Geeridii argagaxa lahayd: Waalidkii doortay inay hal mar wada dhinteen iyo halkii wiil ee ay dhaleen oo ku raacay

Geerida waalidka
Published
Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Subax hore maalin ka mid ah bishii Juun 2024, wiilkooda Bas, ayaa gaarigiisa soo agdhigtay gaari sida guri oo kale ah oo ay waalidkiis lahaayeen, kaas oo yaallay meel iftiinka qoraxdu hayso una dhow meel doonyaha lagu xiro, kuna taalla waqooyiga dalka Netherlands.

Aabbihii iyo hooyadii, Jan iyo Els, waxay inta badan noloshooda ku qaateen doon sida guri oo kale ah oo biyaha dushooda ayey ku noolaayeen. Hadda oo ay da'doodu dhaaftay 70 sano, ma aysan awoodin inay ku sii noolaadaan doontii guriga u ahayd ee biyaha dul sabayn jirtay. Sidaas darteed, gaari- u qalabaysan sida guri ayaa loo dhigay meel u dhow halka doomaha waaweyn iyo kuwa yar yar lagu xiro, kaas ayaana u noqday beddelka ugu habboon.

Jan iyo Els ayaa fuulay gaariga wiilkooda. Waxay ahayd markii ugu dambaysay ee uu waalidkiis meel u kaxeeyo. Jan iyo Els-na safarkan ay ugu socdeen xarunta daryeelka dadka xanuunkoodu aan dawo lahayn ee deegaanka, wuxuu u noqonayay safarkoodii ugu dambeeyay.

Saacadda 10:30 subaxnimo ee maalintaas, dhakhaatiir ayaa siin lahaa dawooyin dilaa ah, taas oo keeni lahayd inay labadooduba isku mar geeriyoodaan. Habkan ayaa Netherlands looga yaqaannaa duo-euthanasia (laba qof oo si wadajir ah u doorta in noloshooda la soo afjaro iyagoo helaya gargaar caafimaad).

Waa arrin sharci ka ah Netherlands, balse aan si badan u dhicin. Si kastaba ha ahaatee, sannad kasta waxaa sii kordhaya dadka reer Netherlands ee doorta inay noloshooda sidan ku soo afjaraan.

Saddex maalmood ka hor ballantii ugu dambaysay ee ay ku lahaayeen xarunta daryeelka dadka xanuunkoodu aan dawo lahayn, Jan iyo Els ayaa gaariga guriga u ahaa BBC-du waraysi kula yeelaay. Jan waxa uu la noolaa xanuun joogto ah, kaas oo ka dhashay sannado badan oo uu xamuul ku daabuli jiray marinnada biyaha gudaha ee dalka Netherlands. Halka Els laga helay cudurka asaasaqa, oo ah xaalad keenta hoos u dhac ku yimaadda awoodda xusuusta iyo fikirka.

Sheekadooda ayaa si weyn loo baahiyay, loogana falceliyay meelo badan oo dunida ah.

Hadda, in ka badan laba sano kaddib, wiilkooda oo ahaa ilmaha keliya ee ay dhaleen, oo ka sheekaynaya sida uu isugu dayay inuu waalidkii ku qanciyo inay dib u dhigaan geeridooda, isaga oo isla markaas taageerayay go'aankooda ah inay nolosha soo afjaraan.

Waxa uu sidoo kale ka warramayaa culayskii nafsiga ahaa ee go'aanka waalidkii uu ku reebay iyo dareenkii kelinimada qotada dheeraa ee uu la kulmay markii ay geeriyoodeen.

Safarkii

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bas, ayaa sii maray waalidkiis waddo qurux badan oo ay ku tagaan xarunta daryeelka dadka xanuunkoodu aan dawo lahayn -ka, waxayna jidka ay sii marayeen uu ahaa dhul-daaqsimeedka iyo kanaallada biyaha ee gobolka Friesland.

