Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Guddoomiyaha u magacaaban gobolka Hiiraan oo BBC-da u sheegay sida ay u arkaan amarka la siiyay ee ah inay Baladweyne isaga baxan
Xiisad ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dib markii saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka deegaanka ee Jimcihii qabsaday xarumaha maamulka gobolka ay ku amreen xubanaha Hirshabeelle ka jooga inay gobolka ugu baxaan muddo 24 saacadood ah.
Saraakiishan oo saaka xarunta gobolka kula hadlayay boqollaal miliishiyo ah oo ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawisleyda ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan gobolka lagu arki karin cid sheeganaysa inay ka tirsan tahay Hirshabeelle.
Haddaba xubnaha jooga gobolka ee kamidka ah kuwa loo sheegay inay isaga baxaan Beledweyne waxa kamid ah gudoomiyaha hadda ugu magacaaban Hirshabeelle gobolka Hiiraan Muuse Salaad, weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayuu uga waramay xaaladda gobolka iyo sida ay u arkaan go'aanka loogu baaqay inay isaga baxaan Beledweyne.