Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Cristiano Ronaldo oo lagu eedeeyay inuusan canshuur bixin
Published
Waxaa la soo werinaayaa in ciyaaryahanada Real Madrid oo uu ka mid yahay Cristiano Ronald, in aysan bixinin canshuur malaayiin dollar ah.
Waxaa lagu eedeynaayaa inay lacagtooda mariyeen qadad ay uga dhuumanayaan bixinta canshuurta.
Qareenada Ronald waxay sheegayaan in dhaqaalihiisa ay turxaan bixiyeen maamulka canshuurta ee Spain, aysanna ku helin inuu wax is dabamariyay.
Warqado si qarsoodi ah loo soo qaday ayaa lagu sheegay in lacagtaasi bandankeeda ay tahay midda ay ciyaaryahanada mushaar ahaan u heleen.