"Weli waxaan xusuustaa safarkaas oo dhan," ayuu yiri. Hooyadii waxay fadhiday kursiga dambe, halka aabbihii uu agtiisa fadhiyay. Markii hore, way wada sheekaysanayeen. Els waxay u muuqatay qof ku adkaysanaysa go'aankooda ah inay doortaan in noloshooda loo soo afjaro si caafimaad ahaan loo caawiyo.

"Hooyaday go'aankeeda way ku qanacsanayd, si buuxdana ayay u hubtay inay sidaas samayso," ayuu yiri Bas. "Laakiin aabbahay dareenkiisa ayaa xoogaa kacsanaa."

Jan ayaa wiilkiisa weydiiyay inay samaynayaan waxa saxda ah iyo in kale. Su'aashaas ayaa Bas, ku noqotay lama filaan, maadaama uu filayay in hooyadii ay noqon doonto qofka laga yaabo inuu shaki galo.

"Hooyaday mar walba nolosha aad ayay ugu raaxaysan jirtay," ayuu yiri. "Waxaan xusuustaa inay mar ii sheegtay: 'Waxaan jeclaan lahaa inaan gaaro da'da 80 sano, ama xitaa 90 sano.'"

Hase yeeshee, aabbihii ayaa in ka badan toban sano ka hadlayay in noloshiisa lagu soo afjaro habkaas , sababo la xiriira xanuunkii muddada dheer hayay.

Intii ay gaariga ku jireen, Bas ayaa aabbihii u xaqiijiyay in go'aankoodu sax yahay. Markii Jan uu u muuqday inuu is dajiyey, waxay sii wateen safarka iyaga oo aan hadlin, muusig dhegaysanaya, isla markaana daawanaya muuqaalka quruxda badan ee hareerahooda ka muuqday.

Bas

Bilihii ka horreeyey intii aanu qoysku safarkan gelin, Bas waxa uu isku dayay inuu waalidkii ku qanciyo inay dib u dhigaan go'aankooda ku aaddan soo afjaridda noloshooda.

"Waxaan isku dayay inaan ku qanciyo inay in muddo ah sii noolaadaan. Waxaan ku iri: maxaynaan u sugin ilaa jiilaalka ama sannadka dambe?"

Bas, waxa ku jiray laba qalbiyeyn. Inkasta oo uu aaminsanaa in go'aanka waalidkii ee ahaa inay codsadaan in noloshooda loo soo afjaro habka euthanasia uu ahaa mid sax ah, haddana ma uusan doonayn inay geeriyoodaan.

"Aabbahay xaaladdan ayuu ku jiray muddo 10 ilaa 15 sano ah, sidaas darteed malaha dhawr sano oo kale ayuu sii adkaysan kari lahaa. Laakiin waxaan u malaynayaa in haddii aan sannad kale sugno, hooyaday ay dhibaato la kulmi lahayd…"

Haddii Els ay dib u dhigto codsigeeda •soo afjaridda nolosha iyadoo la adeegsanayo dawooyin uu dhakhtar bixiyo, waxaa jirtay khatar ah in cudurka Alzheimers uu sii xumaado. Taasi waxay keeni kartay in aan loo aqoonsan inay weli leedahay awoodda maskaxeed ee ay ku gaari karto go'aan ay nolosheeda ku soo afjarayso.

Tagistii xarunta daryeelka bukaannada aan dawada la hayn

Bas ayaa helay meel uu gaariga dhigto.

"Aabbahay waxa uu macasalaameeyay gaarigayga. Wuu jeclaa gaarigayga, wuxuuna igu yiri: 'Shaqo fiican ayaad qabatay' iyo 'mahadsanid'.

"Kaddibna gudaha ayaan u galnay," ayuu yiri Bas. "Bal qiyaas inaad sidaas samayso, adigoo ku jira xaaladdooda, safarkaas iyo socodkaasna maraya. Runtii waa arrin aan dhab loo qaadan karin."

Labadii saacadood ee xigay, xubnaha qoyska iyo saaxiibbada lammaanaha ayaa midba midka kale ka daba imanayay, kana baxayay xarunta. Waxay dib u xusuusanayeen dhacdooyinkii hore, iyagoo muusig dhegaysanaya. Mar ka mid ah waqtigaas, Bas waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday inuu joojiyo hawsha oo dhan.

