UK oo diyaarado dagaal u diraysa Sacuudi Carabiya si ay uga difaacdo weerarrada Xuutiyiinta
Dowladda UK ayaa sheegtay inay geyn doonto diyaaradaha dagaalka ee nooca Typhoon-ka (ee ka tirsan Ciidanka Cirka ee UK) si ay u difaacaan Sacuudi Carabiya, taas oo jawaab u ah weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kooxda Xuutiyiintu sii kordhinayaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Isniintii sare u qaadday heerka digniinta dhanka safarka ee Kenya, iyadoo muwaadiniinteeda kula talisay inay dib uga fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan dalkaas sababo la xiriira khataro caafimaad iyo amni.
Digniinta ayaa laga soo qaaday heerka labaad, oo dadka kula talinayay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, waxaana la gaarsiiyay heerka saddexaad.
Wasaaradda ayaa sheegtay in khataraha jira ay ka mid yihiin cudurrada, dambiyada, afduubka, argagixisada, rabshadaha iyo badbaadada waddooyinka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Kenya ay Axaddii xaqiijisay kiis cusub oo Ebola ah, taasoo tirada dadka cudurka laga helay dalka ka dhigaysa siddeed.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo kulan aan la shaacin la yeeshay Netanyahu
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Pete Hegsett
Wakaaladda wararka Axios ayaa soo xigatay laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaas oo sheegay in Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, uu Isniintii kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, intii uu booqasho aan horay loo shaacin ku joogay dalkaas.
Hase yeeshee, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan weli si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada. Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ka gaabsatay inay arrintan ka hadasho, halka safaaradda Israel ee Washington aysan ka jawaabin codsi ay Reuters u dirtay oo ku saabsanaa booqashada.
Warkan ayaa soo baxay maalin kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Netanyahu, xilli doorashada baarlamaanka Israel ay dhici doonto toddobaadka soo socda.
Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee guud ahaan Israel ka dhacda tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalka, isla markaana Bariga Dhexe geliyay marxalad qalalaase ah. Tan iyo xilligaas, Israel waxay dagaallo ka gashay Gaza, Lubnaan iyo Iran.
Iran ayaa uga digtay Mareykanka iyo Israel inaysan marmarsiinyo uga dhigan doorashooyinka soo socda ee dalalkaas si ay weerar cusub ugu qaadaan Iran.
Saraakiisha milatariga Iran ayaa maalmihii la soo dhaafay marar badan sheegay inay diyaar u yihiin iska horimaad milatari oo cusub oo ay la galaan Mareykanka.
Waxay sidoo kale sheegeen in haddii uu dib u bilowdo dagaal u dhexeeya Iran, Mareykanka iyo Israel, ay tixgelin karaan “bartilmaameedyo milatari oo cusub iyo hub noocyo kala duwan ah”.
Shiinaha iyo Jarmalka ayaa u digay muwaadiniintooda booqanaya Faransiiska
Xigashada Sawirka, Getty Images
Raysalwasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa siiyay
magaalooyinka Faransiiska awood ay Bandow ku soo rogaan si looga hortago in ay
wadooyinka ka dhacaan rabshado kale.
Magaalada Marseille ayaa durba mamnuucday isu-imaatinnada
dadweynaha iyo bannaanbaxyada. Mr. Lecornu ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in
loo baahan yahay in xaalad degdeg ah lagu dhawaaqo, inkastoo wasiirka arrimaha gudaha,
Laurent Nonyes, uu qiray in ciidamada ammaanku ay “lumiyeen xakamaynta xaaladda
magaalooyinka qaarkood intii rabshaduhu socdeen Sabtigii.
Mr. Lecornu ayaa mar kale sheegay muhiimadda ay leedahay in
caddaaladda la horkeeno dadka mas’uulka ka ah rabshadaha. Wuxuu sheegay in la
qaadi doono tallaabooyin amni oo dheeraad ah si looga hortago faragelinta kooxaha
garabka bidix.
