Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
11 siyaasi oo Afrikaan ah oo la xiray inta aysan madaxweynayaal noqon
- Author, Beldeen Waliaula
- Published
- Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo
Ka hor intii aysan hoggaanka dalalkooda la wareegin oo ay madaxweyne noqon, qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika waxay soo mareen nolol adag oo xabsi ah, oo qaarkood bilo socotay qaarna ay sanado gaartay.
Badankood waxaa loo xiray sababo ahinay ka dhiidhiyeen gumeysiga, waxay la dagaallameen xukunmadihii keli taliska ahaa, ama waxay u taagnaayeen isbeddel siyaasadeed oo shacabkoodu u oomanaayeen.
Dadkan badankood, xabsigu wuxuu ahaa qayb ka mid ah safarkoodii siyaasadeed ee aan la ilaawi karin. Markii ay xabsiga ka soo baxeen, kama aysan quusan halgankii, balse way sii wadeen ilaa ay ugu dambeyn ku gaareen hoggaanka ugu sarreeya ee dalalkooda, iyagoo loo doortay madaxweyne ama loo dhiibay xilal waaweyn.
Inkastoo sheekadoodu ay kala duwan yihiin, laga bilaabo Nelson Mandela ee Koonfur Afrika, ilaa Hakainde Hichilema ee Zambia iyo Bassirou Diomaye Faye ee Senegal, haddana hal shay ayaa ka dhexeeya: dhammaantood waxay mar soo mareen xabsi ka hor inta aysan noqon hoggaamiyeyaal.
Kuwani waa qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ee xabsiga la dhigay ka hor inta aysan madaxweyne noqon, inkastoo ay jiraan kuwo kale oo badan oo riyadoodii siyaasadeed xabsi lagu damiyey;
Hakainde Hichilema - 4 Bilood
Bishii Abriil 2017, booliska Zambia waxay xireen Hichilema oo xilligaas hoggaaminayay mucaaradka, waxaana lagu eedeeyay khiyaano qaran.
Eeddaas waxay ka timid dhacdo lagu sheegay in gaadiidkiisa uu hor istaagay gaadiidkii uu la socday Madaxweyne Edgar Lungu.
Hichilema wuu diiday eedeymahaas, halka hay'adaha xuquuqda aadanaha ay si adag u cambaareeyeen xiritaankiisa iyo sida eedda khiyaano qaran loogu adeegsaday.
Wuxuu xabsiga ku jiray ku dhowaad afar bilood, laga bilaabo Abriil ilaa Agoosto 2017.
Ugu dambeyntii eedeymahaas ayaa laga qaaday waxaana la sii daayay isagoo xor ah 16-kii Agoosto 2017.
Ka dib dhowr doorasho oo uu ku guuldareystay, Hichilema wuxuu ugu dambeyn ka adkaaday Edgar Lungu doorashadii 2021, waxaana 24-kii Agoosto 2021 loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Zambia.
Hichilema wuxuu mar kale ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday bishii Agoosto 2026, isagoo sidaas ku bilaabay muddadiisii labaad ee hoggaanka Zambia.
Bassirou Diomaye Faye - 11 Bilood
Waxaa la xiray bishii Abriil 2023, ka dib qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, waxaana lagu eedeeyay faafinta warar been ah iyo quursashada maxkamadda.
Xiritaankiisa wuxuu ku soo beegmay xilli Senegal ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo xooggan, taasoo u dhaxeysay hoggaamiyaha mucaaradka Ousmane Sonko iyo dowladda Madaxweyne Macky Sall.
Faye waxaa la xiray 14-kii Abriil 2023, wuxuuna xabsiga ku jiray ilaa Maarso 2024, muddo ku dhow 11 bilood ah.
Waxaa la sii daayay wax yar ka hor doorashada madaxweynaha, ka dib cafis guud oo la siiyay.
Faye wuxuu ku guuleystay doorashada madaxweynaha ee bishii Maarso 2024, waxaana loo dhaariyay Madaxweyne 2-dii Abriil 2024.
