Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Uganda oo bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kaddib 20 sano oo ay dalka joogeen

Uganda ayaa si rasmi ah u bilowday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo, iyadoo arrintaasi u fulinaysa si tartiib-tartiib ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Reuters: Wadamada Khaliijka ayaa ka baqaya aargoosiga Iran hadii uu dagaal qarxo

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in hanjabaadaha madaxweyne Donald Trump ee Iran ay kordhiyeen markale walaaca ay qabaan saaxiibadiisa khaliijka.

    Waxay ka walaacsan yihiin in uu bilowdo dagaal kale oo Washington go’aamisay kaas oo ka dhigaya saldhigyada milatariga Mareykanka ee gobolka in ay Iran bartilmaameedsato.

    Sida laga soo xigtay Reuters, weeraradii Iran ay ku qaaday saldhigyada milatariga Mareykanka iyo xarumaha tamarta ee dalalka Khaliijka ayaa bannaanka keenay nuglaanta qaab-dhismeedka amniga tobanaan sano jirsaday ee Washington ku leedahay gobolka.

    Walaacyadan ayaa ka mid ahaa mowduucyada ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen wasiirada iyo saraakiisha amniga ee isugu yimid shirkii sanadlaha ahaa ee, "Wadahadalka Manama," ee lagu qabtay Baxrayn.

    Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu fulin doono "hawlgal yar" kaddib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka ee dhacaya 3-da Nofeembar.

    Afar sarkaal oo reer Yurub ah ayaa u sheegay Reuters in Mareykanku uu gobolka geeyay ciidamo iyo qalab milatari oo ku filan si ay u awood ugu helaan in ay ku weeraraan Iran waqti gaaban.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Sudan ayaa sheegtay in ay la dagaallamayaan calooshood u shaqeystayaal ay ku jiraan kuwa ka yimid Puntland

    Sarkaal ka tirsan ciidamada Sudan ayaa sheegay in calooshood u shaqeystayaal ka yimid gobolka Puntland ee Soomaaliya ay ka dagaallamayaan Sudan.

    Dhammaanteen waxaan la dagaallameynaa tiro aad u badan oo calooshood u shaqeystayaal ah oo uu keenay Maxamed bin Zayed.... Calooshood u shaqeystayaal ka socda Itoobiya iyo kuwa ka yimid waqooyiga Soomaaliya ee Puntland” ayuu yiri sarkaalka.

    Eedahaasi ayaan isku daynay in aan kala hadalno mamaulka Puntland balse wax jawaab ah kama helin.

    Dhana kale, Suudaan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga dacwootay Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay in gudaha dhulka Itoobiya laga soo qaaday weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa sheegtay in weerarrada lagu duqeeyay goobo rayidku deggan yahay iyo kaabayaal muhiim ah, oo ay ku jiraan xarumaha korontada, taasoo sababtay khasaare nafeed. Wuxuu sheegay in ciidamada RSF oo ka soo horjeeda dowladda ay isticmaalayaan dhulka Itoobiya.

    Itoobiya ayaa horay u sheegtay in eedeymaha noocaas ah ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiro ka badan kun qof sanadkan oo kaliya lagu dilay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay Suudaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Ruushka: Astaamaha muujinaya in la weeraro Iran ayaa ah wax laga walaaco

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in ay jiraan astaamo muujinaya dagaal. “Waxaa jira astaamo muujinyo in tallaabo militari oo hor leh la qorsheynayo taas oo ka dhan ah Iran”.

    “Wixii bilooyinkii u dambeeyay la soo arkay waxay muujinayaan in tallaabooyinka milateri ee sababa dhimashada iyo burburka gudaha Iran, aysan jabin karin go'aanka shacabka Iran ee ah in ay difaacaan madax-bannaanida iyo xorriyadda dalkooda. Kuwa maanta ku hanjabaya weerarro cusub waa in ay dib uga fiirsadaan arrintan," ayay tiri Maria Zakharova.

    Ruushku wuxuu marar badan ku tilmaamay weerarrada ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen Iran in ay yihiin xadgudub ka dhan ah qeynuunka caalamiga.

    Maalmihii u dambeeyay, iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay xoojiyeen dadaallada ay ku doonayaan in ay ku yareeyaan xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka, ayaa haddana waxaa sii socda hanjabaadaha ka imanaya Donald Trump xilli indhaha oo dhami ay ku jeedaan doorashooyinka Mareykanka ee berri dhacaya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Wang Yi: Shiinaha ayaa sheegay in uu taageerayo Iran si ay u difaacdo madax-bannaanideeda

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo Iran si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo amnigeeda.

