Tirada iyo noocyada dayaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay ka heshay Ruushka

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed/ Facebook
Itoobiya waxay Ruushka ka heshay 12 diyaaradood oo casri ah oo nooca Su-35 ah.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inuu qalabkan helay isagoo u safraya Ruushka si uu uga qayb galo shirka Ruushka iyo Afrika.
Sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, qalabkan milateri waxay Itoobiya ka dhigi doonaan waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan Afrikada Saxaraha ka hooseeya ee hub intaa le'eg ka hela Ruushka
"Itoobiya waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan Afrikada Saxaraha ka hooseeya ee ku hubaysan diyaaradahan dagaalka" ayuu ku qoray bartiisa bulshada.
"Tani waa farxad, war weyn," ayuu yiri.
Maamulka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo dhibaato kala kulma dagaalyahanno kala duwan oo gudaha jooga iyo sidoo kale Eritrea iyo Suudaan oo deriska la ah, wuxuu leeyahay ciidan cir oo casri ah.
Hubaynta ciidanka ee diyaaradaha casriga ah ee noocaas ah ayaa la filayaa inay xoojiso ciidamada cirka ee dalka.
Dowladdu waxay kaloo isticmaashaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo ciidamada cirka si ay uga hortagaan dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya iyo dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah ee Oromia, Amxaarada iyo meelo kale.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeymo ka geysanayeen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada TPLF iyo kuwa Eritrea, kuwaas oo la sheegay inay xuduudka soo gudbeen intii lagu guda jiray dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray bishii Febraayo.
"Dadaalladeenna ku aaddan xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalkeenna ayaa galay waji cusub.
"Diyaar-garowga ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa siinaya awood ay si degdeg ah ugu qaadi karaan weerar rogaal celis ah" ayuu yiri.
"Sida ku xusan heshiis aan horey ula galnay dowladda Ruushka, maanta waxaan helnay qaybtii ugu horreysay oo ka kooban 12 diyaaradood oo nooca SU-35 ah, kuwaas oo ka tirsan jiilka afaraad.
"Intaas waxaa dheer, Itoobiya waxay heli doontaa nidaamka difaaca hawada ee S-400" ayuu yiri.
Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay heshay qalabkan casriga ah xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya iyada iyo Eritrea.
Itoobiya oo Eritrea ku eedaysa inay taageerto ciidamada TPLF iyo kooxo kale oo dagaalyahanno ah, ayaa dagaal la gashay ciidamada TPLF, iyadoo maalmo gudahood dib ugu riixday xuduudka Eritrea.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in dagaalladu ay weli ka socdaan gobolka Tigray.
Axaddii, taliyaha ciidamada TPLF, Sareeye Guuto Yohannes W/Georgis, ayaa isku dhiibay Ciidamada Difaaca Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhow milatariga Itoobiya.
Hase yeeshee, TPLF ayaa taliyahooda ku eedaysay "khiyaano qaran."
Ciidanka Itoobiya ayaa gaaray xadka Eritrea balse kama gudbin. Inkastoo ay sidaas tahay, welwelka laga qabo in labada dal ay isku dhacaan ayaa ka xoog badan sidii hore.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu heshiisiiyo labada dal.
Waxaa la filayaa in Ruushku uu kulansiiyo hoggaamiyeyaasha labada dal inta lagu guda jiro shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo saaxiibkay, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, dadaalkiisa ku aaddan sidii aan diyaaradahan dagaalka u heli lahayn sannad ka hor waqtigii loogu talagalay" ayuu yiri.
Waa noocma diyaaradda SU-35?

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed / Facebook
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee SU-35 ay "aad muhiim ugu yihiin Itoobiya".
"Itoobiya waa dal ay ku hareeraysan yihiin cadaw badan. Waxaa nalooga baahan yahay inaan sameyno diyaargarow nagu filan, si carruurteennu ay u helaan dal ay ku noolaadaan, isla markaana aan lagu xadgudbin hawadeenna".
Diyaaradda dagaalka ee SU-35 waxay ku qalabaysan tahay tiknoolajiyaddii ugu horumarsanayd adduunka. Waxay ku dagaallami kartaa hawada dhexdeeda, sidoo kalena waxay hawada ka weerari kartaa dhulka.
"Waxaa si gaar ah loo xaqiijiyay inay awood u leedahay ka hortagga gantaallada 'cruise'-ka ah. Gantaal noocaas ah oo laga soo riday jiho kasta ha ahaatee, waa la saadaalin karaa, lagana hortagi karaa iyadoo weli laga joogo masaafo dhan 200 oo kiiloomitir."