Faye weli waa Madaxweynaha Senegal, wuxuuna xilka hayay ku dhowaad 2 sano iyo 4 bilood.
Alpha Condé - 2 Sano
Condé wuxuu ahaa siyaasi mucaarad ah oo ka soo horjeeday xukunkii Madaxweyne Lansana Conté.
Ka dib doorashadii madaxweynaha ee 1998, Condé waxaa lagu xiray meel u dhow xadka Côte d'Ivoire.
Waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu si sharci-darro ah uga baxo dalka Guinea, inuu diiday in la xiro, iyo inuu qorsheynayay inuu afgembiyo dowladda.
Markii dambe waxaa lagu xukumay dembiyo la xiriira khatar gelinta amniga qaranka.
Condé waxaa la xiray bishii Diseembar 1998, waxaana la sii daayay bishii Maajo 2001, ku dhowaad 2 sano iyo bar ka dib.
Condé wuxuu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Guinea ee 2010, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Diseembar ee sanadkaas.
Wuxuu madaxweyne ahaa muddo 11 sano ah, laga bilaabo 2010 ilaa 2021.
Waxaa xilka laga tuuray ka dib afgembi milatari oo dhacay bishii Sebtembar 2021.
Olusegun Obasanjo - 3 Sano
Obasanjo wuxuu horay u soo noqday hoggaamiye milatari oo Nigeria ah, ka hor inta aan la xirin 1995.
Dowladdii milatariga ee Jeneraal Sani Abacha ayaa xirtay, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa shirqool afgembi.
Obasanjo wuxuu diiday eedeymahaas. Kiiskaas si weyn ayaa loo dhaleeceeyay, ka dib markii lagu xukumay xabsi daa'in, taasoo markii dambe laga dhigay 15 sano.
Wuxuu xabsiga ku jiray ku dhowaad saddex sano, laga bilaabo 1995 ilaa 1998.
Waxaa la sii daayay ka dib geeridii Abacha ee 1998.
Obasanjo wuxuu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Nigeria ee 1999, waxaana la dhaariyay 29-kii Maajo 1999.
Wuxuu xilka madaxweynaha hayay laba jeer oo isku darkoodu yahay 8 sano, laga bilaabo 1999 ilaa 2007.
Jacob Zuma - 10 Sano
Zuma wuxuu ku biiray ANC, wuxuuna markii dambe noqday xubin ka tirsan Umkhonto we Sizwe, oo ahayd garabka milatari ee ANC ee la dagaallamayay nidaamka midab-takoorka.
Sannadkii 1963, markii uu isku dayayay inuu ka baxo Koonfur Afrika isagoo la socda xubno kale oo ka tirsan dhaqdhaqaaqaas, waa la xiray.
Waxaa lagu xukumay iyadoo la raacayo sharciyada xukunka midab-takoorka, waxaana lagu xukumay xabsi 10 sano ah, laga bilaabo 1963 ilaa 1973, inta badan isagoo ku xiran Robben Island.
Markii uu xabsiga galayay wuxuu jiray 21 sano oo keliya.
Markii dambe wuxuu noqday madaxweynaha Koonfur Afrika 9-kii Maajo 2009.
Wuxuu madaxweyne ahaa Koonfur Afrika laga bilaabo 2009 ilaa 2018.
Wuxuu is casilay bishii Febraayo 2018, ka dib cadaadis xoog leh oo kaga yimid gudaha xisbiga ANC.
Robert Mugabe - 11 Sano
Mugabe wuxuu ahaa mucaarad weyn oo ka soo horjeeday xukunka caddaanka ee dalkaas ee Rhodesia Koonfureed, oo hadda ah Zimbabwe.
Waxaa la xiray ka dib markii uu dalkaas ku soo laabtay dhammaadkii 1963.
Waxaa lagu eedeeyay inuu jeediyay hadallo kicin ah, waxana lala xiriiriyay halgankii qaranka ee ZANU.