    Kulan uu la yeeshay Ali Bagherikani oo ah ku-xigeenka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran ayuu Wang Yi ka sheegay in dalkiisu uu ugu baaqayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka Bariga Dhexe in ay diiradda saaraan xalalka siyaasadeed.

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sidoo kale maanta oo Isniin ah sheegay intii uu socday kulanka uu la yeeshay Suldlaanka Cummaan Haitham bin Tariq Al Said in Bariga Dhexe iyo gobolka Gacanka Carabta aysan noqon "goob ay ku tartamaan quwadaha waaweyn."

    Bayaan wadajir ah oo la soo saaray kaddib kulankii u dhexeeyay Shiinaha iyo Cumaan, ayey Masqat ku taageertay soo-jeedimaha Shiinaha ee ku aaddan nabadda Bariga Dhexe, waxayna muujisay rajo ah in Beijing ay qaadan doonto "door aad u muuqda" oo ku aaddan xaqiijinta xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.

    Shiinuha waa iibsadaha ugu weyn ee saliidda, waana mid ka mid ah saaxiibada dhaqaale ee ugu muhiimsan Iran.

    Shiinuhu wuxuu cambaareeyay weerarrada ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen Iran, iyo sidoo kale cunaqabataynta ay Washington soo rogtay, wuxuuna dhowr jeer ku baaqay in dagaalka la joojiyo gaar ahaan in la furo marinka Hormuz iyada oo la adeegsanayo nidaam diblomaasiyad.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Ruushka iyo Ukraine ayaa labaduba sheegay in weerar internetka ah lagu soo qaaday

    Ukraine iyo Ruushka waxay labaduba sheegeen in barnaamijyadooda digniinta ee xaaladaha degdegga ah xalay la weeraray.

    Marka hore waxaa la weeraray Ukraine iyadoo fariin digniin ah oo aan jirin uu diray barnaamijka.

    Siyaasiga reer Ukraine Oleksander Merezhko ayaa sheegay in ay shaki dhalisay fariinta oo ku qorneyd luuqadda Ruushka, wuxuuna sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay dagaalka internetka

    Saacado kaddib Ruushka ayaa sheegay in la weeraray dhankooda iyadoo xog been abuur ah dadka lala wadaagay.

    Digniinta been abuurka ah ayaa dadka u digtay isticmaala abka, waxayna u sheegtay in ay jirto "halis ah in la noolaado", waxayna sheegtay in madaxyada hubka nukliyeerka lagu riday "dhammaan gobollada Ruushka".

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Uganda oo bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

    Uganda ayaa si rasmi ah u bilowday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo, iyadoo arrintaasi u fulinaysa si tartiib-tartiib ah oo qaybo-qaybo ah, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qayb qaadanayeen hawlgallada lagu xoojinayay amniga Soomaaliya.

    Ciidamadii ugu horreeyay oo ka kooban 109 askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Uganda (UPDF) ayaa la sheegay inay Jimcihii ka ambabaxeen magaalada Muqdisho.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, uu ku dhawaaqay in dalkiisu bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.

    “Sidii aan ballanqaadnay, waxaan bilownay inaan ciidamadeenna UPDF kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig daatay iyo naf-hurnimo ah, waxaan mas'uuliyadda amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu Muhoozi ku qoray barta X.

    Afhayeenka ku-meelgaarka ah ee milatariga Uganda, Chris Magezi, ayaan ka jawaabin codsi ay BBC-du u dirtay oo ay kaga dalbanaysay inuu arrintan faahfaahin ka bixiyo.

    Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, xilligii hawlgalkii Midowga Afrika ee loo yaqaanay AMISOM.

    Ciidamadeeda ayaa garab dagaallamay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay kooxda Al-Shabaab, isla markaana gacan ka geystay dib u qabsashada deegaanno muhiim ah oo kooxdu hore u maamuli jirtay iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

    Sannadkii 2024-kii, hawlgalkii AMISOM waxaa loo beddelay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

    Hawlgalkan cusub ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta hay'adaha amniga Soomaaliya iyo diyaarinta ciidamada maxalliga ah si ay ugu dambayn si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka.

    Si kastaba ha ahaatee, Uganda gebi ahaanba kama aysan joojin hawlgalkeeda milatari ee Soomaaliya. Ciidamada hadda baxaya ayaa qayb ka ah dhimista tirada askarta Uganda ee dalka ku sugan, taas oo lagu fulinayo heshiis milatari oo gaar ah oo dhexmaray Kampala iyo Muqdisho.

