Awood ma u leeyihiin ciidanka Soomaaliya inay la wareegaan goobaha ay ka baxayaan ciidamada Uganda?

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Milatariga Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qorshaha ka bixitaanka ciidamada Uganda ee magaalooyinka qaar ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo sheegay in ciidanka qaranka uu si buuxda ula wareegi doono amniga goobaha ay banneeyaan ciidamada Uganda.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Milatariga Soomaaliya Janaraal Sahal Cabdillaahi Cumar (Khaalid) oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in la geeyay magaalada dekadda leh Baraawe ciidankii baddali lahaa kuwa Uganda ee mudda dheer halkaasi joogay.

"Ciidamada Uganda ee UPDF iyo dalka Uganda waa dal runtii muddo dheer in badan garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda kalana shaqeynayay la dagaallana nimankaas Khawaarijta ah iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed. Saad ogtahayna, AUSSOM mandate-kooda mar walba waxaa ku jiray in ciidamada la dhimo waqtiba waqtiga ka dambeeya marka howshan wax cusub ma aha. Sanadihii lasoo dhaafay waxaa jiray meelo badan oo ay ka baxeen ciidamada AUSSOM, meelihi ay ka baxeen waxaa la wareegay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ka bixitaankan uusan ahayn mid weyn oo ciidanka UPDF dhan ay ka baxayaan, balse ay yihiin goobo gaar ah oo ay ka baxayaan kuwaas oo ciidanka Soomaaliya ay la wareegi doonaan.

Goobahaas ayuu ku sheegay in inta la isla ogyahay ay yihiin magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qaab howlgal ah ay uga baxayaan oo meelo kale oo ka mid ah ay tegi doonaan.

"Magaalada horeba ciidanka Soomaaliya ayaa joogay Baraawe, haddana iyagaa la wareegi doona oo si buuxda u sugi doona ammaankeeda," ayuu intaa raaciyay.

Taliyaha ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidanka Uganda ee dalka aysan ahayn mid kedis ku ah Soomaaliya oo walaac ku heysa, isla markaana ay muddooyinkii dambe Soomaaliya u diyaar garoobeysay beddelka ciidankaas iyo kala wareegidda meelaha ay ka baxaan.

Tan iyo markii ay soo baxday arrinta ka bixitaanka ciidanka Uganda ee Soomaaliya, waxaa baraha bulshada la isla dhex marayay in haddii ciidamada nabad-ilaalinta ay ka baxaan Soomaaliya, ay taasi wax u dhimi karto amniga Soomaaliya, oo ay Soomaaliya ka dhici karto wixii ka dhacay Afghanistan, oo ay qabsadeen Taliban. Balse taliyaha ayaa sheegay in taasi aysan waxba ka jirin.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sidoo kale caddeeyay in ciidamada Uganda aysan ka wada bixin Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay inay muhiim tahay in si cad loo kala saaro ciidamada laba geesoodka ah ee Uganda iyo cutubka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo hoos yimaada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

"Ciidamada hadda dib loo kala wareejinayo inta badan waa ciidamada laba geesoodka ah ee ku shaqaynaya heshiisyo gaar ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda. Si kastaba ha ahaatee, cutubka ciidamada Uganda ee ka tirsan AUSSOM weli wuxuu ku sugan yahay Soomaaliya wuxuuna sii wadaa gudashada waajibaadkiisa isaga oo garab la shaqaynaya ciidamada kale ee waddamada saaxiibka ah ee howlgalka ku deeqay iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Sidaa darteed, dib-u-dejinta ama dib-u-wareejinta ciidamada laba geesoodka ah waa inaan loo fahmin inay tahay ka bixitaan buuxa oo ciidamada militariga Uganda ay uga baxayaan Soomaaliya," ayuu ku yiri qoraalka.

Danjiraha ayaa shalay ka qyeb galay kulan saddex geesood ah oo ay ka qaybgaleen AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

"Intii kulanku socday, waxaan dib u xaqiijinay sida ay nooga go'an tahay in la xoojiyo hannaan-wadaagagga saddex geesoodka ah, si uu u noqdo madal kor loogu qaado iskaashiga, qorshaynta istaraatiijiga ah, iyo bixinta taageero saadka oo waxtar leh oo la gaarsiiyo AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed." Ayuu yiri.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Talaadadii kulamo taxane ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Qaranka Soomaaliya, saraakiisha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), odayaasha dhaqanka, maamullada degmooyinka iyo wakiillada bulshooyinka maxalliga ah ee Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.

