Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magaalada Mooyaale oo uu iska hor imaad ka dhacay
Hay'adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay gargaar bani'aadannimo u dirayso qoysaska u soo qaxay gudaha Kenya, kaddib markii dagaal uu toddobaadkan ka qarxay magaalada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Itoobiya. Hay'addu waxay sheegtay in wejiga koowaad ee gargaarkeedu uu gaari doono 1,000 qoys.
Boqollaal Itoobiyaan ah, oo u badan haween, carruur iyo dhallinyaro, ayaa u gudbay gudaha Kenya kaddib markii dagaalku billowday Arbacadii, sida ay sheegeen Laanqayrta Cas ee Kenya iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaas laga maqlayay dhinaca Itoobiya ee xudduudda xitaa Khamiistii.
Magaalada Mooyaale ee Kenya, oo ku taalla ka soo horjeedka magaalada Itoobiya ee isla magacaas leh, ayaa weli ahayd mid deggan. Hase yeeshee, booliiska ayaa heegan sare ku jiray kaddib markii la soo sheegay dhowr dhacdo oo la xiriirtay rasaas habow ah.
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay billowday diyaarinta hoy ku-meel-gaar ah iyo qaybinta teendhooyin, bustayaal, gogosha hurdada, haamaha biyaha, agabka jikada iyo bur boorash nafaqooyin lagu xoojiyay.
"Dad badan ayaa yimid iyagoo wata alaab aad u yar, waxayna si degdeg ah ugu baahan yihiin hoy, cunto, biyo iyo daryeel caafimaad," ayay hay'addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay fiidkii Khamiistii.
Warbixin booliis oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in xabbad habow ah ay qoorta kaga dhacday haweeney deegaanka ah oo ku sugnayd magaalada Mooyaale ee Kenya.
Haweeneyda ayaa la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay, halkaas oo xabbadda laga saaray. Warbixintu waxay sheegtay in xaaladdeedu ay hadda deggan tahay.
Jimcaha maanta gelinka dambe, mas'uuliyiinta maamulka deegaanka ee dhinaca Kenya ayaa kulmi doona si ay isugu dubbaridaan gargaarka bani'aadannimo ee la siinayo qoysaska barakacay.
Maxaan ka ognahay dhanka Oromiya?
Mas'uuliyiinta magaalada Mooyaale ayaa BBC-da u sheegay in gabar lagu dilay iska horimaad dhowaan ka dhacay magaaladaas, kaas oo la xiriiray muran xuduudeed, isla markaana ay dhacdadaasi kaddib bannaanbaxyo ka dhaceen magaalada.
Duqa magaalada Mooyaale ee dhinaca Oromiya, Galmaa Korophichaa, ayaa sheegay in iska horimaadka dhacay uu ahaa mid aan loo baahnayn, isaga oo ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee dhinaca dowlad-deegaanka Soomaalida.
BBC-da ayaa isku dayday inay duqa magaalada Mooyaale ee dhinaca dowlad-deegaanka Soomaalida wax ka weydiiso eedeymahaas, hase yeeshee ma aysan helin jawaab ilaa laga soo diyaarinayay warbixintan, kaddib markii loo sheegay inuu shir ku jiro.
Duqa magaalada Mooyaale ee dhinaca Oromiya, Galmaa, ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhex maray dad Oromo iyo Soomaali ah oo wada dhashay, wada koray, isla markaana qoysas isku ah.
Galmaa ayaa sheegay in gabadha la dilay ay nafteeda ku weyday kaddib markii ay ka hortimid calanka dowlad-deegaanka Soomaalida oo uu sheegay in si sharci-darro ah looga taagay gudaha Moyaale, oo ka tirsan dhulka Oromiya.
BBC-da ayaa ogaatay in ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka magaalada Mooyaale ay hakad galeen, sababo la xiriira iska horimaadka iyo bannaanbaxyada ka dambeeyay.