    Uganda waxay sii wadi doontaa inay ciidamo ku biiriso hawlgalka amniga Soomaaliya ee uu taageero Midowga Afrika.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Hoggaamiyaha xisbiga Yeshar ee Israa'iil,oo shuruud ku xiray cid kasta oo isbahaysi la galaysa

    Hoggaamiyaha xisbiga Yeshar, Gadi Eisenkot, uu dadaal ugu jiro ballaarinta xulafada uu la yeelan karo xisbiyada kale, halka ra'iisul wasaaraha xilka ka sii degaya, Benjamin Netanyahu, uu isku dayayo inuu mideysnaanta garabkiisa siyaasadeed ilaaliyo.

    Eisenkot, oo 66 jir ah, ayaa afar shuruudood u dejiyay xisbiyada uu doonayo inay ka mid noqdaan dowladda cusub. Shuruudahaas waxaa ka mid ah:

    1. In Israa'iil loo aqoonsado dowlad Yuhuud ah, dimuqraadi ah oo xorriyadda ku dhisan, isla markaana ku salaysan sinnaanta muwaadiniinta.

    2. In la dhowro mabaadi'da ku xusan Baaqa Madaxbannaanida Israa'iil.

    3. In dhammaan muwaadiniinta lagu waajibiyo adeeg ciidan, adeeg qaran ama mid rayid ah.

    4. In Xamaas loo aqoonsado urur argagixiso, lana ballanqaado in la burburiyo awooddeeda milatari iyo tan maamul ee Marinka Gaza.

    Eisenkot ayaa sheegay in xildhibaan kasta oo aqbala mabaadi'daas uu la shaqayn karo dowladda cusub. Si kastaba ha ahaatee, si cad ugama uusan reebin xisbiyada Yuhuudda aadka ugu adag dhinaca diinta ama xisbiyada Carabta.

    Waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga faa'iidaysto waxa uu ku tilmaamay aqlabiyadda baarlamaanka, si loo dhiso guddi rasmi ah oo baaritaan ku sameeya dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar 2023.

    Intaa waxaa dheer, waxa uu doonayaa in la meel mariyo sharciyo la xiriira waajibinta adeegga milatari, isla markaana xilka laga beddelo guddoomiyaha hadda ee baarlamaanka Israa'iil, Amir Ohana.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Xuutiyiinta oo sheegay in duqeymo cirka ah uu Sacuudigu ka fuliyeen dekedda Xudeyda

    Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintii sheegay in duqeymo cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay deked muhiim ah oo ku taalla Badda Cas iyo xarun shidaal oo ku taalla gobolka Xudeyda ay ku dhaawacmeen toddoba qof.

    Anis al-Asbahi, afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in afar qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerar ay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ku qaadeen dekedda Ras Ciise, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xarun shidaal oo ku taalla deegaanka Bajil.

    “Duqeymaha soo noqnoqda ee lagu beegsanayo xarumaha muhiimka ah ee shidaalka iyo dekedaha waxay si cad u jebinayaan sharciga caalamiga ah ee bani'aadannimada, waxayna sii kordhinayaan dambiyada dagaal ee Yemen ka socda, kuwaas oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo kaabayaasha muhiimka ah,” ayuu yiri.

    Telefishinka Al-Masiirah ee taageera Xuutiyiinta ayaa horay u sheegay in Sacuudigu weeraray goob ay maraakiibtu ku xirtaan iyo markab ganacsi oo ku sugnaa dekedda Ras Ciise.

    Dekedda Xudeyda ayaa ah tan ugu weyn ee ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu, waana mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee cuntada iyo gargaarka bani'aadannimo lagu gaarsiiyo deegaannada ay maamulaan.

    Dekedda Ras Ciise, oo waqooyiga magaalada Xudeyda ku taalla, ayaa sidoo kale loo adeegsadaa soo dejinta iyo kaydinta shidaalka.

    Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in weerarro Axaddii dhacay lagu beegsaday kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Xudeyda, isla gobolkaas.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu fuliyay “hawlgal si sax ah loogu bartilmaameedsaday curyaaminta ilaha muhiimka ah” ee ay Xuutiyiintu adeegsadaan.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 1,600 oo qof lagu dilay, halka in ka badan 300,000 oo kalena ay ku barakaceen tan iyo markii uu dagaalku mar kale ka qarxay Yemen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay suuqyada caalamka

    Suuqyada caalamka ayaa saaka oo Isniin ah laga dareemay hoos-u-dhac ku yimid qiimaha shidaalka.

