Taliyaha ciidamada Badda Itoobiya oo sheegay in adeegsiga xooggu uu yahay mid ka mid tallaabooyinka lagu heli karo marin Badda Cas ka tirsan

Xigashada Sawirka, ETV
Taliyaha ciidamada badda Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu ay ka go'an tahay inuu dib u helo marin madax-bannaan oo uu ku yeesho Badda Cas, isaga oo ka digay in adeegsiga xooggu uu weli yahay ikhtiyaar haddii dadaallada diblomaasiyadeed fashilmaan.
Admiral Kindu Gezu ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen ururka saraakiishii hore ee ciidamada milatariga iyo booliiska, kaas oo bishaan Nofeembar ka dhacay magaalada Addis Ababa.
"Dalabkayagu waa cad yahay. Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Itoobiya ay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan, iyagoo adeegsanaya waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, si ay dib ugu helaan dekeddii aan sida sharci-darro ah u weynay," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dadaallada Itoobiya ee ku aaddan helitaanka deked iyo dib u dhiska ciidankeeda badda aysan ahayn kuwo lagu doonayo in cid lagu cabsi geliyo ama lagu soo duulo. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray in dalku leeyahay ikhtiyaarro kale haddii wada-hadalladu fashilmaan, oo ay ku jirto adeegsiga xoogga oo ah tallaabada ugu dambeysa.
"Haddii diblomaasiyaddu fashilanto, waxaa noo haraya laba ikhtiyaar. Midka koowaad waa inaan si aamusan u aqbalno inaanan dib u helin xuquuqdayada Badda Cas, innagoo ah dal aan bad lahayn, isla markaana sii wajahna gaajo iyo amni-darro, inkastoo aan badda u jirno 60 kiiloomitir oo keliya.
"Midda kale, haddii aan niraahno jiil dambe ma aqbali doono xaaladdan, ikhtiyaarka ugu dambeeya ee ah adeegsiga xoogga wuxuu noqonayaa inaan dib ugu laabanno dhulkeennii hooyo, oo uu ula jeedo dekedda Casab ee Eritrea, si loo xaqiijiyo dib u soo nooleynta Itoobiya," ayuu yiri.
Kindu ayaa sidoo kale ku dooday in dekedaha Casab iyo Mitisiwa ee Eritrea ay taariikh ahaan ka tirsanaayeen Itoobiya, isaga oo gooni-isu-taagga Eritrea ku tilmaamay "kala-tag aan caddaalad ahayn oo sharci-darro ah".
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay tahay inay dib u hesho deked ay leedahay, "iyadoon loo eegin inta ay qaadanayso ama naf-hurnimada loo baahan yahay".
Hadaladan ayaa walaac laga muujiyay, maadaama ay sii kordhin karaan xiisadda iyo hanjabaadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa marar badan sheegay in dalkoodu u baahan yahay deked madax-bannaan oo ku taalla Badda Cas.
Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo inuu dagaal dhexmaro labada dal ee deriska ah, kuwaas oo xiriirkoodu sii xumaanayay sababo la xiriira xiisadaha ka jirta gobolka.
Markii Eritrea ay xornimada qaadatay sannadkii 1993-kii, kaddib afti ay Qaramada Midoobay taageertay oo timid 30 sano oo halgan xorriyadeed ah, Itoobiya waxay lumisay xeebihii ay ku lahayd badda. Tan iyo markaas, Itoobiya waxay inta badan ku tiirsanayd dalka deriska ah ee Jabuuti si ay uga qayb qaadato ganacsiga caalamiga ah ee badda.

Xigashada Sawirka, PM Office
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrintaan Badda Cas iyo baahida Itoobiya u qabto waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga hadlay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Bishii Febraayo ee sanadkaan mar uu baarlamaanka ka hor hadlayay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu mar kale meel adag iska taagay doonista dalkiisa iyo in uu boos ku yeesho Badda cas.
Wuxuu yiri "Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka dabiiciga ah in loo maleeyo in Itoobiya aysan bad rabin", wuxuuna intaa ku daray in badda cas ay muhiim u tahay Itoobiya.
"Itoobiya iyo badda cas lama kala reebi karo" ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Itoobiya aysan doonayn inay xoog ku hesho marin ay u marto badda cas.
Dhanka kale, wuxuu arrinta badda cas la barbar dhigay sida ay Israa'iil u koontaroosho Buuraleyda Golan Heights oo ay u aragto arrin amnigeeda ku xiran.
Wuxuu sheegay in Israa'iil ay Golan Heights u qabsatay sababo la xiriira walaac xagga amniga ah, Itoobiyana ay danteeda qaranka ku xiran tahay badda cas. "Itoobiya ma doonayso inay xaabbad riddo si ay taas u gaarto" ayuu yiri.






















