Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maleeshiyda muslimiinta Rohingya oo la eedaynayo
Ciidamada Dalka Burma ayaa muslimiinta Rohigya ku eedeeyey inay dileen labaatan haween ah iyo sided rag ah.
Dadkan la sheegay in la laayay ayaa maydkooda laga hellay xabaal wadareedyo lagu aasay.
Meleteriga Burma ayaa intaasi ku daray in dadkan lagu laayay gobolka Rakhine ayna ahaayeen dad Hindi ah.
Waxaa kaloo la sheegaya ain kumanaan qowmiyada Hindida ah lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan.
Wararkan ka soo baxaya ciidanka dowladda Burma ayaan la cadayn karrin inay dhab yihiin.
Afar boqol oo kun oo qof oo muslimiinta Rohinga ah ayaa u qaxay dalka Banagaldesh ee dariska ah.
Madaxda Hay'ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay aya sheegay in dadkan la laayay, lana kufsaday