    Qiimaha Shidaalka cayriin ee nooca Brent ee ayaa hoos uga dhacay 110 doollar foostadii, isaga oo saaka marayay qiyaastii 109.70 doollar.

    Hoos-u-dhaca qiimaha shidaalka ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallada wada-hadal ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayso Qatar.

    Hase yeeshee, weerarradii Axaddii lagu qaaday markab siday gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee Qatar iyo markab kale oo shidaal qaada oo la weeraray subaxnimadii Isniinta ayaa weli walaac ku haya suuqyada tamarta adduunka.

    Arrintan ayaa sidoo kale soo baxaysa maalin ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee Aqalka Kongareeska Mareykanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Wax ka ogow gantaalka qaaradaha isaga gudba ee Turkiga oo guuxiisa ka dheereeya 25 jeer

    Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa bilowgii sanadkan soo bandhigtay gantaalkii ugu horreeyay ee qaaradaha isaga goosha ee dalkaasi samaysto, kaas oo loo bixiyay "Yıldırım Han".

    Gantaalka Yıldırım Han ayaa maalintii ugu horreysay lagu soo bandhigay xuska caalamiga ah ee SAHA Expo ee magaalada Istanbuul, kaas oo bilaabmay 5-ta May islamarkaana socon doona muudo kooban.

    faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  11. Waa kuma safiirka cusub ee Israa'iil u soo dirtay Somaliland Michael Lotem?

    Waa diblomaasi ruugcadaa ah, wuxuuna hawlaha diblomaasiyadda ku soo dhex jiray tan iyo 2014, isagoo ka soo shaqeeyey qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo dalal kale oo Ruushku ka mid yahay.

    Bishii Disembar 2021 ilaa hadda oo loo magacaabay safiirka Soomaaliland wuxuu dalkiisa u fadhiyey magaalada Nairobi.

    Wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Uganda, Malawi iyo Seychelles.

    Lotem wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalalka Azerbaijan, and Kazakhstan sida laga soo xigtay warbaahinta KAN ee Israa'iil.

    Muddo afar sano ah oo ka horreysay intii aan Nairobi loo wareejin ayuu ka shaqaynayey xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee israa'iil, isagoo muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa Disembar 2021 noqday agaasimaha qaybta dhaqaalaha Aasiya.

    Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ah qunsuliyadda Israa'iil ee St Petersburg oo uu 8 sano ka ahaa qunsul.

    Xilliyadiisii ugu horreysay diblomaasiyadda wuxuu muddo 2 sano ah soo noqday ergayga gaarka ee dalkiisa u qaabilsan tamarta, gaar ahaan 2012 – 2014.

    Danjire Michael Lotem ayaan si toos ah u joogi doonin Hargeysa, hase yeeshee lama sheegin meesha uu wakhtigan ka wadi doono shaqadiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Maxay iska kaashan karaan Somaliland iyo Israa'iil?

    MadaxweynahaJamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha Israa’iil u soo magacowday Somaliland, Michael Lotem.

    Lotem, ayaa bartamihii bishii April ee sanadkan Israa’iil u soo magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay xilligaas sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu tilmamay “Tallaabadan ayaa ah mid astaan u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab.”

    Waxaa intaas la sii raaaciyey in “Madaxweynuhu uu carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xidhiidh ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Halkan ka dhageyso waxa ay kala faa'iidi karaan labada dhinac.

  13. Sagaal qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Florida

    Sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay xaafad ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka Mareykanka.

    Shilku wuxuu Axaddii ka dhacay agagaarka Cresthaven, oo qiyaastii 14 kiiloomitir u jirta Mar-a-Lago, oo ah goobta uu Madaxweyne Donald Trump ku leeyahay guri nasasho, kuna taalla deegaanka hodanka ah ee Palm Beach County. Shilku wuxuu dhacay abbaaro 12:50 duhurnimo waqtiga maxalliga ah.

    Sawirrada laga qaaday goobta shilka ayaa muujinaya god weyn oo ka dhex samaysmay waddo ay deggan yihiin dadweyne, iyadoo meelo dab ka holcayo iyo burburka diyaaradda oo dhulka ku firirsan la arkayo.