"Waxaan dareemay inaan is idhaahdo: 'Hagaag, aan halkan ka tagno… Aan gaariga fuulno oo iska dhaqaaqno,'" ayuu yiri. "Laakiin ma aanan doonayn inaan sheego wax kasta oo ku abuuri kara shaki ama hubanti la'aan. Waxaan taageerayay dhammaan hannaanka."

"Waxaa ka wanaagsanayd in qof walba la dejiyo, lana qaato fursadda lagu macasalaamaynayo."

Wax yar ka hor 10:30 subaxnimo, ayay dhakhaatiirtu yimaadeen si ay Jan iyo Els ugu duraan dawadii halista ahayd ee sababi lahayd geeridooda.

Lammaanaha ayaa jiifay laba sariirood oo is dhinac yaalla. Daqiiqadihii ugu dambeeyay, ka hor intii aanay miyirkooda lumin, Bas waxa uu arkay sida ay waalidkii isugu dhowaayeen.

"Waxaan nolosheyda ku arkay iyagoo gacmaha is haysta malaha saddex ama afar jeer oo keliya," ayuu yirii. "Laakiin markan halkaas ayay jiifeen iyagoo gacmaha is haysta. Taasi waxay i siisay dareen aad u wanaagsan, sababtoo ah waxay muujinaysay inay arrintan si wadajir ah u samaynayaan."

Bas, waxa uu nuskii saac ee ugu horreeyay kaddib markii waalidkii neefta joojiyeen ku tilmaamay "arrin xaqiiqo ah" oo keliya, maadaama aanay mar dambe noolayn.

"Laakiin dabadeed ayaad si dhab ah u garanaysaa xaaladda jirta, waana dareen aan la qiyaasi karin."

Wiilkooda Bas, markii ay joogeen xarunta, murugo xooggan ayaa haleeshay. Waxa uu bilaabay inuu dareemo kelinimo aad u qoto dheer.

Baas

"Murugadu waa xaalad aad iyo aad u culus oo qofku maro," ayuu yiri. "Mana lihi walaalo kale, sidaas darteed runtii waxaan dareemay inaan keligay ahay."

Marka qof ay soo barbaariyeen laba waalid uu midkood geeriyoodo, waxa uu murugada iyo xusuusta waalidka dhintay la wadaagi karaa waalidka kale, taas oo qayb ka ah habka la qabsiga geerida qof la jeclaa. Laakiin Jan iyo Els labaduba way geeriyoodeen.

"Waxay ila ahayd in labadaydii lugood la iga jaray," ayuu Bas dib u xusuustay.

Murugadiisu waxay sidoo kale saamaysay jirkiisa. Muddo afar ilaa shan toddobaad ah ayuu xanuunsanaa, jirkiisuna wuu xanuunayay.

"Runtii dadka kale kuma dhiirrigelin lahayn inay sidan sameeyaan, waana laga yaabaa in tani tahay gunaanad adag," ayuu yiri. "Malaha waalidkay ayay u ahayd doorashada ugu habboon, laakiin inaan labadoodaba isku mar waayo waxay igu yeelatay saamayn aad iyo aad u weyn."

Bas

Jan iyo Els ma waxay geeriyoodeen xilli ka horreeyay waqtigoodii?

Dadka qorsheynaya inay Netherlands ka codsadaan in noloshooda loo soo afjaro habka euthanasia, gaar ahaan dadka qaba cudurka asaasaqa sida Els, go'aaminta waqtiga ku habboon ee ay noloshooda ku soo afjarayaan waxay noqon kartaa arrin adag.

Sannadkii 2024, 9,958 qof oo ku nool Netherlands ayaa doortay inay noloshooda ku soo afjaraan habkan.

427 ka mid ah dadkaas waxay qabeen cudurka asaasaqa , lix ka mid ahna waxay ku jireen marxalad aad u horumarsan oo cudurka ah.