Hay’adaha sirdoonka Faransiiska ayaa warbixin ku sheegtay in
kooxaha garabka bidix ee xagjirka ah, sida uu raysalwasaaruhu ugu yeeray, ay
doonayaan in ay abuuraan qalalaase inta lagu jiro muddada ka horraysa
doorashada.
Dalallka Shiinaha iyo Jarmalka ayaa u digay muwaadiniintooda
booqanaya Faransiiska. Beijing ayaa
u sheegtay muwaadiniinteeda in ay taxadaraan.
Sida ay sheegeen warbaahinta
Shiinaha, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa dadka booqanaya Faransiiska
ka codsatay in ay si dhow ula socdaan xaaladaha, ayna ka fogaadaan goobaha ay
ka dhacayaan dibadbaxyada iyo rabshadaha.
Acled oo ah ururka
madaxa-bannaan oo ururiya xogaha ku saabsan rabshadaha siyaasadeed iyo
dibadbaxyada ka dhacaya daafaha dunida ayaa sheegay in ay diwaangeliyeen 66
dibadbax oo maalinii ka dhaca Faransiiska. Tiradan ayaa saddex jeer ka badan
celceliska oo ahaa in ka badan 20 dibadbax maalintii xilliyadii ay rabshaduhu
jireen shantii sano ee la soo dhaafay.
AFP: 50 qof ayaa ku dhimatay weerarka Shabwa ee Yemen
Xigashada Sawirka, EPA
In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay, ugu yaraan laba boqolna
way ku dhaawcmeen kaddib markii gantaalada meelaha fog gaara lagu duqeeyay xero
ciidamada Yemen ku tababaranyeen ee gobolka Shawba sida ay sheegtay wakaaladda
wararka AFP.
Wakaaladda kale ee Reuters ayaa saacad ka hor soo xigatay
afar ilo wareed oo isugu jira dowaladda iyo kuwa caafimaadka kuwaas oo sheegay tirada
dadka ku dhintay weerarka.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyada, Xuutiyiinta ayaa
barltimaameed ka dhigtay xerada Alam ee ku taal gobolka Shabwa.
Afhayeenka ciidamada dowladda Yemen, Majid Nazili, ayaa ku
qortay barta X in “maleeshiyada Xuutiyiintu ay ku weerareen Shabwa saddex
gantaal”.
Xuutiyiintu waxay in ka badan toban sano la dagaallamayaan
isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee taageera dowladda Yemen ee ay beesha caalamku
aqoonsan tahay.
Sida ay sheegeen
warbaahinta Iran oo soo xiganeysa Hossein Mohebi, “ Mareykanka ma bilaabi karo
dagaal cusub oo guullo hor leh u keeni kara”.
"Inta badan
saldhigyada Maraykanka ee gobolka waa la burburiyay," ciidamadooduna,
marka laga soo tago in ay daalanyihiin, waxay "u guureen boqollaal
kiiloomitir meel ka fog Iran," waxaana laga soo wareejiyay saldhigyo u
dhowaa oo loo raray kuwo "fog".
Wuxuu sheegay in
maraakiibta Maraykanku ay sidoo kale in ka badan 700 oo kiiloomitir u jiraan
Gacanka Beershiya.
Hossein Mohebi
meesha kama saarin suurtagalnimada weerar militari, isagoo yiri:
"Maraykanku ma haysto awoodda farsamo iyo tan militari ee uu ku fulin karo
hawlgallo cusub, balse maadaama ay soo dhowaanayaan doorashooyinka, waxaa
suurtagal ah in uu doonayo in uu helo faa'iidooyin".
“Iskama dhaga-tireyno suurtagalnimada, diyaar
ayaan u nahay in aan ka jawaabno tallaabo kasta, markaanna jawaabateenu way ka
xoog badan tahay kuwii hore”, ayuu yiri afhayeenka IRGC oo ka digay in weerar
kasta oo Mareykanka kaga yimaado uu keenayo dhibaato dhanka tamarta ah.