    Diyaaradda, nooca Learjet 60, ayaa ka duushay magaalada Austin ee gobolka Texas, iyadoo ku sii jeedday dalka Bahamas, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Federaalka ee Mareykanka (FAA).

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran

    Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, taas oo ay saarnaayeen 23 qof.

    Xarunta Ammaanka Badaha Badweynta Hindiya ayaa ka digtay in burcad-badeeddu ay suuragal tahay inay weerarro kale ku qaadaan maraakiibta ganacsiga.

    Waxaa la xaqiijiyay in doonta kalluumeysiga ee lagu magacaabo Azini la afduubtay Khamiistii.

    Booliska Ilaalada Badaha Puntland ayaa Axaddii sheegay in doontu ay maraysay inta u dhexeysa magaalooyinka Bandar Bayla iyo Hafuun ee waqooyi-bari Soomaaliya.

    Sarkaal ka tirsan booliska ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in 12 burcad-badeed ah ay afduubteen doonta, taas oo ay saarnaayeen 21 qof oo u dhashay Iran iyo laba Soomaali ah. Waxa uu sheegay in dadka saarnaa ay ku jireen shaqaale amni.

    Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, maadaama uusan fasax u haysan inuu warbaahinta la hadlo, ayaa sheegay inaan weli la ogeyn xaaladda badqabka dadka saaran doonta.

    Xarunta Ammaanka Badaha ayaa sidoo kale soo saartay digniin kale, iyadoo sheegtay in burcad-badeeddu ay doonta ay afduubteen u adeegsan karaan inay ku qaadaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.

    Hawlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inuu baarayo dhacdadan, wuxuuna maraakiibta maraysa aaggaas ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

    Afduubkan ayaa imanaya xilli ay dib u soo xoogaysanayaan falalka burcad-badeednimada Soomaalida ee Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya.

    Sida lagu sheegay xog la shaaciyay bishii Agoosto ee sannadkii hore, lix markab oo ganacsi ayaa la afduubtay tan iyo bishii Abriil.

    Qaar ka mid ah weerarradaas ayaa ka dhacay meelo aad uga fog xeebaha Soomaaliya.

    Bishii Sebtembar, maamulka Puntland ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay afduubteen markab shidaal oo lagu magacaabo MT Honor 25, ayna dileen shan badmaax ka hor intii aysan ciidamada ammaanku goobta gaarin.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  16. Araqchi: Marinka Hormuz ayaa dib loo furayaa maalinta labaad haddii Mareykanku buuxiyo shuruudaha Iran

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera kaga hadlay natiijada wada-hadallada ay socda ee dhexmaraya Iran iyo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar.

    Waxa uu sheegay in qorshe toddoba maalmood ah oo ay Iran soo jeedisay hadda laga dhigay laba maalmood. Sida uu sheegay, haddii Mareykanku maalinta koowaad buuxiyo shuruudaha Iran, waxaa maalinta labaad dib loo furi doonaa marin-biyoodka Hormuz.

    Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli dhowr markab oo kuwa shidaalka iyo gaaska qaada lagu bartilmaameedsaday Gacanka Faaris. Mid ka mid ah maraakiibtaas ayaa siday gaaska Qatar, waxaana weerarradaasi dhaleeceeyay dhinacyo kala duwan.

    Araqchi ayaa sidoo kale Axaddii sheegay in booqashadiisa aysan qayb ka ahayn qorshe wada-hadal toos ah oo lala yeesho Mareykanka.

    Waxa uu intaas ku daray in wadatashiyada ku saabsan qorshaha labada maalmood ay weli la socdaan dhexdhexaadiyeyaasha, isla markaana ay ku socdaan hirgelin, balse aan weli heshiis kama dambays ah laga gaarin.

    Wuxuu sheegay in natiijada wada-hadalladu ay ku xirnaan doonto jawaabaha uu Mareykanku ka bixiyo su'aalaha ay Iran soo gudbisay.

    Wasiirka ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in Iran ay diyaar u tahay difaac iyo diblomaasiyad labadaba, isaga oo sheegay in waddada uu Mareykanku dooranayo ay ku xirnaan doonto sida uu u dhaqmo si caqli ku dhisan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iran: Dagaal cusub oo qarxa ayaa gaari kara Yurub

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iran, ahna xubin ka tirsan baarlamaanka dalkaas, Manouchehr Mottaki, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu dhexmaro Mareykanka iyo Iran, uu dagaalku ku fidi doono meelo ka baxsan Bariga Dhexe, isla markaana uu gaari doono Yurub.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Fars, Mottaki ayaa yiri: “Dalalka Yurub ee saldhigyadooda milatari u oggolaaday Mareykanka waxay qayb ka yihiin dambiga. In xayiraadda juqraafiyeed la qaado waxay farriin cad u tahay dagaalyahannadeenna, shacabkeenna, dhinacyada shisheeye iyo cadowgeenna.”