Inkastoo markii hore xabsi gaaban lagu xukumay, haddana wuxuu xirnaa sanado badan, maadaama dowladdii caddaanka ah ay caburineysay dadkii ka soo horjeeday xukunkeeda.
Mugabe waxaa la xiray ku dhowaad 11 sano, laga bilaabo 1963 ilaa 1974.
Isagoo xabsiga ku jira ayuu haddana sii waday hawlaha siyaasadeed, xitaa wuxuu casharro siin jiray maxaabiista kale.
Markii Zimbabwe ay xornimada heshay 1980, Mugabe wuxuu noqday Ra'iisul Wasaare.
Sannadkii 1987 ayuu si rasmi ah u noqday madaxweynaha Zimbabwe.
Wuxuu madaxweyne ahaa muddo 30 sano ah, laga bilaabo 1987 ilaa 2017.
Wuxuu is casilay bishii Nofeembar 2017, ka dib markii ciidanku ay farageliyeen siyaasadda dalkaas, xisbigiisuna uu ka soo horjeestay oo uu ka dalbaday inuu xilka ka dego.
Hastings Kamuzu Banda - Miezi 13
Sannadkii 1958, ka dib sanado badan oo uu dibadda ku maqnaa, Hastings Banda wuxuu ku soo laabtay Nyasaland, oo maanta loo yaqaan Malawi.
Wuxuu ahaa hoggaamiyaha Nyasaland African Congress, wuxuuna si xoog leh uga soo horjeeday Central African Federation, oo ay waddaniyiin badan oo Afrikaan ah u arkeen nidaam lagu ilaalinayo awoodda caddaanka.
Sannadkii 1959, dowladdii gumeysiga waxay soo rogtay xaalad degdeg ah, waxayna mamnuucday xisbigaas. Banda wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii la xiray.
Wuxuu xabsiga ku jiray ku dhowaad 13 bilood, laga bilaabo Maarso 1959 ilaa Abriil 1960.
Markii dalka uu xornimada qaatay 1964, waxaa loo doortay inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha Malawi.
Markii Malawi ay jamhuuriyad noqotay 1966, Banda wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka.
Wuxuu madaxweyne ahaa 28 sano oo buuxa, laga bilaabo 1966 ilaa 1994.
Ugu dambeyn, waxaa xilka laga tuuray ka dib doorashadii ugu horreysay ee xisbiyo badan oo dalka ka dhacday 1994.
Kwame Nkrumah - 1 Sano
Kwame Nkrumah wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu caansanaa ee u soo halgamay xornimada Ghana, oo waagaas loo yaqaanay Gold Coast.
Sannadkii 1950 wuxuu daah-furay ololihiisa caanka ahaa ee "Positive Action", kaas oo ku saleysnaa shaqo joojin, dibadbaxyo iyo diidmada la shaqeynta dowladdii gumeysiga ee Ingiriiska.
Dowladdii gumeysiga ayaa xirtay, waxaana lagu eedeeyay kicin.
Waxaa xabsiga la dhigay 1950, balse waxaa la sii daayey 12-kii Febraayo 1951, ka dib markii xisbigiisa, Convention People's Party, uu ku guuleystay doorashada, asagoo weli xabsiga ku jiray.
Wuxuu jeelka ku jiray ku dhowaad hal sano.
Kwame wuxuu ku guuleystay doorashada isagoo weli maxbuus ah.
Waxaa loo doortay Ra'iisul Wasaaraha Gold Coast 1952, waxaana markii dambe uu noqday Ra'iisul Wasaaraha Ghana ka dib markii dalkaas uu xornimada helay 1957.
Markii Ghana ay noqotay jamhuuriyad 1960, Nkrumah wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaas.
Wuxuu madaxweyne ahaa muddo lix sano ah, laga bilaabo 1960 ilaa 1966.
Waxaa xilka looga tuuray afgembi milatari bishii Febraayo 1966.
Jomo Kenyatta - Miezi 9
Jomo Kenyatta wuxuu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaashii u halgamayay xornimada Kenya, kana soo horjeeday xukunka gumeysiga Ingiriiska.
