Kareena Kapoor oo lagu dheggan yahay kadib markii ay xiratay katiinad ay ku qoran tahay aayad Qur'aanka Kariimka ah

Kareena
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Diyaar-garowga dabaaldegga Diwali-ga ee ka midka ah ciidaha Hindida, atariishada Bollywood-ka Kareena Kapoor Khan marnaba ma aysan filayn in silsilad qoorta u suran ay gelin karto muran sharci ah.

Kareena ayaa munaasabaddaas xiratay silsilad ay ku xardhanayd dhagax safayr ah oo cabbirkiisu yahay 30 karat. Silsiladda waxaa sidoo kale ku xardhanaa aayadda Ayatul Kursi ee Qur'aanka Kariimka ah.

Kadib markii sawirrada munaasabadda la faafiyay, hoggaamiyaha xisbiga Congress-ka, ahna isku-duwaha warbaahinta qaranka, Abbas Hafeez, ayaa Kareena u diray ogeysiis sharci ah. Wuxuu ka horyimid qaabka loo soo bandhigay aayadda Qur'aanka Kariimka ah ee ka muuqatay sawirrada ay baraha bulshada ku wadaagtay.

Ogeysiiska sharciga ah looma dirin oo keliya atariishada Kareena Kapoor, balse sidoo kale waxaa loo diray Rhea Kapoor oo ah qofka u qaabaysay labiskeeda.

Ogeysiiska ayaa lagu dalbaday in la tirtiro sawirrada, muuqaallada iyo qoraallada arrintan la xiriira ee lagu baahiyay baraha bulshada. Waxaa sidoo kale lagu dalbaday in raalli-gelin dadweyne laga bixiyo arrintan, isla markaana la bixiyo dammaanad ah in mustaqbalka si xushmad leh loo soo bandhigi doono aayaddan barakaysan ee Qur'aanka Kariimka ah.

Kareena Kapoor Khan ayaa dhawaan boggeeda Instagram-ka ku baahisay sawirro ay ku labisan tahay dharka boqorrada, kuwaas oo ay u xiratay munaasabadda dabaaldegga Diwali.

Munaasabaddaas waxaa lagu casuumay fannaaniin iyo jilayaal badan oo ka tirsan shirkadaha filimada Hindiya. Kareena ayaa baraha bulshada ku wadaagtay sawirro muujinaya labiskeeda gaarka ah ee ay ku tagtay xafladda.

Rhea Kapoor, oo Kareena u qaabaysay labiskaas gaarka ah, ayaa iyaduna sawirrada ku baahisay boggeeda Instagram-ka. Waxay sawirrada ku ladhay qoraalkan:

"Xiddig filim oo dhab ah, qalin saafi ah, dhaxal qoys oo dhab ah iyo qaab labis oo iyada u gaar ah."

Rhea Kapoor ayaa qoraalkeeda ku sii faahfaahisay dharka ay Kareena xiratay, iyadoo tiri:

"Kareena waxay xiratay saako kaftan ah iyo cimaamad ka samaysan qalin saafi ah oo uu naqshadeeyay Puneet Balan. Waxa kale oo ay xiratay wax madaxa lagu xirto oo 200 sano jir ah oo ay lahaayeen boqorradii hore ee Bhopal, iyo dhagax safayr ah oo 30 karat ah oo ay lahaayeen boqorradii Bhopal. Dhagaxaas waxaa ku xardhan aayadda Ayatul Kursi ee Qur'aanka Kariimka ah."

Muran ka dhashay silsilad qaali ah oo ay Kareena Kapoor xiratay intii lagu jiray dabaaldegga Diwali; ogow sababta muranka dhalisay.

Waxay sidoo kale sheegtay in dahabkan taariikhiga ah uu yahay dhaxal ay qoyska boqortooyada Bhopal jiilba jiilka ka dambeeya si taxaddar leh u ilaashanayeen.

Waxay intaas ku dartay in dahabkan taariikhiga ah Kareena ay ka heshay qoyska seygeeda Saif Ali Khan. Ayeeyada Saif, Sajida Sultan, ayaa ahayd gabadhii boqorkii ugu dambeeyay ee Bhopal.

Maxaa si gaar ah loogu sheegay ogeysiiska sharciga ah?

Kareena
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qareenka Abbas Hafeez, oo ah afhayeenka xisbiga Congress-ka, Mohammed Zafar, ayaa warbaahinta u sheegay in macmiilkiisu dalbanayo in baraha bulshada laga tirtiro sawirrada ay ka muuqato aayadda barakaysan ee Qur'aanka Kariimka ah.

Wuxuu yiri: "Kama soo horjeedno in atariishada Bollywood-ka Kareena Kapoor ay xirato silsiladdan qoorta. Hase yeeshee, waxa aan ka cabanayno waa qoraalka ku xardhan silsiladda."

Wuxuu intaas ku daray: "Silsiladdan waxaa ku xardhan aayad barakaysan oo ka mid ah Qur'aanka Kariimka ah, taas oo loo arko mid aad muqaddas u ah."

"Aniga iyo macmiilkayguba waxaan qabnaa in arrintani ay dhaawacday dareenka diimeed ee guud ahaan bulshada Muslimiinta ah."

Qareen Mohammed Zafar ayaa yiri: "Sida ku cad dhaqankeenna diimeed, waxaa loo baahan yahay in qofku weyseysto ka hor inta uusan akhrin aayaddan Qur'aanka Kariimka ah ama taaban Qur'aanka barakaysan. Weyso waa hab cibaado oo qofku ku dhaqo gacmaha, cagaha iyo afka. Waxa ugu weyn ee aan ka cabanayno waa qaabka aayaddan loogu soo bandhigay baraha bulshada."

Wuxuu intaas ku daray: "Taasi waa sababta aan u dirnay ogeysiiska sharciga ah, annagoo dalbanayna in la tirtiro sawirrada arrintan la xiriira."