Xog bixiye reer Iran ah ayaa difaacay weerar lagu qaaday xarumaha gaaska Qatar
Xigashada Sawirka, Getty Images
La-taliyaha hoggaamiyaha
Iran ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ka hortagga u ah ay tahay, haddii la
weeraro xarumaha korontada iyo kuwa kiimikada batroolka, in Iran ay iyaduna
weerari doonto xarumaha korontada iyo kuwa kiimikada batroolka ee sagaal dal.
Wuxuu difaacay
weerarkii lagu qaaday xarunta gaaska Ras Laffan ee Qatar intii uu socday
dagaalkii 40-ka maalmood, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu “dunida oo dhan
dhibaato geliyay”. Qatar ayaa si weyn uga cabatay weerarkaas.
Iran oo ka
jawaabeysa weerarka lagu qaaday xarumaheeda shidaalka ee koonfurta ayaa
beegsatay xarunta ugu weyn Qatar ee laga dhoofiyo gaaska dabiiciga ah.
Marka laga soo
tago kor u kaca qiimaha shidaalka, weerarku wuxuu dhaliyay walaac ku la xiriira
sahayda tamarta caalamka.
Qayb kale oo ka
mid ah hadalkiisa ayuu Mudane Mokhbar ku sheegay, "Dadka qaar waxay
aaminsan yihiin in laga tanaasulo Marinka Hormuz, si loo badbaadiyo qaybaha
kale ee dalka."
Mareykanka ayaa ka digay in Itoobiya iyo Eritrea dagaallamaan
Xigashada Sawirka, US Africa Media Hub
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa kula
taliyay hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea in ay is xakameeyaan oo ay ka
fogaadaan tallaabooyinka sii kordhin kara dagaalka dhanka xadka ah, wuxuuna
sheegay in taasi ay keeni karto dagaal.
Rubio wuxuu sheegay in uu si weyn uga walaacsan yahay
wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militeri ee xadka labad adal. Wuxuu ka digay
hadii ay sii socoto ciidamada la geynayo xadka in taasi ay sii kordhineyso khatarta
dagaal halkaas ka qarxa.
Intii uu socday dagaalkii
u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigrayga ee dhacay 2020-kii,
ciidamada Eritrea waxay taageereen ciidamada dowladda federaalka, waxayna ka
qayb qaateen dagaalka ka dhanka ah Tigrayga.
Kaddib markii
dagaalku ku dhammaaday heshiiskii Pretoria, waxaa soo ifbaxay khilaafaad u
dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.
Dhowr mas'uul oo
sare oo Itoobiyaan ah, oo uu ku jiro Raysalwasaare Abiy Axmed, ayaa si cad uga
hadlay baahida dalka uu u qabo in uu
helo deked. Abiy ayaa ku adkaystay in Itoobiya, oo dadkeedu gaarayaan ilaa 130
milyan, dhaqaalaheeduna sii korayo, aysan sii ahaan karin dal aan si toos ah u
helin badda.
Dhanka Itoobiya,
waxaa Eritrea lagu eedeeyay in ay la kaashanayso xisbiga TPLF iyo kooxo kale oo
hubeysan oo dalka ku sugan, iyadoo ujeedadu tahay in Itoobiya la kala qaybiyo.
Rubio oo
wariyayaasha la hadlayay ayaa sheegay, “ Waxaad arkaysaa ciidamo labada
dhinacba ka imanaya oo u socda dhanka xuduudda. Xaalad sidan oo kale ah, marka
aad aragto ciidamo labada dhinacba ka socda oo isugu ururaya xuduudda, waxaad
ka walwalaysaa in xaaladdu ay isu beddeli karto iska horimaad ka sii weyn. Wuxuu
intaas ku daray in dunida aysan dagaal kale u baahneyn.
Dhaawac halis ah ayaa soo gaaray xildhibaanad Australian ah oo lagu dhuftay gaari
Xigashada Sawirka, Helen Haines' LinkedIn profile
Helen Haines oo ka tirsan baarlamaanka Australia ayaa lagu dhuftay
gaari. Raysalwasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa ku tilmaamay “fal ula
kac ah”.