Ka dib markii xaalad degdeg ah lagu dhawaaqay bishii Oktoobar 1952, dowladdii gumeysiga waxay bilowday howlgal lagu xirayo hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Kenya. Kenyatta wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashaas, oo loo yaqaanay The Kapenguria Six.
Dowladdii gumeysiga waxay Kenyatta ku eedeysay inuu yahay hoggaamiyaha Mau Mau, oo lala xiriiriyo kacdoon ka dhan ah xukunka gumeysiga. Kenyatta wuxuu marar badan diiday inuu ahaa hoggaamiyaha Mau Mau.
Kenyatta waxaa la xiray 20-kii Oktoobar 1952, waxaana uu xirnaa ilaa 1961.
Waxaa lagu hayay xabsiyo kala duwan oo ku yaalla gudaha dalka Kenya.
Markii la sii daayey isagoo xor ah, Kenyatta waxaa loo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Kenya 1963, xilligii Kenya ay xornimada qaadatay. Sannadkii 1964, markii Kenya ay jamhuuriyad noqotay, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka.
Wuxuu madaxweyne ahaa 14 sano oo buuxa, laga bilaabo 1964 ilaa 1978.
Wuxuu geeriyooday 22-kii Agoosto 1978.
Nelson Mandela - 27 Sano
Nelson Mandela wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu waaweynaa ee u soo halgamay sidii loo burburin lahaa nidaamka midab-takoorka ee apartheid ee ka jiray Koonfur Afrika.
Wuxuu ku biiray xisbiga African National Congress (ANC), waxaana markii dambe uu ka qayb qaatay aasaasidda garabkiisa milatari, Umkhonto we Sizwe, ka dib markii dowladdii ay sii kordhisay caburinta mucaaradka.
Sannadkii 1962, Mandela waa la xiray, waxaana lagu xukumay inuu dalka kaga baxay ogolaansho la'aan iyo inuu shaqaalaha ku dhiirrigeliyay inay shaqo joojiyaan.
Markii dambe, kiiskii caanka ahaa ee Rivonia, isaga iyo hoggaamiyayaasha kale ee ANC waxaa lagu xukumay dembiyo la xiriira kharribaad iyo qorsheyn lagu afgembinayo dowladda.
Mandela wuxuu xabsiga ku jiray muddo 27 sano ah, laga bilaabo 1962 ilaa 11-kii Febraayo 1990.
Waxaa lagu hayay xabsiyo kala duwan, oo ay ku jirto xabsiga caanka ah ee Robben Island.
Waxaa loo dhaariyey inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Afrika 10-kii Maajo 1994, ka dib doorashadii ugu horreysay ee dimuqraadi ah oo ay ka qayb galeen dadka midabyo kala duwan leh.
Wuxuu dalka u hoggaamiyey isagoo madaxweyne ah muddo shan sano ah, laga bilaabo 1994 ilaa 1999. Ka dib markii uu hal muddo oo madaxweynenimo dhammeystay, Mandela wuxuu si iskiis ah u go'aansaday inuu xilka ka dego.
Abdoulaye Wade - Senegal
Ka dib doorashadii madaxweynaha ee 1988, Wade iyo hoggaamiyayaasha kale ee mucaaradka waxay ku doodeen in doorashadaas lagu shubtay, taas oo keentay in dibadbaxyo waaweyn ay qarxaan.
Wade waxaa loo xiray ka qaybqaadashadii dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda, waa la xukumay, inkastoo uusan xabsiga gelin.
Waxaa mar kale la xiray 1994, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka sarkaal ka tirsan dowladda. Eedeymahaas markii dambe waa laga qaaday.
Xiritaankiisa waxay ahaayeen kuwo gaagaaban, oo ka duwan kuwii hoggaamiyayaasha kale sida Mandela, Kenyatta ama Zuma.
Wuxuu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee 2000, wuxuuna Senegal hoggaamiyay muddo 12 sano ah, laga bilaabo 2000 ilaa 2012.