Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Siyaasiyiinta da'da yar ee asal ahaan Afrikaan ah ee taariikhda ka dhigay doorashadii dhexe ee Mareykanka iyo kaalinta Soomaalida
Waxay ahayd salaam aan la filayn in laga maqlo isu-soo-bax ay taageerayaasha Xisbiga Dimuqraadiga ku dabaaldegayeen guusha doorashadii dhexe ee Mareykanka.
Abdul El-Sayed, oo 42 jir ah, waalidiintiisa-na ay ka soo jeedaan dalka Masar una soo haajiray Mareykanka, ayaa si kaftan ah ula hadlay Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance.
Vance ayaa intii lagu jiray ololaha doorashada ka hor yimid El-Sayed, balse hadda isaga ayaa bisha january dhaarin doona si uu u noqdo senator-ka cusub ee gobolka Michigan.
Siyaasigan Dimuqraadiga ah ee ku dhashay Mareykanka ayaa inta badan ololihiisa ku qaatay inuu iska difaaco weerarro uga imaanayay warbaahinta muxaafidka ah iyo Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ku eedeeyay inuu taageero Ururka Ikhwaanul Muslimiinka. El-Sayed ayaa eedeymahaas beeniyay.
"Magacaygu waa Abdul Rahman Mohammed El-Sayed," ayuu ku yiri lahjad Carabi Masri ah, isaga oo la hadlayay dadweyne faraxsan oo ka qaybgalayay isu-soo-baxii guushiisa.
Magaciisa Carabiga ah ee Muslimka ah ayaa bartilmaameed u ahaa weerarro uga imaanayay qaar badan oo ka mid ah dadka ka soo horjeeday. Waxaa la filayaa inuu noqdo senatarkii ugu horreeyay ee Muslim ah.
El-Sayed ayaa olole doorasho oo baraha bulshada mudnaanta siinayay, gaar ahaan TikTok, ku kasbaday taageerada dhalinyarada. Muuqaalladiisa ayaa muujinayay isaga oo si toos ah ula hadlaya codbixiyeyaasha da'da yar, adeegsanaya kaftanka jiilka Gen Z, isla markaana xiran jijimooyin saaxiibtinimo.
Ololaha siyaasigan hore uga soo shaqeeyay maamulka caafimaadka dadweynaha ayaa ku salaysnaa ajande horumarineed oo ay ka mid ahaayeen in dhammaan dadka Mareykanka helaan caymis caafimaad oo ay dowladdu bixiso, guryo la awoodi karo iyo xaddididda saameynta shirkadaha waaweyn ku leeyihiin siyaasadda.
Waxa kale oo uu si cad u dhaliili jiray taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Israel.
Hase yeeshee, El-Sayed ma ahayn siyaasiga keliya ee guuleystay. Siyaasiyiin kale oo asal ahaan Afrikaan ah, oo ay ku jiraan haweeney dhalinyaro ah oo ku dhalatay Itoobiya kana tirsan jiilka Gen Z, iyo musharraxiin asal ahaan ka soo jeeda Nigeria, ayaa iyaguna ku guuleystay doorashadii dhexe ee sannadkan.
Doorashooyinkan oo la qabto bartamaha muddada afarta sano ah ee madaxweynaha, ayaa lagu go'aamiyaa cidda shacabka Mareykanka ku metelaysa Kongareeska, iyo sidoo kale kumannaan xilal oo ka tirsan maamullada gobollada iyo kuwa deegaannada.
Dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku nool Mareykanka ayaa gaaray guul kale oo taariikhi ah, kaddib markii 10 musharrax oo Soomaali-Ameerikaan ah ay ku guuleysteen kuraas kala duwan doorashooyinkii Mareykanka.
Dadka dib ugu soo laabanaya Kongareeska waxaa ka mid ah Ilhan Omar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, 44 jir ah, taas oo ku guuleysatay muddo-xileedkeedii shanaad, inkasta oo ay weli socoto baaritaan federaal ah oo lagu hayo.
