Maya Jaamac oo ka tagtay shaqadeedii tebinta barnaamij caan ah

Maya Jama
    • Author, Jacob Phillips
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Barnaamij soo-jeediyaha Maya Jaamac ayaa ku dhawaaqday inay ka tageyso xilka soo-jeediyaha barnaamijka madadaalada ee Love Island, kaddib markii ay muddo saddex sano ah soo wadday.

Maya oo 32 jir ah ayaa barta Instagram-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya waqtiyadii ugu xusuusta badnaa ee ay barnaamijka ka soo muuqatay, iyadoo sheegtay in la gaaray waqtigii ay "nafteeda u hibeyn lahayd wax cusub".

"Inkastoo safarkaygii aniga ee Love Island uu dhammaaday, haddana waxaan barnaamijka iyo kooxdiisa u rajeynayaa guul kasta oo dunida ka jirta. Mar walba meel fog ayaan idinka taageeri doonaa," ayay tiri soo-jeediyaha telefishinka iyo idaacadda.

Ku dhawaaqista Maya ayaa timid wax yar uun kaddib markii ay tartame ahaan uga qayb gashay barnaamijka Celebrity Traitors ee kasoo baxa dalka UK, halkaas oo ay ku kasbatay ammaan badan.

Guusha ay ka gaartay barnaamijkaas ayaa sidoo kale dhalisay hadal-hayn, iyadoo wargeyska The Times uu saadaaliyay inay heshiis kasta oo xayeysiis ama iskaashi ganacsi ah ku heli karto lacag dhan hal milyan oo gini (£1m).

Iyadoo u mahadcelisay taageerayaasha iyo kooxda soo saarta barnaamijka Love Island, ayay sheegtay inay barnaamijka ku soo qaadatay waqti aanay weligeed illoobi doonin.

"Waxaan bilaabay soo-jeedinta barnaamijka anigoo 28 jir ah, sagaalkii taxane ee cajiibka ahaa ee aan ka soo shaqeeyayna waxaan intii aan jidka ku jiray kula kulmay dad aad u wanaagsan. Waxaan jeclaa wax kasta oo barnaamijka ka mid ahaa, laga soo bilaabo socodka tartiibta ah ee tartamayaasha, goobta dabka lagu kulmo ilaa barnaamijyada tooska ah," ayay tiri.

Hase yeeshee, waxay intaas ku dartay: "Waxaan mar walba aaminsanaa in qofku si dhab ah u kobco marka uu mararka qaarkood ku dhiirrado inuu tallaabo weyn qaado."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maya ayaa sanadkii 2023 heshay shaqadii ugu weynayd ee soo-jeedin ee ay ilaa xilligaas qabatay, markii loo magacaabay soo-jeediyaha barnaamijka telefishinka ee Love Island, iyadoo xilka kala wareegtay Laura Whitmore.

Barnaamijka ayaa tartamayaasha isugu lammaaneeya labo-labo, kaddibna waxay ka qaybqaataan hawlo kala duwan, iyagoo marar badan lammaanahooda beddelaya, iyagoo rajeynaya inay helaan qofka ay nolosha la wadaagi doonaan.

Afhayeen u hadlay telefishinka ITV ayaa yiri: "Maya waxay ahayd soo-jeediye heer sare ah oo ay daawadayaashu aad u jeclaayeen inay ku arkaan barnaamijka Love Island. Waxaan uga mahadcelineynaa wax kasta oo ay barnaamijka ku soo kordhisay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana u rajeyneynaa guul joogto ah."

Love Island ayaa ka mid ah barnaamijyada madadaalada ee ugu daawashada badan dalka UK, hase yeeshee taxanaha ayaa kala aragti duway daawadayaasha. Qaar ayaa ku doodaya inuu yahay barnaamij takooraya haweenka, halka kuwo kalena ay walaac ka muujiyeen daryeelka iyo badqabka dadka ka qaybgalaya.

