Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Soomaaliya oo qaadaysa tallaabo muhiim ah oo ay muddo ku taameysay
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hiigsaneyso inay sannadka 2029 ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, iyadoo hadda ku guda jirta diyaarinta shuruudaha iyo hannaanka wada-xaajoodyada looga baahan yahay dalalka doonaya xubinnimada ururkaas.
Madaxa Wada-xaajoodka Ganacsiga Soomaaliya, Saadiq Xaaji Ibraahin, oo wareysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in dowladdu ay rajeyneyso inay labada ilaa saddexda sano ee soo socota ku dhammaystirto waajibaadka ka harsan hannaanka ku biirista ururka.
"Waxaan rajeyneynaa inaan dhammaystirno ku biiritaankeenna ilaa 2029-ka. Waa yool adag, laakiin dadaallada dowladda iyo saraakiisha socda awgood, waxaan rajeyneynaa inaan ku dhammaystirno waajibaadka naga harsan labada ilaa saddexda sano ee soo socota," ayuu yiri.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii wafdi ka socday WTO iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah ee ITC ay booqasho shaqo ku yimaadeen Muqdisho, labada toddobaad kahor, intii u dhexeysay 10-kii ilaa 15-kii Oktoobar, taas oo diiradda lagu saaray diyaarinta dukumentiyada iyo shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya.
Saadiq ayaa sheegay in booqashadani ay ahayd tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday, maadaama khubaro ka socotay hay'adaha caalamiga ah ay si toos ah ula fariisteen saraakiisha dowladda Soomaaliya si ay u qiimeeyaan hannaanka iyo sharciyada ganacsiga dalka.
Soomaaliya ayaa muddo sannado ah ku jirtay dadaallada ku biirista WTO, iyadoo kulankii ugu horreeyay ee kooxda shaqada ee qaabilsan codsigeeda xubinnimada uu dhacay bishii Febraayo ee sannadkii 2025. Kulanka labaad ayaa la qorsheynayaa inuu qabsoomo sannadka 2027.
Maxay Soomaaliya ka faa'iidi kartaa ku biirista WTO?
Saadiq Xaaji ayaa sheegay in xubinnimada WTO ay ganacsatada Soomaaliyeed u abuuri karto fursado ay badeecadahooda ku gaarsiiyaan suuqyada caalamiga ah, isla markaana ay gacan ka geysan karto soo jiidashada maalgashiga shisheeye.
Ururka Ganacsiga Adduunka ayaa hadda ka kooban 166 xubnood oo wadajir u matala ku dhowaad 98% ganacsiga caalamka.
"Markii aan xubin ka noqonno, waxay ganacsatadeenna u fududeyneysaa inay waxyaabaha ay soo saaraan gaarsiiyaan suuqyada caalamiga ah," ayuu yiri Saadiq.
Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya oo yeelata sharciyo iyo nidaamyo ganacsi oo waafaqsan heerarka caalamiga ah ay dhiirrigelin karto shirkadaha shisheeye ee doonaya inay dalka maalgashadaan, taas oo uu sheegay inay abuuri karto shaqooyin cusub.
Balse, taas oo jidha, haddana helitaanka xubinnimada WTO keligeed ma dammaanad qaadayso in badeecadaha Soomaaliyeed ay si toos ah u geli karaan dhammaan suuqyada caalamka, maadaama ay weli jiri doonaan shuruudo la xiriira tayada, badqabka badeecadaha iyo heshiisyada ganacsi.
Caqabadaha wax-soo-saarka gudaha
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan badeecadaha dibadda laga soo dejiyo, halka wax-soo-saarka gudaha iyo warshadeynta badeecadaha dalka ay weli kooban yihiin.
Mar ay BBC Somali weydiisay sida Soomaaliya uga faa'iideysan karto ururkan iyadoo aan lahayn warshado waaweyn iyo wax-soo-saar ballaaran oo dibadda loo dhoofiyo, Saadiq ayaa sheegay in hannaanka ku biirista WTO uu gacan ka geysan karo horumarinta awoodda wax-soo-saarka dalka.