"Haddii aynaan haysan awood [dhanka hawada] oo noocan ah, way adkaan doontaa inaan si qaran ahaan ah uga sii jirno gobolkan. Sababtaas awgeed, waxaan ku howlanayn tababaridda dadka".
"Diyaaradaha dagaalka ee Su-30 iyo Su-35 ee aan hadda helnay waxay gacan ka geysan doonaan ilaalinta hawada Itoobiya si ku filan."
"Tan ugu muhiimsan, dalalka diyaarka ah si fudud looma weerari karo. Diyaargarowgu wuxuu ka hortagaa dagaalka... halka diyaargarow la'aantu ay soo jiidato dagaalka," ayuu yiri.
"Tani waa awood weyn [oo noo soo korortay]. Waxaan doonaynaa inaan gobolkeenna ku yeelanno saameyn iyo awood hoggaamineed oo ballaaran.
"Looma baahna oo kaliya in la xoojiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka), balse waxaa sidoo kale loo baahan yahay in la xoojiyo diyaaradaha dagaalka ee noocyada Su-30 iyo Su-35, maadaama ay gacan ka geysan doonaan ka hortagga weerar kasta oo laga soo qaado masaafo fog.
"Warkan weyn waa war wanaagsan oo u wanaagsan dadka ka shaqeeya qaybtan" ayuu yiri, isagoo raaciyay in "dhowrka sano ee soo socda, Itoobiya ay dhisan doonto ciidan awood u leh inay dalkooda difaacaan."
Wuxuu sheegay in marka ay Itoobiya hesho dhammaan diyaaradaha dagaalka ee Su-35 iyo nidaamyada difaaca hawada ee S-400 oo ay ka soo iibsanayso Ruushka, awoodda ay Itoobiya ugu hortagi karto gantaallada noocyada kala duwan (cruise iyo ballistic) ay "si weyn kor ugu kici doonto."
Intee bay le'eg tahay awoodda Ciidanka Cirka ee Itoobiya?
Sida lagu sheegay xogta hay'adda Global Fire Power (GFP), 2026 Itoobiya waxay kaalinta 47-aad kaga jiri doontaa 145-ka waddan ee ugu awoodda badan dhanka ciidanka caalamka.
Sannadkii hore hay'addu waxay sheegtay in Itoobiya ay kaalinta 52-aad kaga jirtay awoodda ciidan ee caalamka. Tani waxay muujinaysaa in dalku uu sannadkan horumar sameeyay, isagoo ka soo kacay shan darajo.
Warbixinta waxaa lagu xusay in afar waddan oo Afrikaan ah oo kaliya, kuwaas oo kala ah Masar, Aljeeriya, Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika, ay ka horreeyaan Itoobiya.
Dalka Masar, oo xiriirka Itoobiya kala dhaxeeya uu xun yahay, ayaa kaalinta koowaad kaga jira Afrika, halka uu kaalinta 19-aadna kaga jiro caalamka.
Dalka deriska la ah Itoobiya ee Eritrea ayaa kaalinta 119-aad kaga jira caalamka, halka uu kaalinta 25-aadna kaga jiro qaaradda Afrika.
Hay'addan oo soo saarta qiimeynta awoodda ciidamada dalalka caalamka, ayaa warbixinteeda sannadkan ku xustay in Ciidanka Cirka ee Itoobiya ay awood ahaan kor u kaceen.
Si kastaba ha ahaatee, warbixin isbarbardhig ku samaynaysay ciidamada cirka ee Masar iyo Itoobiya ayaa muujisay in ciidamada Masar ay aad uga awood badan yihiin kuwa Itoobiya.
Warbixinta sanadkan ee Global Firepower ayaa Itoobiya kaalinta 46-aad kaga aaddisay caalamka, iyadoo lagu xusay inay leedahay 25 diyaaradood oo dagaal oo diyaar ah.
Warbixintu waxay sheegtay in Itoobiya ay leedahay 33 diyaaradood oo nooca helikobtarka ah, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin kuwo dagaal, ayna jiraan 34 diyaaradood oo loogu talagalay tababarka.
Dalku wuxuu soo bandhigay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) intii lagu guda jiray dabaaldegga sannad-guurada 90-aad ee Ciidanka Cirka.



