Maya Jama
Qoraalka sawirka, Maya Jama, oo xiran saako cad, oo lagu arkay iyadoo soo jeedineysa barnaamijka Love Island sanadkii 2023

Hay'adda kormeerka warbaahinta ee UK (Ofcom) ayaa hore u heshay tobannaan kun oo cabashooyin ah oo ku saabsan barnaamijka Love Island, kuwaas oo qaarkood la xiriiray eedeymo ku saabsan hab-dhaqan takooraya haweenka iyo cagajuglayn ay muujiyeen qaar ka mid ah dadka barnaamijka ka qaybgalaya.

Hay'adda kormeerka warbaahinta ayaa hore barnaamijka ugu tilmaantay mid ay ka dhacaan xaalado dareen xooggan leh iyo muuqaallo iska horimaanaya, kuwaas oo ka careysiin kara ama dhibi kara qaar ka mid ah daawadayaasha.

Maya ayaa markii ugu horreysay magac ku yeelatay idaacadaha, iyadoo ka soo shaqeysay idaacadda Rinse FM, ka hor intii aysan sannadkii 2018 helin fursad ay barnaamijyo ka soo jeediso BBC Radio 1.

Intaas kaddib, waxay soo bandhigtay barnaamijyo telefishin oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin Stand Up To Cancer ee Channel 4 iyo Don't Hate the Playaz ee ITV2, ka hor intii aysan sannadkii 2021 la wareegin soo-jeedinta barnaamijka Glow Up: Britain's Next Make-Up Star ee BBC Three.

Soo-jeediyaha ayaa dhowaan malaayiin qof ay daawadeen intii lagu jiray qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka Celebrity Traitors. Intii uu barnaamijku socday, waxay ka mid ahayd dadka loo doortay inay khiyaanooleyaal noqdaan, iyadoo ay wehelinayeen jilaaga Richard E Grant, YouTuber-ka King Kenny iyo majaajiliistaha James Acaster.

Mid ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa xilligaas sheegay in, inkastoo aysan ku guuleysan barnaamijka, ay haddana si uun guuleyste ugu soo baxday, maaddaama ay ku guuleysatay inay isu muujiso qof aan ku koobnayn soo-jeediyaha Love Island, balse ah xiddig telefishin oo karti badan, kana soo muuqan karta barnaamijyo kala duwan.

Ka qaybgalkeeda Celebrity Traitors ayaa yimid kaddib markii ay markii ugu horreysay jilitaan ka soo muuqatay taxanihii labaad ee riwaayadda The Gentlemen ee uu sameeyay Guy Ritchie, taas oo laga daawado Netflix. Waxay halkaas kula jishay Theo James iyo Kaya Scodelario.

Maya ayaa iyadoo 15 jir ah u tartantay doorka jilitaanka ee taxanihii caanka ahaa ee Skins ee Channel 4, kaas oo lagu duubayay magaaladeeda Bristol. Waxay gaartay heerkii ugu dambeeyay ee xulashada jilayaasha taxanahaas, kaas oo caan ka dhigay jilayaal ay ka mid yihiin Daniel Kaluuya iyo Dev Patel.

Waxay iyadoo 16 jir ah u guurtay magaalada London si ay u raadsato xirfad dhanka madadaalada iyo warbaahinta ah.

Waxay shaqadeeda soo-jeedinta ka bilowday barnaamij toddobaadle ah oo lagu soo bandhigi jiray heesaha iyo muuqaalladooda, kaas oo ay u sameyn jirtay shirkadda wax-soo-saarka ee JumpOff TV, ka hor intii aysan sannadkii 2014 ku biirin MTV, halkaas oo ay ka soo jeedin jirtay barnaamijka The Wrap Up.

Sannadkii 2017, Maya ayaa noqotay qofkii ugu da'da yaraa ee soo jeediya abaalmarinnada MOBO Awards, iyadoo ay wehelinayeen Marvin Humes.