“Tani ma ahayn shil, waxay u muuqataa in uu ahaa fal si ula
kac ah loo geystay,” ayuu Albanese u sheegay warbaahinta Australia.
Raysalwasaaraha ayaa u muuqday mid ilmeynaya markii la
weydiiyay in isaga iyo saaxiibbadiisa siyaasadeed ay dhexdooda kaga wada
hadlaan hanjabaadaha iyo khataraha ay la kulmaan.
Hoggaamiyaha mucaaradka Australia, Angus Taylor, ayaa
sheegay in uu aad uga murugooday, ugana naxay warkan.
Wuxuu yiri, “Waxaan u ducaynayaa Helen, waxaana ka fikirayaa
qoyskeeda iyo dadka ay jeceshahay. Qofna ma ahan in sidan oo kale loo
bartilmaameedsado.”
Helen Haines waa xildhibaanad madax-bannaan oo 65 jir ah,
waxayna matashaa deegaanka Indi ee gobolka Victoria, koonfur-bari Australia.
Markii ugu horreysay waxaa aqalka wakiillada Australia loo
doortay sannadkii 2019, waxaana markale dib loo doortay doorashadii 2022 iyo
2025.
Ka hor inta aysan siyaasadda soo gelin, waxay aheyd
kalkaaliso caafimaad, umuliso iyo cilmi-baare caafimaadka bulshada.
Sidoo kale waxay daabacday dhowr qoraal oo cilmi-baariseed
oo ku saabsan caafimaadka hooyada.
Reuters: Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xero ciidamada dowladda Yemen lagu tababaro
Xigashada Sawirka, UGC
Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay weerar ay Xuutiyiintu ku
qaadeen xero tababar oo ay la haayeen ciidamada dowladda Yemen oo ku taal
gobolka Shabwa sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo
dowladda ah iyo kuwa caafimaad.
Xutiyiinta ayaa si joogto ah u bartilmaameedsaday xarumaha
ciidamada isbahaysiga la ah dowaldda la aqoonsan yahay ee Yemen iyo ciidamada taageera
isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.
Xuutiyiinta ayaa mar sii horeysay ku weeraray shan gantaal qasriga
Al-Maashiq kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay xarunta howlgallada ee isbahaysiga
Sacuudiga hoggaamiyo.
Warbixinadii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in shan qof lagu
dilay iyadoo tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen weerarka. Qasriga waxaa
deggan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.
Al-Sisi ayaa Sabtidii sheegay in Masar aysan iska daawan doonin haddii ammaanka Sacuudiga waxyeello soo gaarto. Wuxuu xusay in faragelin milatari oo suurtagal ah ay noqon doonto mid difaac ah, oo aan loogu talagelin gardarro ama dagaal bilowgiisa.
Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay toddobaadyadii la soo dhaafay kordheen weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadayaan Sacuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerarro lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco.
Weerarradan ayaa sidoo kale walaac ka abuuray ammaanka maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo saameynta ay ku yeelan karaan ganacsiga gobolka iyo sahayda tamarta.
Tallaabooyinka ugu dambeeyay ee Masar ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan nooca taageero ee Qaahira siin karto Riyadh, xadka ay gaari karto faragelin milatari oo suurtagal ah iyo in tallaabooyinkani muujinayaan isbeddel ku yimid siyaasadda Masar.
Eedayn la xiriirta falal anshax-xumo ah oo ka dhacay Masaajidka Makka: Nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh oo lagu xukumay dil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Makkah
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh, oo loo xiray eedeyn la xiriirta falal anshax-xumo oo lagu sheegay inay ka dhaceen gudaha mid ka mid ah masaajidda magaalada barakeysan ee Makka, lagu fuliyay xukun dil ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya Iran ka dib dagaalka
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa maanta u ambabaxaya Tehran, booqashadiisii ugu horreysay ee uu Iran ku tago tan iyo weerarradii Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen dalkaas.