Kulamada ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga ee Baraawe iyo deegaannada deriska la ah, qiimeynta amniga, xoojinta iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha khuseeya iyo dardargelinta dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale helay warbixinno ku saabsan hawlgallada amniga ee socda wuxuuna faray saraakiisha iyo ciidamada inay gutaan waajibaadkooda qaran oo ay diyaar u ahaadaan inay ka hortagaan oo ay meesha ka saaraan xagjiriinta Al-Shabaab, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loona ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.

Uganda ayaa dhowaan bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay dalkaas ku lahayd faragelin militari.

Afhayeenka ku-meelgaarka ah ee ciidamada Uganda, Chris Magezi, ayaa Isniintii sheegay in kooxdii ugu horreysay ee ciidamada ee Soomaaliya ku joogtay heshiis laba geesood ah ay horay ugu laabteen dalkooda, halka ciidamo kale ay maalmaha soo socda daba socon doonaan.

Waxa uu sheegay in dhammaan ciidamada Uganda, oo ay ku jiraan kuwa hoos yimaadda howlgalka Midowga Afrika (AU), ay Soomaaliya ka bixi doonaan dhammaadka sannadka 2027, iyadoo bixitaankoodu uu u dhici doono wejiyo kala duwan.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Howlgalkaas ayaa la aasaasay sannadkii 2007 si uu uga caawiyo ilaalinta dowladdii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya, kana difaaco weerarrada ay soo qaadayeen al-Shabaab.

Kooxdii ugu horreysay oo ka koobnayd 109 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa la sheegay inay Jimcihii ka baxeen magaalada Muqdisho, kaddib markii uu arrintaas ku dhawaaqay taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.

Toddobaadkii hore, Kainerugaba ayaa sheegay in Uganda ay billowday ciidamadeeda kala bixitaankooda, isla markaana ay mas'uuliyadda amniga ku wareejin doonto ciidamada Soomaaliya.

"Sida aan ballanqaadnay, waxaan bilownay inaan ciidamadeenna UPDF kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig badan uu daatay iyo naf-hurnimo, waxaan mas'uuliyadda amniga ku wareejineynaa walaalaheen Soomaaliyeed," ayuu ku qoray bartiisa X.

Magezi ayaa Isniintii sheegay in tallaabadani ay soo afjari doonto howlgalladii Uganda ee dalka ku yaalla Geeska Afrika, isaga oo intaas ku daray in Soomaaliya laga filayo inay "si buuxda ula wareegto mas'uuliyadda amniga".

Ciidamada Uganda oo la saarayo Soomaaliya ayaa imaanaya kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu toddobaadkii hore magaalada Kampala kula kulmay dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, iyo sidoo kale xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee labada dal.

Waxaa la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu isku dayay inuu Uganda ku qanciyo inay muddo kordhin u sameyso joogitaankeeda militari ee dalka.

Intii uu booqashada ku joogay Uganda, Museveni ayaa hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Waxaa lagu qiyaasayaa in ku dhowaad 4,500 oo askari ay Soomaaliya ku sugan yihiin iyaga oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika, halka ku dhowaad 2,000 oo askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah.

Soomaaliya ayaa in ka badan labaatan sano la dagaallameysay kacdoon hubeysan oo daba-dheeraaday, kaas oo sababay dhimasho iyo burbur badan.

Tan iyo markii ciidamadii Uganda markii ugu horreysay la geeyay Soomaaliya sannadkii 2007, waxay door muhiim ah ka qaateen sidii al-Shabaab looga saari lahaa Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waaweyn.

Waxay garab dagaallameen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo gacan ka geystay dib u qabsashada dhulal istaraatiiji ah iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Ciidamada Uganda ayaa qayb ka ahaa howlgallo kala duwan oo Midowga Afrika uu Soomaaliya ka fuliyay, kuwaas oo uu ku jiray Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Howlgalkaas ayaa la bilaabay iyada oo ujeeddadu ahayd in si tartiib-tartiib ah mas'uuliyadda amniga loogu wareejiyo Soomaaliya.

ATMIS waxaa sannadkii 2025 lagu beddelay Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda saaraya xoojinta hay'adaha amniga Soomaaliya iyo u diyaargarowga ciidamada dalka si ay si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadda amniga.

Mustaqbalka maalgelinta AUSSOM ayaa hadda mugdi ku jira, iyadoo ay jiraan qorshayaal lagu soo afjarayo taageerada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Qorshe 12 bilood ah oo ku-meelgaar ah ayaa la filayaa inuu billaabmo bisha Janaayo, kaas oo Soomaaliya iyo Midowga Afrika siinaya waqti ay ku raadsadaan ilo kale oo dhaqaale.