Duqa magaalada ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee Soomaalida inay isku dayeen inay isaga dilaan.
BBC-da si madax-bannaan uma aysan xaqiijin eedeyntaas.
Maxay noo sheegeen dhanka Soomaalida?
Waxaan la hadalnay Cabdiraxmaan Karaama, oo ka shaqeeya arrimaha bani'aadannimada, isla markaana xilligan ku sugan magaalada Mooyaale.
"Degmada iyo maamulka ayaa kala go'ay. Maamulka dhowaan la magacaabay ayaa kireystay xafiis uu hawlihiisa ka fuliyo. Hase yeeshee, dhinaca Oromiya ayaa diiday xafiiskaas, iyaga oo sheegay in gurigu iyaga leeyahay. Arrinta waxaa lagu xalliyay heshiis, waxaana dhinaca Soomaalida loo sheegay inay guri kale raadsadaan.
"Intaas kaddib, iyadoo aan waxba la ogeyn, xaaladduna ay sidaas ahayd, dhinaca Oromiya ayaa abaabulay maleeshiyaad, waxaana rasaastu bilaabatay abbaaraha 11-kii subaxnimo. Khasaare xooggan ayaa halkaas ka dhashay, guryo badan ayaa la gubay, dadkiina waxay ka qaxeen magaalada. Markii dambe, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa yimid iyaga oo gurmad ah. Sidaas ayay dhacdadu u dhacday."
"Dhinaca Soomaalida, guryo badan ayaa la burburiyay. Ilaa hadda, afar qof ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay waxaa loo qaaday xarumaha caafimaadka ee gobolka si loo daweeyo, halka dadka dhintayna la aasay." Ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Hase yeeshee, duqa magaalada Mooyaale dhanka Oromiya oo sharxaya sida uu iska horimaadku ku billowday, ayuu Galmaa yiri: "Waxay ka tallaabeen xudduudda, waxayna calan ka taageen gudaha dhulkeenna, meel ay ku taallo xarun adeeg. Calankaas waan ixtiraamnaa. Waa calanka dowlad-deegaanka Soomaalida, waana mid ka mid ah calamada Itoobiya ku leedahay, waanan jecelnahay oo ixtiraamnaa. Laakiin waxaan u sheegnay in calanka lagu taagay meel aan ku habboonayn."
Galmaa ayaa sheegay in deegaanka uu muran xudduudeed ka jiro, isaga oo intaas ku daray in aanay habboonayn in xaaladdan oo kale ay dhacdo ilaa ay dowladda iyo xisbiyadu ka gaaraan heshiis iyo go'aan kama dambays ah.
Isagoo BBC-da uga warramayay sida ay gabadha la dilay nafteeda ku weyday, ayuu yiri: "Markii calanka la taagay, gabadha hadda dhimatay oo asal ahaan ka soo jeedda qowmiyadda Borana ayaa timid. Waxay tiri calankan waa inaan la taagin, markaas ayay isku dayday inay dejiso. Halkaas ayay rasaas ku dhufteen. Way geeriyootay, dabadeedna waa la qaaday oo waxaa la geeyay xarun caafimaad, halkaas oo maydkeedu yaallay afar maalmood.
"Maydka ayay dad kala duwan sheegteen, iyaga oo mid walba ku andacoonayay inay gabadhu iyaga ka dhalatay. Hase yeeshee, markii isbitaalka lagu mayrayay maydka, waxaa la ogaaday in gabadhu ka soo jeeddo Borana."
Wuxuu intaas ku daray: "Odayaasha dhaqanka ee Borana, Soomaalida iyo Garre ayaa halkaas joogay. Dhammaantood way arkeen, waxayna go'aamiyeen in gabadhu ka dhalatay qoys Borana ah, sidaas darteedna ay tahay in maydkeeda loo celiyo qoyskeeda. Hase yeeshee, way diideen, iyaga oo sheegay inay hore u mayreen."