Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Halkee ayay ku tukadeen dadkii ugu badnaa salaadi ciidda?
Published
Iyada oo adduunka daafihiisa malaayiin qof ay u dabaaldagayeen munaasabadda ciidda, ayaa hase yeeshee meeshii dadkii ugu badnaa ay isugu soo baxeen qaarada Yurub noqotay magaalada Birmingham ee dalka UK.
Illaa 140,000 kun oo qof, waana sanadkii 7aad ee sidan oo kale loogu ciido barxadan ku taala magaaladan.
Goobtan waxaa lagu magacaabaa GLMCC, waxaana laga helayaa noocyada kala duwan ee cuntada iyo badeecooyin kala duwan.