Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga oo muwaadiniinteeda uga digtay weerarrada garoomada diyaaradaha
Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo uga digtay xaaladda amni ee ka dhalatay weerarrada lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.
Safaaraddu waxay sheegtay in gaadiidka gaarka loo leeyahay, tareennada ama basasku ay noqon karaan beddelka safarada diyaaradaha ee lagu tagayo ama looga baxayo Sacuudiga.
Digniinta lagu baahiyay barta X ee safaaradda ayaa muwaadiniinta Mareykanka loogu baaqay inay raacaan farriimaha digniinta ee ay Waaxda Difaaca Rayidka Sacuudiga ugu soo dirto taleefannadooda gacanta.
Waxay sidoo kale sheegtay in muwaadiniinta Mareykanku ay ka feejignaadaan suurtagalnimada weerarro lagu qaado garoomada diyaaradaha, xiritaanka hawada, baajinta duullimaadyada iyo carqaladaha kale ee safarka.
Safaaraddu waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay sawirro ama muuqaallo ka qaadaan iska-horimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, goobaha ay ku dhacaan iyo khasaaraha ka dhasha, ama ay muuqaalladaas faafiyaan.
Waxay intaas ku dartay in muwaadiniin Mareykan ah qaarkood la xiray kaddib markii ay jebiyeen xeerarkan, oo ay ku jiraan dad sawirro ka qaaday dhismayaasha dowladda, garoomada diyaaradaha iyo goobaha ay gantaalladu ku dhaceen.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto: