Ugu yaraan 34 qof ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay xeebaha dalka Senegal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Senegal (APS), iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in hal qof la badbaadiyay, balse aan weli la xaqiijin tirada dadka kale ee la la’yahay.
Doonida yar ee alwaaxda ka sameysan ayaa ku rogmatay inta u dhexeysa caasimadda Dakar iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Saint-Louis, xilli ay ku sii jeedday Jasiiradaha Canary ee dalka Spain.
Kooxda Isbaanishka ah ee u doodda xuquuqda muhaajiriinta ee Walking Borders ayaa diiwaangelisay 635 qof oo ku dhintay waddada Badweynta Atlaantikada ee loo maro Jasiiradaha Canary, intii u dhexeysay Janaayo iyo May 2026. Tiradaasi ayaa ahayd tii ugu badnayd marka loo eego waddooyinka kale ee ay kooxdu la socoto.
Saliou Diouf, oo ah aasaasaha hay’adda Boza Fii ee Senegal, oo caawisa muhaajiriinta, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay, in dhammaan meydadka ilaa hadda la helay ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Senegal.
Weli lama xaqiijin jinsiyadaha dadka kale ee doonta saarnaa, iyadoo howlgallada baadigoobka iyo samatabbixintu ay sii socdaan.
Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka, wuxuuna muwaadiniinta dalkiisa ugu baaqay inaysan naftooda halis u gelin safarrada badda ee khatarta badan.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku ballanqaaday in la xoojin doono dadaallada lagu burburinayo shabakadaha abaabula safarradaasi.
“Waxaan si hagar la’aan ah u sii wadi doonnaa dagaalka ka dhanka ah dadka abaabula safarradan, iyo dadaallada lagu siinayo dhallinyaradeenna sababo ay rajo ugu qabaan inay dalkooda ku noolaadaan,” ayuu yiri.
Musiibadan ayaa timid xilli ay soo cusboonaadeen walaacyada ku saabsan khataraha ay wajahayaan muhaajiriinta isku dayaya inay badda uga gudbaan Yurub.
Kooxda Isbaanishka ah ee u doodda xuquuqda muhaajiriinta ee Walking Borders ayaa qiyaastay in ku dhowaad 21 qof ay dhinteen 100-kii qof ee gaaray Jasiiradaha Canary muddadii ay kooxdu la socotay socdaalladaasi.
Maamulka Senegal ayaa sheegay inay Jimcihii qabteen doon kale oo ay saarnaayeen 142 muhaajiriin ah, kuwaas oo isku dayayay inay gaaraan dalka Spain.
Dadka doonta saarnaa waxaa ka mid ahaa 23 haween ah, iyo afar caruur ah. Booliiska ayaa sheegay in kooxdu ka koobnayd muwaadiniin u kala dhashay Senegal, Gambia, Guinea-Bissau, Guinea iyo Nigeria.
Dhanka kale, xaalad degdeg ah ayaa Sabtidii looga dhawaaqay jasiiradda El Hierro ee dalka Spain, kadib markii ay si weyn u kordheen tirada muhaajiriinta halkaasi gaaraya.
Sida ay sheegeen maamulka deegaanka, in ka badan 3,300 oo qof ayaa jasiiradda gaaray iyagoo saarnaa ku dhowaad 30 doon, tan iyo bilowgii bishii Nofeembar.