    Bishii hore, dhacdo amni oo ka dhacday agagaarka saldhigga ciidamada cirka ee Farford ee Britain ayaa mas'uuliyiinta siyaasadeed ee dalkaasi ku tilmaameen mid xiriir la leh Iran.

    Dhacdadaas kaddib, Mareykanka ayaa si lama filaan ah u go'aansaday inuu dhammaan diyaaradaha dagaalka ee wax duqeeya kala baxo saldhiggaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Trump oo mar kale ku hanjabay inuu Iran si xooggan u weerari doono, isla markaana burburin doono

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Iran, isaga oo khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax olole siyaasadeed.

    Waxa uu sheegay in sababta keliya ee aan weli loo soo afjarin dagaalka Iran ay tahay inuu doonayo in uu ka fogaado dhimashada dad badan.

    Waxa uu yiri: “Sababta keliya ee aynaan weli Iran u soo afjarin waa inaan doonayo inaan si dabacsan ula dhaqmo. Haddii ay suurtagal tahay, waxaan rabaa inaan dadka ka badbaadiyo dhimashada. Laakiin ugu dambayn waxaa imanaysa xilli ay khasab tahay inaan si xooggan u garaacno.”

    Hadalka Trump ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dib loo bilaabo wada-hadallada Tehran iyo Washington, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayso Qatar.

    Dadaalladan ayaa daba socda warqad uu madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, u diray Mohsen Rezaei.

    Dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran ayaa ka mid ah arrimaha waaweyn ee saamaynta ku yeelanaya doorashooyinka xilliga dhexe ee Aqalka Kongareeska Mareykanka, kuwaas oo bilaabanaya wax ka yar 48 saacadood gudahood.

    Natiijada doorashooyinkan ayaa saamayn degdeg ah ku yeelan karta siyaasadda iyo tallaabooyinka maamulka Madaxweyne Trump.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Reuters: Wadahadallada wafdiga Iran iyo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ee Doha oo weli socda

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa mas’uul xog-ogaal ah, sheegtay in wadahadallada u dhexeeya wafdiga Iran iyo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ee magaalada Doha ay weli socdaan.

    Kadib wadahadallo xooggan oo ay Jimcihii Tehran kula yeesheen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, ergada Iran ayaa shalay u safray Doha si ay u sii ambaqaadaan wadaxaajoodyada. Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya inay weli ku sugan yihiin caasimadda Qatar, halkaas oo ay wadahadalladu ka socdaan.

    Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wafdi Mareykan ah uu ku wajahan yahay Doha si uu wadahadallada ugu biiro, wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa shalay carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan xilligan qorsheyneyn inay Mareykanka la gasho wadahadal.

    Cabbas Caraqji, ayaa sheegay in Iran ay go’aan ka gaari doonto wadahadal toos ah ama dadban oo ay la yeelato Mareykanka kaddib marka la buuxiyo shuruudaheeda.

    Wadahadalladan ayaa dhacaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington, iyadoo ay soo dhow yihiin doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, isla markaana ay kordhayaan walaacyada laga qabo suurtagalnimada dagaal cusub.

    Dhanka kale, wakaaladda wararka ee dowladda Qatar ayaa maanta sheegtay in markab Qatar leedahay oo siday gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG) ay la kulmay jimcihii weerar aan la aqoonsan, xilli uu marayay Gacanka Faaris.

  20. Madaxweyne Cirro oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Israa’iil u soo magacowday Somaliland

    MadaxweynahaJamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha Israa’iil u soo magacowday Somaliland, Michael Lotem.

    Lotem, ayaa bartamihii bishii April ee sanadkan Israa’iil u soo magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay xilligaas sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu tilmamay “Tallaabadan ayaa ah mid astaan u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab.”

    Waxaa intaas la sii raaaciyey in “Madaxweynuhu uu carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xidhiidh ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal horrey uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

    Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa horrey si adag ugu hortimi tallaabada Israa'iil ay Somaliland ugu magacowday danjire.

    "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa'iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobolka waqooyi ee Soomaaliya, Somaliland" ayaa lagu yiri qoraal horrey uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: