sheegan Marie Byrd Land.
Maxay wali u tahay meel aan cidna lahayn?
Inta badan jawaabtu waxay ku jirtaa sida ay juqraafi ahaan u go'doonsan tahay, ayuu sharaxayaa Cooper-Jones.
"Xitaa marka lagu qiyaaso heerarka Antarctica, meeshani aad ayay u fog tahay. Xeebteedu uma dhowa cidhifka Koonfurta Ameerika, Australia ama meel kale oo si fudud loo gaari karo. Waa meel aad u adag in la gaaro. Diyaarado yar ayaa dul mara, marka laga reebo kuwa ku hawlan cilmi-baarista iyo samaynta khariidadaha."
Wuxuu intaas ku daray in xaaladdani ay mustaqbalka is beddeli karto.
"Xilligan wax walba waxay ku socdaan sidii ay ahaayeen. Laakiin haddii qof helo kheyraad qiimo badan, ama haddii barafka Antarctica uu si weyn u bilaabo inuu dhalaalo, waxaad hubsan kartaa in meeshani ay si degdeg ah u noqon doonto meel lagu murmo oo la isku qabsado."
Marka laga soo tago Antarctica, ku dhawaad dhul kasta oo dunida ka mid ah waxaa leh waddan gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira laba meelood oo gaar ah oo abuura xujo xiiso leh oo ku saabsan siyaasadda caalamiga ah. Waxa ugu xiisaha badan ayaa ah in ay sii jiraan ma aha sababtoo ah cidna ma doonayso, balse waa sababtoo ah waddamada ay khuseyso waxay u arkaan inay ka fiican tahay inay ka tagaan iyagoo aan cidna lahayn, si ay u ilaaliyaan dano waaweyn oo meelo kale ka jira.
Bir Tawil: Dhul aan waddan kastaa rabin
Bir Tawil waxay ku taallaa xadka u dhexeeya Masar iyo Suudaan, waxayna gashay xaalad gaar ah oo ka dhalatay go'aan uu Ingiriisku qaatay in ka badan qarni ka hor, markii uu sawirey laba xariiq xuduudeed oo kala duwan oo u dhexeeya labada waddan ee uu xukumi jiray.
Xadka koowaad ee la dejiyay sannadkii 1899 wuxuu ahaa xariiq toosan oo dhammaystiran. "Waxaan ku fiicneyn sawiridda xariiqyada toosan," ayuu si kaftan ah u yiri Cooper-Jones. Laakiin sannadkii 1902, Ingiriisku wuxuu go'aansaday inuu dejiyo xuduud kale oo loogu talagalay arrimo maamul.
"Markan waxay muujiyeen hal-abuur dheeraad ah, waxayna ku sawireen qaab u eg xarafka S, oo hoos u soo degaya kadibna mar kale kor ugu laabanaya xariiqii hore," ayuu sharaxayaa Cooper-Jones.
Natiijadu waxay noqotay in waddan kastaa uu aqoonsan yahay xuduud ka duwan. Bartamaha labadaas xariiq waxaa ku yaal Saddex-xagalka Hala'ib, oo ah dhul leh carro bacrin ah, kaas oo marka loo eego xuduudda 1899 uu yahay qayb ka mid ah Masar, halka marka loo eego xuduudda 1902 uu yahay qayb ka mid ah Suudaan.
Si kastaba ha ahaatee, xadka labaad wuxuu sidoo kale ka tagay dhul kale oo yar oo aan qiimo weyn lahayn sida Hala'ib, kaas oo loo yaqaan Bir Tawil. Halkan ayay xujadiisu ku jirtaa. Sababtoo ah sida xadkaas loo sawirey, waddan kasta oo sheegta lahaanshaha Bir Tawil wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu ka tanaasulo sheegashadiisa Saddex xagalka Hala'ib.
Sababtaas awgeed, Masar iyo Suudaan labaduba waxay sheeganayaan Hala'ib, laakiin midkoodna ma doonayo Bir Tawil. Natiijadu waxay noqotay in Bir Tawil ay u hartay inay noqoto terra nullius dhab ah, taas oo ah meel aan waddan kasta sheegan.
Laakiin maxaa dhici lahaa haddii qof go'aansado inuu sheegto?
Sannadkii 2014, nin Mareykan ah oo lagu magacaabo Jeremiah Heaton ayaa go'aansaday inuu isku dayo nasiibkiisa.
"Wuxuu halkaas tagay, wuxuu ka taagay calan bartamaha lamadegaanka, kadibna wuxuu ka soo muuqday barnaamij warar ah isagoo ku dhawaaqaya inuu hadda yahay mulkiilaha waddan cusub. Wuxuu sheegay inuu meeshaas u qaatay si gabadhiisa ay u noqoto amiirad dhab ah. Waxaan u maleynayaa in gabadhaas ay aad u xishootay," ayuu yiri Cooper-Jones.
"Uma maleynayo in Jeremiah uu helay aqoonsi caalami ah oo ku saabsan waddankiisa cusub. Laakiin waxaa jira dad kale oo ka sii fogaaday isaga."
Gornja Siga
Sheeko kale oo ku saabsan terra nullius waxay ku taallaa inta u dhaxeysa Croatia iyo Serbia. Xadka rasmiga ah ee maamul ee u dhexeeya labada waddan waxaa la dejiyay sannadkii 1945, dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, xilligii la aasaasayay Xiriirkii Hantiwadaagga ee Yugoslavia.
Xadkaas wuxuu raacay xuduudda dabiiciga ah oo ah Wabiga Danube. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu dejiyay iyadoo lagu saleynayo socodka wabiga sida lagu muujiyay khariidadaha dhulka ee Boqortooyadii hore ee Austria-Hungary ee qarnigii 19-aad, kuwaas oo aan la cusbooneysiin si ay ula jaanqaadaan isbeddelladii dambe.
Laakiin, sida uu muujiyay faylasuufkii hore ee Heraclitus, wabiyadu waxay beddelaan socodkooda. Kiiskan, isbeddelladaas waxay ahaayeen kuwo aad u weyn, sababtoo ah dhammaadkii qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarnigii 20-aad waxaa la fuliyay mashaariic waaweyn oo injineernimo ah oo loogu talagalay in lagu toosiyo socodka Danube lana fududeeyo safarka biyaha.
"Xaaladdan waxay sababi lahayd in Croatia ay lumiso qayb weyn oo dhul ah oo u aadda Serbia. Croatia waxay ku adkeysanaysaa in xuduuddu ay raacdo socodkii hore ee wabiga oo lahaa qaloocyo badan, kaas oo hadda inta badan engegan. Serbia, dhankeeda, waxay ku adkeysanaysaa in xuduuddu ay raacdo socodka hadda ee wabiga," ayuu sharaxayaa Cooper-Jones.
Isbeddelka socodka Danube wuxuu ka tagay dhul yar oo la yiraahdo Gornja Siga. Si kastaba ha ahaatee, sida Bir Tawil oo kale, aqbalidda lahaanshaha dhulkan waxay lahaan lahayd kharashkeeda. Croatia haddii ay sidaas sameyso waxay la macno tahay inay aqbasho in xuduuddu ay raacdo socodka cusub ee wabiga, taas oo ku qasbi lahayd inay ka tanaasusho sheegashooyinkeeda meelo kale oo ku dhacay dhinaca Serbia.
Natiijadu waa mid gaar ah: waddan kasta wuxuu sheeganayaa in dhulkan yar uu yahay inuu lahaado waddanka kale. Sidaas darteed, Gornja Siga wuxuu sidoo kale u haray inuu noqdo terra nullius kale.
Ma jiraa qof waligiis isku dayay inuu sheegto?
Haa.
Sannadkii 2015, siyaasi u dhashay Czech oo lagu magacaabo Vít Jedlička ayaa ku dhawaaqay aasaaska waddan uu ugu yeeray Liberland aaggan. Liberland waa waddan yar oo aan caalamku aqoonsan, oo ku dhisan falsafada xorriyadda ballaaran ee qofka iyo faragelinta yar ee dowladda ee nolosha muwaadiniinta.
Si kastaba ha ahaatee, sida isku dayo kale oo lagu aasaasayo waddamo meelo aan la sheegan, Liberland si rasmi ah uma aqoonsana bulshada caalamku, lamana tixgeliyo inay tahay waddan madax-bannaan oo ka tirsan nidaamka waddamada adduunka.
"Wuxuu isku magacaabay madaxweyne aaggaas oo dhan 700 oo hektar, wuxuuna sheeganayaa inuu leeyahay in ka badan 1,000 muwaadin," ayuu yiri Cooper-Jones.
Si kastaba ha ahaatee, marka uu galo aagga uu ugu yeerayo waddankiisa, marar badan waxaa qabta booliiska Croatia, sababtoo ah maamulka waddankaas ma aqoonsana sheegashadiisa.
Liberland waxay isku dayaysay inay caddeyso inay buuxinayso shuruudaha lagu aqoonsanayo waddan marka loo eego shuruucda caalamiga ah, oo ay ku jirto inay leedahay dad deggan oo joogto ah.
Laakiin in kasta oo hoggaamiyeyaasheedu ay sheeganayaan in degsiimooyin ay ka socdaan aaggaas, xaqiiqda dhabta ahi way ka duwan tahay. Maadaama Gornja Siga ay ku taallo xadka dibadda ee Midowga Yurub, maamulka Croatia wuxuu si adag u maamulaa aaggaas, wuxuuna ka hor istaagaa dhismaha degsiimooyin joogto ah.
Natiijadu waxay tahay in Liberland ay weli u jirto sidii waddan internetka ka jira halkii ay ka ahaan lahayd waddan dhab ah. Ficil ahaan, Gornja Siga weli waa terra nullius - dhul aan si rasmi ah u sheegan waddan kasta.
Guud ahaan, qiyaastii 43 boqolkiiba oogada Dunida kuma hoos jirto lahaanshaha waddan kasta, laakiin ku dhawaad dhammaan aaggaas waa biyo caalami ah. Meelaha dhulka qalalan ee aan lahayn mulkiile waa kuwo aad u yar, waxayna ka kooban yihiin wax ka yar saddex-meelood meel hal boqolkiiba oogada guud ee Dunida.