Trump oo wali rajeynaya in uu heshiis la galo Iiraan 'labo ilaa saddexda saacadood ee socoto gudahood
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in heshiis wali lala saxiixan doono Iiraan "labada ilaa saddexda saacadood ee soo socota", sdia uu u sheegay Fox News.
Wuxuu faallooyinkan ku sheegay wareysi kooban oo uu la yeeshay Trey Yingst oo ka tirsan shabakadda.
Trump ayaa Yingst u sheegay inuu taleefanka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ka dib weerarradii maanta ka dhacay Beirut. Trump ayaa u muuqday inuu muujiyay niyad jabkiisa, isagoo adeegsanaya erayo uu ku weerarayo Netanyahu waxa uu sameynayo.
"Wuxuu u sheegay ra'iisul wasaaraha inuusan sameynin weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah Hezbollah, sidaa darteed ma saameynayso heshiiskan inuu horay u socdo," ayuu yiri Yingst.
Warar dheeraad ah: