Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Aadan Cabdulle, Xasan Sheekh iyo dadka kale ee caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan
Hiiraan, waa gobol leh taariikh fac weyn oo qarniyo ku siman, gobol leh khayraad beereed ballaaran iyo sidoo kale gobol lagu tilmaamo inuu leeyahay dekad qalallan.
Sida qiyaasaha qaar muujinayaaan Hiiraan, waa gobol wax soo saarka beeruhu yihiin mid ka mida kuwa ugu sarreeya Soomaaliya maadaama uu maro webiga Shabeelle oo deegaanno badan ka biyo mariya gobolkaas.
Gobolka Hiiraan, waxa uu ka mid yahay siddeedii gobol ee ay ku asaasantay jamhuuriyadii kowaad ee Soomaaliya.
Sidaas oo kale gobolka waxaa lagu sheegaa inuu yahay mid ay ku yaallaan magaalooyin iyaga qudhoodu leh magacyo iyo taariikh guun ah.
Juquraafi ahaan halka uu dhaco Hiiraan, wuxuu xad la leeyahay gobollada Shabeellada Dhexe, Bakool iyo Galgaduud isagoo sidoo kale xaduud la leh dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Taariikhdaas il-baxnimada leh ee uu leeyahay gobolku ayaa sal u noqotay inay ka yimaadaan dad caan ka noqday Soomaalidada dhexdheeda gaar ahaan dhaqanka, siyaasadda iyo diinta.
Siyaasiinta iyo dadka kale ee caanka ah
Sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahan Prof. Maxamed Xaaji Ingiriis, Hiiraan waxa ka yimid siyaasiyiin gun- dhig u noqday asaaska jamhuuriyaddii kowaad ee Soomaaliya.
Dadka ka tilmaaman taariikhda ee Hiiraan ka yimid, waxaa ka mid ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelato Aadan Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde) oo sanadkii 1960-kii kowdii luuliyo noqday madaxweynaha labadii gobol ee midoobay ee Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.
Aden Cabdulle Cismaan, waxaa ku dhashay magaalada Baladweyn sanadkii 1908-kii.
Sheekh Cali Jimcaale, wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa wasiirkii ugu horreeyay ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada xilligii maxmiyadda, sidoo kalena xilkaas ayuu hayay markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay oo ay noqotay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sheekh Jimcaale, waxaa uu sanadkii 1905-tii ku dhashay meel u dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Laga bilaabo May 1956 ilaa 1959, waxa uu soo noqday Wasiirka Arrimaha Bulshada. Sidoo sanadkii 1959 ilaa 1960, waxa uu ahaa Wasiirka Caafimaadka, Shaqada iyo Adeegga Xannaanada Xoolaha.
Sanadkii 1960 ilaa1961, waxa uu mar kale noqday wasiirka Caafimaadka, Shaqada iyo Adeegyada Xannaanada Xoolaha.
Sannadkii 1961-kii, Sheekh Cali Jimcaale , waxa uu kaalinta labaad ka galay doorashadii ugu horreysay ee madaxtinimo ee taariikhda Soomaaliya, isaga oo hal cod uu kaga helay madaxweynihii xilka hayay ee Aadan Cabdulle Cismaan.
Siyaasiyiinta caanka ka ahaa dowladdii rayidka ee lixdameyadii ee ka soo jeeda Hiiraan waxa ka mid ahaa Cabdirixmaan Xaaji Muumin, wasiirkii gaashaandhiga ee xukuumadii Raysal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Sidaas oo kale Maxamed Saalax Ladane, oo soo noqday xildhibaan iyo xubin firfircoon oo ka mid ahaa xisbigii SYL.
Waxaa jiray sidoo kale saraakiil magac kulahaa ciidamadii Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen General Maxamed Faarax Caydiid, Major General Cumar Xaji Maxamed Masalle, Cornel, Xasan Gamuur, Kornel Caddow sida uu BBC-da u sheegay Dr. Saadiq Eenow oo taariikhda Soomaalida darsa.
Hiiraan, waxaa sidoo kale lagu tilmamaa mid ka mid ah gobolada Soomaaliya ee saldanada dhaqanku ahayd mid xooggan oo jiilal badan iska dhaxleen.
Maadaamada Baladweyn, ay ahayd mid ka mid ah xarumihii ururkii gobanimadoonka ee SYL, dad badan ayey u noqotay meel ay ka soo galaan siyaasadda Soomaaliya sida uu xusay Dr Eeenow.
Sidaas oo kale sida uu BBC-da u sheegay Prof Maxamed Cumar Dalxa, Hiiran waa gobol dhinackasta oo taariikhda Soomalida door weyn oo muuqda ku leh.
Culimada diinta oo kuwa badan ay loox jiidadkoodii kowaad ka bilaabeen Hiiraan, waxaa ugu caansan Sheekh Maxamed Macallin oo caalim diinta Islaamka , caana ku ahaa tafsiirka quraanka kariimka ah.
Siyaasiyiinta Jiilkii dhexe ee ka yimid Hiiran
Marka laga hadlayo siyaasadda jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, weli Hiiraan waxay keenada u haysaa dadka magaca ku leh siyaasadda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka haya muddo xileed labaad oo noqday madaxweynaha dalka sanadihii 2012 ilaa 2017-kii iyo mar kale 2022-kii ila hadda ayaa ugu caansan dadka ka yimid Hiiraan.
Waxaa ka mid ahaa dadka Hiiraan si gaar ah Beledweyne ka soo jeeday Kornel, Cumar Xaashi Aaden, oo xildhibaaan ka soo noqday Baarlamaankii dowladdii Kacaanka isla markaana xiiligii dowladii kumeel gaarka ahayd ka soo noqday wasiirka amniga, waxaana ugu dambeyn lagu dilay qarax lagula eegtay isla Beledweyne.
Jiilalka dambe ee ilaa hadda ku jira siyaasadda caana ka ah waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo horreyna xil wasiir uga soo qbatay dowladdii kumeelgaarka ahayd. iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ah wasiirka waxbarashada dalka horreyna xilal kale oo kala duwan u soo qabtay.
Sidaas oo kale jiilalka dambe ee siyaasadda si weyn loogu bartay ee Hiiran ka yimid, waxaa ka mid ah Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo taliye Nabad Sugid, Danjire iyo wasiir-ba ka soo noqday dowladda Jamhuuriyadda saddexaad ee dalka.
Inkasta oo Hiiraan ay ilaa lixdameeyadii ku suntan tahay gobol ay ka yimaadeen dad dhinac walba taariikhda siyaasadda dalka raad kaga leh, haddana dadka wax fallanqeeya waxay tilmaamayaan in Hiiraan waxa maanta ka taagan aanayn mudnayn.
Waxay sidoo kale muujinayaan inay tahay in dadka Hiiraan ku dib u eegaan ilbaxnimdaas faca wayn oo xal u helida xaaladda lagu saleeyo aqoon, dhaqan iyo fahan siyaasadeed.
Ka sokow in gobolka Hiiraan leeyahay taariikh ilbaxnimo oo fac weyn, hadda waxaa xusid mudan in qormadan aanan ku soo wada koobin dadka magaca leh ee ka yimid gobolka Hiiraan.