Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Jubaland oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada
Published
Kooxda kubadda cagta ee Jubaaland ayaa ku guuleysatay koobka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Soomaaliya.
Jubaland ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Puntland oo difaacanayay koobka. Tartankii sannadkii tagay Puntland ayaa qaaday koobka oo dhammaadka ay isugu yimaadeen Jubaland.
Labada koox waxaa ka dhexeeyo loolan adag. Goobla waxaa dhaliyay Yoonis Xuseen Maxamed oo kooxdiisa u horseeday in maanta ay ka aargudato Puntland.