Telefishinka Iran ayaa sheegay in Lavrov uu inta uu booqashada ku jiro sidoo kale la kulmi doono madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian.
Ruushka ayaa la sheegay inuu doonayo inuu door dhexdhexaadin oo ka weyn ka qaato, xilli ay mar kale sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.
Lavrov, oo la filayo inuu la kulmo wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dadaallada Moscow ay “ujeeddadoodu tahay in laga hortago dib u soo noqoshada dagaal baaxad weyn”.
Ka hor inta uusan Iran u safrin, Lavrov wuxuu booqday Bahrain. Shirkii sagaalaad ee wada-hadalka istiraatiijiga ah ee Ruushka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ka dhacay magaalada Manama, ayuu ku baaqay in wadahadal toos ah ay yeeshaan dalalka Khaliijka iyo dalalka deriska la ah, oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Urdun.
Booqashada Lavrov ee Iran ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu kulan laba geesood ah oo dhowaan dhex maray isaga iyo Pezeshkian ku sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dadaallada dhexdhexaadinta.
Putin ayaa sheegay in dadaalladaasi ay sidoo kale ku lug yeelan karaan Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Macron oo ku baaqay in la isdejiyo, lana ilaaliyo kala dambeynta kaddib rabshadihii dibadbaxyada Faransiiska
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada faransiiska
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo “degganaanshaha iyo kala dambeynta”, kaddib markii dibadbaxyo Sabtidii dhacay ay isu beddeleen rabshado iyo dhac hantiyeed.
Rabshaduhu ayaa Sabtidii ka sii socday magaalada Paris.
“Dhammaanteen waan xanaaqsanahay, waana ka xishoonaynaa waxa dhacay,” ayuu Macron ku yiri farriin uu ka soo saaray qasriga Élysée, isagoo uga digay dadka dibadbaxyada ka qeybgalaya inaysan xaaladda sii xumeyn.
Qiyaastii 550,000 oo qof ayaa si nabad ah waddooyinka isugu soo baxay, iyagoo ka cabanayay kororka qiimaha shidaalka, sare u kaca maciishadda iyo adeegyada dowladda oo sii xumaanaya, oo ay ku jiraan adeegyada waxbarashada.
Macron ayaa sheegay in dadka dibadbaxaya ee qaba cabashooyin sharci ah ay tahay in laga sooco kuwa ku lug leh burburinta hantida iyo dhaca.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegtay in booliisku ay xireen 2,400 oo qof.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in aysan jirin wax cudurdaar u noqon kara rabshadaha “faraha ka baxay”, wuxuuna ballanqaaday in dhammaan dadka ku lugta lahaa sharciga la horgeyn doono.
Wall Street Journal: Putin oo soo jeediyay kulan saddex-geesood ah oo uu la yeesho Trump iyo Xi Jinping
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Putin
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa soo jeediyay in bisha soo socota uu kulan la yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, si ay uga wada hadlaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine oo galay sannadkiisii afaraad, sida uu Axaddii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganayay ilo xog-ogaal u ah wadahadallada.
Soo jeedintan ayaa timid xilli ay u muuqato in xiriirka Trump iyo Ruushka uu sii wanaagsanaanayo. Trump ayaa markii hore ku dhawaaqay heshiis la xiriira iibsashada naaftada Ruushka, kaddibna saxiixay wareegto lagu qaadayo qaar ka mid ah cunaqabateynihii muhiimka ahaa ee saarnaa Moscow.
Wall Street Journal, oo soo xiganayay sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Ruushka, kaas oo xog laga siiyay arrintan, ayaa qoray in Putin uu soo jeedintan ku gudbiyay wada-hadal taleefan oo uu Trump la yeeshay 9-kii October. Soo jeedintu waxay la xiriirtay iibsashada naaftada Ruushka.
Aqalka Cad ayaan weli ka jawaabin codsi ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay oo ku saabsanaa warbixintan.
