Dowladda Ciraaq oo qaaday tallaabo culus oo ka dhana Xuutiyiinta Yemen
Warar ayaa sheegaya in dowladda Ciraaq ay xayiraado ku soo rogtay wakiillada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan magaalada Baqdaad, iyadoo ka mamnuucday inay dhulkeeda ka fuliyaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo warbaahineed.
Sida ay wararku tilmaamayaan, awaamiirtan waxay khuseeyaan xubno ka tirsan Xuutiyiinta oo Ciraaq ku sugnaa tan iyo sannadkii 2018, kuwaas oo qayb ka ah urur lagu magacaabo “Xafiiska Wakiillada Ansarullah”.
Waaxda BBC Monitoring ayaa soo xigatay wargeyska internet-ka ee Al-Arabi Al-Jadeed, oo xaruntiisu tahay London, balse laga leeyahay dalka Qatar, kaas oo sheegay in sarkaal Ciraaqi ah uu sheegay in tallaabooyinkan ay mamnuucayaan xubnaha dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee ay taageero Iiraan, kuwaas oo ku nool Ciraaq, inay qabtaan kulammo, shirar jaraa'id ama ay fuliyaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan xeerarka iyo shuruucda deggenaanshaha ee Ciraaq.
Sarkaalku wuxuu sharaxay in dowladda Ciraaq ay u cayintay wakiillada kooxda goobo gaar ah oo ay degganaadaan, isla markaana ay ku amartay inay hore ugu wargeliyaan qorshayaashooda ka hor inta aysan safar gelin.
Horaantii toddobaadkan, qaraar ka soo baxay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeesheen Baqdaad ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah ururka inay ka fogaadaan fududeynta safarka wakiilka Xuutiyiinta ee ku sugan Tehran, isla markaana ay “ku wareejiyaan dowladda Jamhuuriyadda Yemen haddii uu ku sugan yahay dhulkooda”.