Bishii Oktoobar, saraakiil ka tirsan hay'adaha federaalka ayaa baaray gurigeeda ku yaalla Washington, taas oo qayb ka ahayd baaritaan la xiriira dukumentiyadeeda socdaalka. Omar ayaa beenisay inay wax khalad ah samaysay, mana jiraan wax dembi ah oo lagu soo oogay.
Markii ugu horreysay ee loo doortay Kongareeska waxay ahayd 2018-kii. Waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah iyo mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee ka mid noqda aqalkaas.
Waxay sidoo kale marar badan bartilmaameed u noqotay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo si joogto ah u dhaliilay iyada iyo muhaajiriinta kale ee Soomaaliyeed.
Trump ayaa horay u adeegsaday hadallo meel ka dhac ah oo uu ku tilmaamay qaar ka mid ah dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto. Bishii Oktoobar, la-taliyihiisa Amer Ghalib oo ku dhashay Yemen ayaa sheegay in madaxweynuhu ka fogaan doono adeegsiga hadallada noocaas ah.
Siyaasiyiin kale ayaa iyaguna guulo ka gaaray siyaasadda heer gobol iyo heer deegaan ee Soomaalida ah waxaa ka mid ah
- Omar Fateh – Dib ayaa loogu doortay Aqalka Senate-ka gobolka Minnesota
- Zaynab Mohamed – Dib ayaa loogu doortay Aqalka Senate-ka Minnesota.
- Mohamud Noor – Dib ayaa loogu doortay Aqalka Wakiillada gobolka Minnesota.
- Samakab Hussein – Dib ayaa loogu doortay Aqalka Wakiillada Minnesota.
- Abdi Daisane – Markii ugu horreysay ayuu ku guuleystay kursi Aqalka Wakiillada Minnesota.
- Kayse Jama – Dib ayaa loogu doortay Aqalka Senate-ka gobolka Oregon.
- Munira Abdullahi – Waxay ku guuleysatay kursi Aqalka Wakiillada gobolka Ohio.
- Ismail Mohamed – Wuxuu ku guuleystay kursi Aqalka Wakiillada gobolka Ohio.
- Anquam Mahamoud – Dib ayaa loogu doortay Aqalka Wakiillada gobolka Minnesota.
Waxaa sidoo kale jira dhalinyaro badan oo ka soo jeeda qaaradda afrika oo kuraas muhiim ah ku guuleystay.
Junior Ezeonu wuxuu ku dhashay Nigeria, wuxuuna Mareykanka yimid isaga oo ilmo yar ah. Markii uu 27 jir ahaa, wuxuu noqday xubintii ugu da'da yareyd ee golaha deegaanka magaalada Grand Prairie, ka hor inta uusan ku guuleysan kursi ka tirsan Aqalka Wakiillada gobolka Texas.
Waxaa sidoo kale jira Carol Kazeem, oo 34 jir ah, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Pennsylvania, kana soo jeedda qoys asal ahaan Nigerian ah. Waxay difaacatay kursigeeda degmada 159-aad. Ugu yaraan afar musharrax oo asal ahaan ka soo jeeda Nigeria ayaa ku guuleystay doorashadii dhexe ee 3-dii Nofeembar.
Melat Kiros oo 29 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka tirsan jiilka dhalainyarada ee Gen Z ee loo doorto Kongareeska Mareykanka.
Waxay ku dhalatay Itoobiya, iyadoo dalka Mareykanka timid iyada oo ilmo yar ah, kuna kortay magaalada Denver. Hore uguma aysan soo qaban xil doorasho lagu helo, balse waxay markii hore doorashadii hordhaca ahayd ee Xisbiga Dimuqraadiga kaga adkaatay xildhibaan muddo 15 jeer xilkaas loo doortay, kana tirsanaa degmada koowaad ee gobolka Colorado. Kadibna waxay guul ballaaran ka gaartay doorashadii Talaadadii.
Kiros, sida El-Sayed, waxay ololaheeda ku salaysay arrimo muhiim u ah codbixiyeyaasha da'da yar ee taageera siyaasadaha horumarka, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaaliyoobidda nolosha, daryeelka carruurta oo qof walba heli karo iyo caymis caafimaad oo ay dowladdu bixiso.
Iyadoo taageero ka heshay ururka Socialist-ka Dimuqraadiga ee Mareykanka, waxay sidoo kale ku baaqday in la baabi'iyo hay'adda socdaalka ee ICE, isla markaana la joojiyo taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Israel.
Dhaleeceynteeda xooggan ee dagaalka Israel ka waddo Gaza ayaa dhalisay muran.
Kiros waxay sheegtay in dhaleeceynteedu ku wajahan tahay dowladda Israel, ee aysan ahayn dadka Yuhuudda ah.
Sannadkii 2023-kii, waxaa shaqada laga eryay shirkad sharci oo weyn oo ku taalla New York, kaddib markii ay diidday inay ka noqoto warqad furan oo ay u dirtay toboneeyo shirkado dhanka sharciga ah.
Shirkadahaasi waxay hormuudka jaamacadaha sharciga ka dalbadeen inay tallaabo adag ka qaadaan naceybka Yuhuudda ee xarumaha waxbarashada, xilli ardaydu ay dhigayeen dibadbaxyo ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta.
Kiros ayaa cambaareysay naceybka Yuhuudda, balse waxay shirkadaha sharciga, oo ay ku jirtay tii ay iyadu ka shaqaynaysay, uga digtay inaysan isku khaldin "naceybka noocaas ah iyo su'aasha siyaasadeed ee la xiriirta sharciyadda jiritaanka Israel".
Waxay sheegtay in markii shaqada laga eryay kaddib ay bilowday inay si dhab ah uga fikirto siyaasadda guud ahaan.
Dhanka kale, Adrian Boafo oo ah jiilkii labaad ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Ghana ee ku nool Mareykanka, ayaa matali doona degmada shanaad ee gobolka Maryland ee Kongareeska. Wuxuu xilka kala wareegayaa xildhibaan khibrad dheer lahaa, Steny Hoyer, kaas oo hawlgab noqday kaddib in ka badan 40 sano oo uu ku jiray siyaasadda.
Boafo oo 32 jir ah ayaa ku dhashay gobolka Virginia, kuna koray degmada Prince George's ee Maryland. Waalidiintiisa ayaa Ghana uga soo haajiray Mareykanka.
Waddadii uu Boafo ku gaaray Kongareeska waxay ka bilaabatay siyaasadda heer deegaan. Wuxuu ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada Bowie, ka hor inta aan 2023 loo dooran xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Maryland. Waxa kale oo uu hore ula soo shaqeeyay Hoyer, ka hor inta uusan ku guuleysan tartankii uu ku doonayay inuu xilkiisa kula wareego.
Ololihiisa doorashada wuxuu diiradda saaray maciishada iyo nolosha qaaliga ah, daryeelka carruurta iyo ilaalinta shaqaalaha dowladda federaalka.
Arrintan ayaa ah mid muhiim u ah degmada oo ku dhow magaalada Washington DC, isla markaana ay ku nool yihiin kumannaan shaqaale dowladeed.
Qoraal uu soo saaray kaddib guushiisa, Boafo wuxuu sheegay in matalaadda dadka uu u adeegayo "aysan waligeed u noqon mid ka degdeg badan sida ay hadda tahay". Wuxuu tilmaamay shaqo ka joojinta shaqaalaha dowladda federaalka, sare u kaca qiimaha nolosha iyo tallaabooyinka adag ee maamulka Trump ka qaaday socdaalka.