Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Neymar oo ku biiray Paris St-Germain
Kooxda Paris St-Germain ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay laacibka u dhashay Brazil ee Neymar, oo ay 200 oo milyan oo Pound ka siisatay kooxda Barcelona.
25 jirkan ayaa noqday laacibka ugu qaalisan caalamka, rikoorkaasi oo uu haystay Paul Pogba oo u dheela Manchester United.
Neymar ayaa sanadkii qaadan doona lacag dhan 40.7 milyan oo Pound ka hor inta aan canshuurta laga jarin.
Tababaraha kooxda Barca, Ernesto Valverde, ayaa Arbacadii u ogolaaday Neymar inuu mustaqbalkiisa go'aan ka gaaro, waxaana markaa ka dib bilowday hadal-haynta ah inuu ku biirayo kooxda PSG.
Neymar ayaa la sheegay inuu yahay laacibka keliya ee lacag ka badan tan mushaarkiisa ka hela xayaysiinta uu sameeyo.
Shirkadaha uu xayaysiinta u sameeyo ayaa waxaa ka mid ah Nike, Gillette iyo Panasoni.