Sida uu qoray Wall Street Journal, Kremlin-ka ayaa soo jeediyay in kulanka saddex-geesoodka ah lagu qabto dhinacyada shirka soo socda ee Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC), kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Shenzhen ee Shiinaha, 18-ka iyo 19-ka bisha November.
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa wargeyska u xaqiijiyay in ay socdaan wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada kulankaas.
Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa Wall Street Journal u sheegay in Trump uusan weli oggolaan qabashada kulanka, balse laga yaabo inuu soo dhaweeyo fikraddaas.
Waa maxay xanuunkan dhalmo la'aanta sababi kara ee aysan haweenku ku baraarugsaneyn?
Xigashada Sawirka, BBC/Getty
Qoraalka sawirka, Xanuunka aya sababa dhalma la'aan
Qiyaastii 10% haweenka ayay xaaladdan heysataa, oo uu ka dhalan karo xanuun aad u daran. Balse weli aad looma baarin, si fiicanna looma fahamsana – welina dawo looma hayo.
Gabar ayaa waxay tiri, “Dhiigga caadada oo xanuun badan wata ayaa igu billowday markii aan 14 jir ahaa. Waxaan iskuulka u qaadan jiray waxyaabo lagu kululeeyo qeybta hoose ee caloosha aniga oo rajo ka qabay inay maalintii oo dhan i caawin doonaan.
Wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta Iran: Weerarrada dhanka internetka ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Internet-ka
Behzad Akbari, oo ah wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta Iran, isla markaana ah madaxa shirkadda kaabayaasha isgaarsiinta dalkaas, ayaa sheegay in weerarrada dhanka internetka ee lagu qaadayo Iran ay si weyn u kordheen maalmihii la soo dhaafay.
Wuxuu digniin u diray hay’adaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiyada internetka ee gudaha Iran, isagoo qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay:
“Labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa si weyn u kordhay xoogga iyo soo noqnoqoshada weerarrada DDoS ee lagu qaadayo shabakadaha iyo kaabayaasha isgaarsiinta dalka. Qayb weyn oo weerarradaas ka mid ah ayaa lagu xakameeyay nidaamyada difaaca ee gudaha iyo dibadda dalka, waxaana la ilaaliyay xasilloonida shabakadaha.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan kula talinayaa hay’adaha, ganacsiyada internetka, xarumaha kaydiya xogta iyo bixiyeyaasha adeegyada dijitaalka ah inay xoojiyaan diyaargarowga iyo hababka difaaca ee nidaamyadooda amniga, isla markaana ay kordhiyaan la socodka amniga.”
Digniintan ka timid wasiir ku-xigeenka isgaarsiinta Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay mar kale sii kordhayaan hadallada kulul ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Iran iyo Mareykanka, iyo wararka ku saabsan suurtagalnimada iska horimaad milatari oo dhex mara labada dal.
Labada guulood ee Soomaaliya ka gaartay tartanka kubadda cagta ee bariag iyo bartamaha Afrika
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Xulka Soomaaliya
Ciyaartii dhexmartay Rwanda iyo Soomaaliya ayaa dhanka Soomaaliya uga dhignayd labada guulood oo isa saran "Mar waxaan gaarnay kulanka kama dambaysta ah marka waxaan u soo baxnay tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, oo ka dhici doonna dalka Maroco, marka laba guul oo waaweyn ayey noo ahayd"ayuu BBC-da u sheegay tababare Daadir.
Marka laga soo tago guusha Finalka ee xulka Soomaaliya ee kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ay gaareen haddana qaar ka mid ah ciyaartooyda ayaa aad loo hadal hayey inta kulanka socday iyo ciyaarihii ay ka soo gudbeenba.
Waa ciyaaryahanka numberka 10.aad u xiran Soomaaliya oo xalay dhaliyey goolkii barbaraha iyo goolhayaha oo isna sabab u ahaa in xulka gaaro Fianlka.
