Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Kim Jong Un: Muxuu warka geeridiisa u noqday mid aad loo xiiseeyo
- Author, Laura Bicker
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa caafimaadkiisu wanaagsan yahay, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda; taas oo ka duwan xaaladda dadka loo sheegay ee ah inuu inay la il daran yahay dhiig-bax maskaxda ah.
Sawir uu daabacay wargeyska dowladda ee Rodong Sinmun ayaa muujinaya hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo dhex socda goob lagu soo bandhigayo dharka iyo kabaha, isagoo ay weheliso gabadhiisa.
Sawirradu waxay soo baxayaan iyadoo muwaadin Shiinees ah oo ku nool Mareykanka uu sheegayo in Kim loo qaaday isbitaal ku yaal Beijing, halkaas oo uu ku jiray xaalad halis ah ka dibna uu dhintay.
Dadka sida fiican u yaqaan Kuuriyada Waqooyi, waxay sheegayaan wararka noocan oo kale ah ee aan aan xaqiiqda ku salaysnayn inay sii kordhayaan.
Laakiin bulsho ay inta badan arrimuhu u qarsoon yihiin, way adag tahay in la ogaado waxa runta ah, taas oo u ogolaanaysa xanta inay faafto.
Warkii ugu dambeeyay wuxuu ka yimid Wanjun Xie, oo isku magacaabay guddoomiyaha 'Xisbiga Dimuqraadiga Shiinaha', oo ah xisbi mamnuuc ka ah Shiinaha.
Xie wuxuu soo gudbiyay warar ay ku jiraan kuwo sheegaya in Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu dhintay.
Xie wuxuu kaloo sheegay in Kim uu dhiigbax maskaxda ah soo gaaray oo loo qaaday isbitaal ku yaal Beijing sababtoo ah Kuuriyada Waqooyi ma laha isbitaal daaweyn kara.
Wuxuu sheegay inuu dhintay meydkiisana si qarsoodi ah loogu wareejiyay Kuuriyada Waqooyi, maadaama nidaamkiisu uu wali qarinayo wararka geeridiisa.
Laakiin sawirku wuxuu leeyahay ama sheegayaa si kale. Ma jirto si loo ogaado waqtiga saxda ah ee la qaaday, waxaa jira arrimo kale oo keeni kara in qofku ka doodo taariikhda.
Waxaa jiri doona caddayn muujinaysa in Kim ay si lama filaan ah dhibaato caafimaad u soo food saartay oo uu ka gudbay xadka Kuuriyada Waqooyi.
Shiinuhu wuxuu adkeyn doonaa amniga xuduudihiisa si looga hortago qaxootiga inay soo galaan.
Xiisado ayaa dhici kara inay aloosmaan dhammaan safaaradaha Kuuriyada Waqooyi.
Qaxootiga Kuuriyada Koonfureed waxay inta badan ka helaan macluumaad xadka Shiinaha. Laakinse waxba kama dhicin weli.
Booliiska qarsoodiga ah ayaa u sheegay Yonhap inaysan maqlin wax arrintaas la mid ah.
Sannadkii 2020, nin u soo baxsaday Kuuriyada Waqooyi oo soo galay Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inuu 99 boqolkiiba hubo in Kim uu dhintay ka dib markii qalliin looga sameeyay xaalad wadne.
Kim ayaa ka soo muuqday meel fagaare ah, warar xan ah ayaa faafay.
Qoyska Kim ayaa saddex jiil xukumayay Kuuriyada Waqooyi.
Kim Il Sung wuxuu sannado badan ku qaatay diyaarinta wiilkiisa, Kim Jong Il, jagada madaxweynenimada. Markii Kim Il Sung uu dhintay 1994, qorshaha kala-guurka ayaa ahaa mid cad, laakinse Kim Jong 11 waxaa lagu reebay xaalad aan la hubin.
Sare u kaca Kim Jong Un wuxuu ahaa mid degdeg ah, laakiin ma aha mid aan lahayn cawaaqib xumo.
Ka dib markii Kim Jong Il uu ku dhacay istaroog (Faalig) sanadkii 2008, wiilkiisa ugu yar ayaa si lama filaan ah loogu dalacsiiyay booska ugu sarreeya.
Ka hor inta uusan aabihiis dhiman sanadkii 2011, waxaa horey loogu yaqaanay hoggaamiye mustaqbalka.
Iyadoo ay taasi jirto, Kim Jong Un wuxuu sii haystay awoodda isagoo tirtiraya cadawgiisa iyo kuwa la tartamaya.
Maanta, booliiska qarsoon ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in Kim Jong Un uu diyaarinayo gabadhiisa si ay u beddesho. Waxay ka soo muuqatay xaflad muusig iyo dhoolatus militari.
Laakiin waxaa la rumeysan yahay inay jirto 13 sano oo keliya. Haweeney weli ma xukumin Kuuriyada Waqooyi, magaceedana laguma dhawaaqin inay tahay beddelka aabaheed. Da'deeda oo yar waxay la macno tahay inay noqon karto bartilmaameedka loolanka awoodda.
Dhammaan arrimahan waxay tilmaamayaan sababta ay dad badan si dhow fiiro gaar ah ugu leeyihiin oo ay uga doodayaan caafimaadka Kim.
Sabab kale oo wararka xanta ah loo sheegay ayaa ahayd in Kim uu cayilnaa oo uu aad u cabi jiray sigaarka.
Sirdoonka Koonfur Kuuriya ayaa dhowr jeer ka digay in qaab nololeedkiisu uu sababi karo cudurrada wadnaha... isla markaana cudurkaas uu yahay mid qoyska Kim ku badan.
Haddii ay wax ku dhacaan Kim, waxay taasi dhibaatooyin u keeni doontaa waddamada deriska la ah Kuuriyada Waqooyi iyo beesha caalamka.
Qof kasta oo soo gala saaxadda siyaasadda iyo diblomaasiyadda ayaa is weydiin doona su'aalo ku saabsan cidda awoodda u leh inay maamusho hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo dowladda dalkaas.