Trump oo lagu amray inuu su'aalo dhaar la socoto kaga jawaabo dacwadda BBC-da

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Garsoore Mareykan ah ayaa Madaxweyne Donald Trump ku amray inuu ugu dambayn 11-ka Diseembar ka jawaabo su'aalo dhaar la socoto oo la xiriira dacwadda sumcad-dilka ee uu ka gudbiyay BBC-da.

Trump ayaa BBC-da ku dacweeyay barnaamijka Panorama, kaas oo isku daray laba qaybood oo kala duwan oo ka mid ahaa khudbad uu jeediyay ka hor rabshadihii ka dhacay xarunta Kongareeska Mareykanka sannadkii 2021.

Charles Tobin, oo ah qareen matalaya BBC-da, ayaa maxkamadda ka sheegay in iyadoo ay laba bilood ka harsantahay muddada xog-ururinta dacwadda, haddana aan weli la helin fursad Trump su'aalo lagu weydiiyo.

Trump ayaa baajiyay wareysi maxkamadeed oo loo qorsheeyay 16-kii Oktoobar, isaga oo sabab uga dhigay "arrimo muhiim u ah qaranka", xilli uu olole ka waday gobolka Georgia.

Sharciga Mareykanka, wareysiga noocan ah waa su'aalo-jawaab dhaar lagu marayo oo ka dhaca bannaanka maxkamadda, lana duubo si loogu adeegsado dacwadaha dambe.

Garsooraha qaabilsan kiiska, Enjoliqué Lett, ayaa sheegay in Trump ay waajib ku tahay inuu ka qayb galo wareysigaas ugu dambayn 11-ka Diseembar, haddii aan muddada xog-ururinta dacwadda la kordhin.

Toddobaadkii hore, qareennada BBC-da ayaa garsooraha ka codsaday inuu ku amro Trump inuu su'aalaha ka jawaabo, kadib markii kulankii hore loo qorsheeyay uusan qabsoomin.

Maalintaas, Trump wuxuu ka qayb galay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Dalton, gobolka Georgia, iyo munaasabad lacag loogu ururinayay ololaha oo lagu qabtay gurigiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida.

Dukumenti kale oo maxkamadda loo gudbiyay Arbacadii, qareennada Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu diyaar u yahay in su'aalaha la weydiiyo inta u dhexeysa 11-ka iyo 22-ka Janaayo ee sannadka soo socda. Waxay sidoo kale ku doodeen in BBC-du ay ku khaldan tahay sheegashada ah in Trump uu ka fogaanayo su'aalaha dacwaddan la xiriira.

Dacwadda Trump, oo laga gudbiyay gobolka Florida, ayaa BBC-da ku eedeyneysa inay si ula kac ah, xaasidnimo leh oo marin-habaabin ah wax uga beddeshay khudbad uu ka jeediyay bannaanka xarunta Kongareeska Mareykanka 6-dii Janaayo 2021.

BBC-du waxay raalli-gelin ka bixisay khaladka, waxayna sheegtay in barnaamijku bixiyay "aragti khaldan oo ah in Madaxweyne Trump uu si toos ah ugu baaqay falal rabshado wata".

Warbaahintu waxay tan iyo markaas maxkamadda ka codsatay inay dacwadda laasho, iyadoo ku doodaysa in barnaamijku aanu buuxin shuruudaha sharciga ee dacwadaha sumcad-dilka, isla markaana aan laga daawan karin gudaha Mareykanka.

Bishii Luulyo, qareennada Trump waxay qireen inaysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in dukumentariga laga heli karay gudaha Mareykanka adeegga lacagta lagu daawado ee BritBox, sida ay markii hore ku andacoonayeen, ama mareegta BBC-da, BBC Select ama shabakadaha telefishinnada Mareykanka.

Ugu dambayn, Trump wuxuu oggolaaday inuu ka laabto dacwadda ka dhanka ahayd BBC Studios, oo ah qaybta ganacsi ee BBC-da, kadib markii BBC-du ku doodday in shirkaddu aysan wax door ah ku lahayn samaynta ama soo saarista dukumentariga.

Wareysiyada noocan ah badanaa waxaa lagu qabtaa xafiiska qareenka halkii lagu qaban lahaa maxkamadda, iyadoo uusan garsooruhu goobta joogin.

Si kastaba ha ahaatee, wareysiyadani waxay leeyihiin miisaan sharci, waxaana lagu maraa dhaar. Jawaabaha waxaa eray-eray u diiwaangeliya qoraa maxkamadeed, qoraalladaasna waxaa mar dambe loo adeegsan karaa caddeyn inta dacwaddu socoto.