Waxa uu tusaale u soo qaatay xoolaha nool ee Soomaaliya dhoofiso, kuwaas oo uu sheegay inay mararka qaar caqabado kala kulmaan shuruudaha caafimaadka, tayada iyo shahaadooyinka looga baahan yahay suuqyada dibadda.
Saadiq Xaaji Ibraahin ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso in la horumariyo nidaamyada hubinta tayada badeecadaha, si mustaqbalka ay Soomaaliya u awooddo inay gudaha dalka ku farsameyso wax-soo-saarkeeda, uguna dhoofiso suuqyo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka iyo Shiinaha.
"Intii aan xoolaha nool oo keliya dhoofin lahayn, waxaan dooneynaa inaan Soomaaliya gudaheeda ku farsameyno, ku baakadeyno, shahaadooyin tayana ka bixinno, si badeecadaheenna ay u gaaraan suuqyada waaweyn ee caalamka," ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in maalgashiga warshadaha yaryar iyo horumarinta hay'adaha ganacsiga ay muhiim u yihiin dadaalka dowladda ee kordhinta dhoofinta.
Wada-xaajoodyada xubinnimada WTO ayaa ah hannaan qaadan kara sannado, iyadoo waddanka codsanaya xubinnimada laga doonayo inuu dib u eego sharciyadiisa ganacsi, diyaariyo heshiisyada looga baahan yahay, isla markaana wada-xaajoodyo la galo xubnaha ururka.
Soomaaliya ayaa hadda ku guda jirta diyaarinta jawaabaha su'aalihii ay xubnaha WTO ka keeneen hannaanka ganacsiga dalka, iyo dhammaystirka dukumentiyada saldhigga u noqonaya wajiga xiga ee wada-xaajoodyada.
Waxaa sidoo kale socda diyaarinta soo-jeedimaha hordhaca ah ee ku saabsan furitaanka suuqyada Soomaaliya ee badeecadaha iyo adeegyada, kuwaas oo qayb ka ah shuruudaha ay tahay in dalalka doonaya xubinnimada ururku ka wada hadlaan.
Dadaalladan waxaa taageero farsamo ka siinaya Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Centre, ITC), oo ah hay'ad ay si wadajir ah u maamulaan Qaramada Midoobay iyo WTO, kana shaqeysa horumarinta ganacsiga dalalka soo koraya, gaar ahaan caawinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe si ay uga qayb qaataan suuqyada caalamiga ah.
Taageerada ay xaruntani Soomaaliya siineyso ayaa qayb ka ah barnaamijka "Hirgelinta Ganacsiga" (Making Trade Happen), oo ay maalgeliso dowladda Ingiriiska.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dooneysa inay isku dubbariddo waajibaadka ka saaran xubinnimadeeda Bulshada Bariga Afrika (EAC), heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyo qorshaha ay ugu biireyso WTO.
Arrintan ayaa muhiim u ah sidii sharciyada iyo siyaasadaha ganacsiga dalka loogu waafajin lahaa heshiisyada kala duwan ee Soomaaliya qaybta ka tahay, iyadoo laga fogaanayo isburin dhinaca shuruucda iyo waajibaadka ganacsiga.
Dhanka kale, booqashadii wafdiga WTO iyo ITC ee Muqdisho waxaa sidoo kale looga hadlay hindisaha "Ganacsiga Nabadda Soomaaliya" (Trade for Peace Somalia Initiative), oo loogu talagalay in ganacsiga iyo maalgashiga laga faa'iideysto dadaallada nabad-dhisidda.
Hindisahan oo weli ku jira marxaladda diyaarinta ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee horumarka iyo xasilloonida dalka.
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay hiigsaneyso inay xubinnimada WTO ku guuleysato sannadka 2029, haddana taariikhdaasi waa yool iyo rajo ay xukuumaddu dejisatay, mana aha waqti rasmi ah oo ururku u cayimay.
Guusha dadaalkan ayaa ku xirnaan doonta halka ay gaaraan wada-xaajoodyada xubnaha WTO, isbeddellada sharciyeed ee Soomaaliya laga doonayo iyo sida ay hay'adaha dowladdu u hirgeliyaan waajibaadka ka horreeya xubinnimada.