"Ciyaartoyda gudaha galaya si wadajiray u shaqeeyaan hal ayeyna yihiin laakiin hadal haynta waxaa dhalinaya waxaa waaye numberka 10-aad wuxuu dhaliyey goolkii barbar dhaca laakiin waa gool ay kooxda ka wadashaqayen isagana dhamaystiray, goolhayahahan wuxuu nooleyey in Qaranku u soo baxo Finalka isago qabtay goolal kulaadk, waana ugu mahadceliyanaa kooxda oo dhan"ayuu intaa raaciyey tababare Daadir.
Tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, waxaa hadda la xaqiijiyey inay u soo baxeen Soomaaliya iyo Uganda, basle Itoobiya iyo Rwanda ayaa ciyaaraya ciyaar ay ugu tartamayaan kaalinta saddexaad oo dalkii u soo baxaa uu ku biirayo Soomaaliya iyo Ugand.
Masar oo oggolaatay inay Sacuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dagaalka Yemen
Mas’uul sare oo dhanka amniga ah oo u dhashay Masar ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisu oggolaaday inuu taageero Sacuudiga dagaalka uu kula jiro fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.
Bayaan ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay in Golaha Difaaca Qaranka, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdel Fattax al-Sisi, uu oggolaaday in Sacuudiga la siiyo “dhammaan taageerada suurtagalka ah” si loo xaqiijiyo ammaankiisa.
Inkasta oo bayaanku uusan faahfaahin dheeraad ah bixin, haddana al-Sisi ayaa Axaddii baarlamaanka ka codsaday inuu oggolaado in ciidamo iyo hub la geeyo goobaha dagaalka.
Galabnimadii Axadda, waxaa la sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, iyo dhiggiisa Masar, Badr Abdellatif, ay khadka taleefanka kaga wada hadleen “arrimaha gobolka”.
Sacuudiga ayaa taageero ka dalbanayay xulafadiisa, kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ay marar badan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas.
Sacuudiga ayaa sheegay inay ku adag tahay inuu soo rido gantaallada ay Xuutiyiintu soo ridaan, maadaama ay beddeli karaan jihada ay u socdaan xilliga la ridayo.
Ilaa hadda, ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay gudaha Sacuudiga oo keliya, halka kumannaan duulimaad la baajiyay.
Axaddii, wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa la kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sare u sii kacaysay sannadihii la soo dhaafay, maadaama ay taageeraan dhinacyo kala duwan oo ku dagaallamaya Yemen.
Dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo labada dhinacba ku sugan.
Garoonka diyaaradaha iyo qasriga ay isticmaasho dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa la weeraray toddobaadkii hore.
Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo Axaddii ka dhacday magaalada Sacada ee ay fallaagadu maamusho ay ku dhinteen sagaal qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.
Faahfaahin cusub oo laga helay diyaaraddii Tel Aviv ka duushay oo si degdegg ah ugu degtay Bulgaria
Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Qoraalka sawirka, Diyaarad ay leedahay shirkadda Austrian Airlines oo la mid ah tii loo leexiyay dhanka Bulgaria
Sida aan horay u soo sheegnay, diyaarad ay leedahay shirkadda Austrian Airlines ayaa Axaddii si degdeg ah uga degtay caasimadda Bulgaria ee Sofia, xilli ay ka soo duushay Tel Aviv kuna sii jeedday Vienna.
Wararka ayaa sheegay in dhacdadan ay sabab u ahayd digniin amni.
Wasaaradda Gaadiidka Bulgaria ayaa saacad ka hor bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha diyaaradda Austrian Airlines ay go’aansadeen inay si degdeg ah uga degaan Sofia, kaddib markii diyaaraddu ay ku sii dhawaanaysay Romania, isla markaana la helay hanjabaad sheegaysa in bam uu saaran yahay diyaaradda.
Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa sheegay in rakaabka diyaaradda laga daadgureeyay kaddib markii ay caga-dhigatay.
Wargeyska Israel ee Haaretz ayaa sheegay in hanjabaadda bamka uu sameeyay muwaadin u dhashay Austria, kaas oo aan ku jirin rakaabka diyaaradda.