Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maxaa xirashada dharka shirkadda looga soo saaray fatwo Islaami ah?
Hay'adda Daarul-Iftaa ee Liibiya, oo ah hay'adda ugu sarreysa arrimaha diinta ee dalkaas, ayaa soo saartay fatwo ay ku mamnuucday Muslimiinta inay iibsadaan, iibiyaan ama xirtaan dharka ay ku xardhan tahay astaanta shirkadda Nike.
Fatwada ay soo saartay hay'adda fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa lagu sheegay in magaca shirkadda Maraykanka ah ee soo saarta dharka ciyaaraha ee Nike laga soo dheegtay magaca "Nike", oo ah sanamka guusha ee khuraafaadka Giriigga. Sidoo kale, astaanta caanka ah ee shirkadda ee loo yaqaan "Swoosh" ayaa la sheegay in naqshaddeeda laga soo min-guuriyay baalasha sanamkan.
Fatwada ayaa lagu sheegay in xirashada dharka ay ku xardhan tahay astaanta Nike ay ka dhigan tahay faafinta astaamo ka tirsan waxa diinta Islaamku ku tilmaantay shirkiga, oo ah in cibaadada Alle cid kalae ala wadaajiyo.
Liibiya waxaa ku yaalla magaalada qadiimiga ah ee Giriigga ee Kurene (Cyrene), waxaana ka mid ah waxyaabaha qadiimiga ah ee halkaas laga helay taallo muujinaysa sanam magacan oo kale leh.
Daarul-Iftaa ayaa sidoo kale shirkadda Maraykanka ah ee Nike ku eedeysay inay taageerto Israa'iil, waxayna ku baaqday in la qaadaco dhammaan shirkadaha taageera Israa'iil.
Arrintan ayay hay'addu u cuskatay bayaan uu Golaha Cilmi-baarista iyo Daraasaadka Shareecada soo saaray 5-tii Nofeembar 2023, kaas oo xilligii dagaalka Qasa shacabka loogu baaqay inay qaadacaan shirkadaha reer Galbeedka ee taageera Israa'iil.
Daarul-Iftaa-da Tripoli waa hay'ad diimeed saameyn ku leh galbeedka Liibiya, fatwadan ayaana la soo saaray iyadoo uu ansixiyay Saadiq Al-Gharyaani, oo ah Muftiga guud ee Liibiya.
BBC ayaa shirkadda Nike la xiriirtay si ay wax uga weydiiso mowqifkeeda ku aaddan arrintan.
Liibiya ayaa wajahaysay xasillooni-darro tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii Mucamar Al-Qaddaafi, oo dalka muddo dheer xukumayay, sanadkii 2011. Taas awgeed, waxaa bariga iyo galbeedka dalka ka hanaqaaday maamulo iyo hay'ado kala duwan oo kala madax-bannaan.
Inkasta oo fatwooyinka Daarul-Iftaa ay saameyn weyn ku leeyihiin bulshada, haddana qasab ma aha inay noqdaan amarro dowladeed, mana jiro waajib sharci ah oo dhigaya in la fuliyo.
Sanadkii hore, hay'addan ayaa sidoo kale soo saartay fatwo ka dhan ah isticmaalka saacadaha iyo dahabka ay ku xardhan tahay astaanta shirkadda raaxada ee Faransiiska ah ee Van Cleef & Arpels.
Waqtigaas, Daarul-Iftaa ayaa sheegtay in naqshadda ubaxa afar caleemood leh ee shirkadda ay xiriir la leedahay caqiiddooyinka Masiixiyadda iyo fikradda nasiibka wanaagsan, sida ay hay'addu sheegtayna aysan waafaqsanayn diinta Islaamka.
Fatwada cusub laguma shaacin wax mamnuucid rasmi ah oo dowladda Liibiya ay ku soo rogtay badeecooyinka Nike, sidoo kalena lama sheegin wax ciqaab ah oo ay mutaysan karaan dadka weli iibsada ama isticmaala badeecooyinka shirkadda.
Go'aankan ayaa baraha bulshada ka dhaliyay falcelinno kala duwan.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa soo dhoweeyay fatwada, halka kuwo kale ay su'aal geliyeen muhiimaddeeda, iyagoo ku tilmaamay mid is-khilaafsan ama isku day lagu doonayo in dareenka bulshada looga weeciyo arrimo ka muhiimsan.
Fatwadan ayaa soo baxday xilli Liibiya ay ka socoto dood ku saabsan kororka aragtiyaha diimeed ee muxaafidka ah ee nolosha guud ee bulshada.
Sanadkii 2025, mas'uuliyiinta bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqay inay xayiraado ku soo rogi doonaan muusigga raabka, tiyaatarrada iyo bandhigyada qoob-ka-ciyaarka.
Waxay sheegeen in qaar ka mid ah heesaha iyo bandhigyadaasi ay ka hor imaanayaan anshaxa guud iyo qiyamka Islaamka.
Dabadeed, tallaabooyinkan ayaa sidoo kale ku fiday galbeedka Liibiya.
Daarul-Iftaa ayaa horay u soo saartay fatwooyin ka dhan ah muusigga, hase yeeshee ma jiro caddeyn cad oo muujinaysa in hay'addu ay si toos ah uga qayb qaadatay hirgelinta xayiraadaha lagu soo rogay bandhigyada.
Inkasta oo shirkadda Nike aysan Liibiya ku lahayn dukaan rasmi ah, haddana badeecooyinkeeda waxaa laga heli karaa dukaamada maxalliga ah ee iibiya dharka iyo agabka ciyaaraha.
Noocyada dharka ciyaaraha sida Nike iyo Adidas ayaa caan ka ah dalalka Waqooyiga Afrika.
Liibiya, sida dalalka kale ee gobolka, suuqyada maxalliga ah waxaa sidoo kale lagu iibiyaa badeecooyin been-abuur ah oo lagu sameeyay astaamaha shirkadaha caanka ah ee dharka ciyaaraha.