Isla sannadkaas, 108 qof (oo ka koobnaa 54 lammaane) ayaa doortay habka loo yaqaan duo-euthanasia, oo ah in labada qof si wadajir ah noloshooda u soo afjaran.sida laga soo xigtay : Guddiyada Gobolka ee Dib-u-eegista Euthanasia (RTE).

Marka laga soo tago inay caddeeyaan inay la ildaran yihiin xanuun iyo dhibaato aan loo adkaysan karin, dhakhaatiirtu waa inay sidoo kale qiimeeyaan oo xaqiijiyaan in qofku weli leeyahay awoodda maskaxeed ee uu isagu go'aan ugu gaari karo inuu doonayo inuu dhinto.

Arrintani waxay walaac iyo murugo aad u weyn ku keeni kartaa dadka qaba cudurka asaasaqa ee ka fikiraya in noloshooda la soo afjaro, sida ay sheegtay Dr Rozemarijn van Bruchem, oo ah dhakhtar ku takhasustay cudurrada dadka waayeelka ah, isla markaana ku xeeldheer anshaxa caafimaadka, kana hawlgasha Xarunta Caafimaadka Erasmus ee magaalada Rotterdam.

"Waxay is leeyihiin… Hadda awoodda go'aanka anigaa leh, laakiin hadda waa xilli hore. Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in bisha dambe ay goori goor tahay. Haddaba sideen ku go'aansadaa waqtiga aan bilaabayo hannaankan, si loo qiimeeyo inaan buuxinayo shuruudaha, isla markaana aan xaq u yeelan karo euthanasia? Haddii aan muddo dheer sugo, ma laga yaabaa inaan lumiyo fursaddii aan ku heli lahaa?"

Dr van Bruchem waxay sheegtay in walaaca noocan ahi uu ka dhasho xaqiiqda ah in habka soo afjaridda nolosha iyadoo la adeegsanayo dawooyin uu dhakhtar bixiyo uu sharci ka yahay Netherlands.

Bukaannadeedu waxay sidoo kale og yihiin in oggolaanshaha in qof noloshiisa loo soo afjaro iyadoo gargaar caafimaad la siinayo, marka uu cudurka asaasaqu gaaro marxalad aad u horumarsan, uu yahay arrin dhif ah.

Dalalka aanu euthanasia ka bannaanayn, sida UK, dadka qaba cudurka asaasaqu waxay la kulmi karaan caqabado badan, balse dhif ayay ku khasbanaadaan inay ka fiirsadaan doorashooyin sidan u waaweyn oo u dhexeeya nolosha iyo geerida, sida ay samaysay Els.

Sannadkii 2024, Els ayaa BBC-da u sheegtay in iyada iyo ninkeeda aanay sugi karin, sababtoo ah waxaa jirtay cabsi ah in cudurka Alzheimers uu sii xumaado.

Jan-na wuxuu go'aansaday inuu Els la dhinto. Waxa uu BBC-da u sheegay in laga yaabo inuu geeriyoonayo xilli ka horreeya waqtigii loogu talagalay, balse uu noloshiisa soo dhammaystay, isla markaana uu dareemayay in noloshiisu dhammaystiran tahay.

Wax walba ma la isla sheegay?

Bas

Jan iyo Els si buuxda ayay uga warqabeen culayska go'aankooda ku saabsan soo afjaridda noloshooda uu ku hayay wiilkooda. Bas, waxa uu ka qayb galay dhammaan kulamadii ay waalidkii mid kasta si gaar ah ula yeesheen dhakhaatiirtooda intii uu socday hannaanka ay doorteen in ee ah soo afjaridda nolosha iyadoo la adeegsanayo dawooyin uu dhakhtar bixiyo. Qoysku si furan ayay uga wada hadli jireen arrintaas.

Inta badan, marka qof aad jeclayd geeriyoodo, waxaa nagu haraya qoomamo, gaar ahaan waxyaabihii aynaan fursad u helin inaan u sheegno. Laakiin arrintaasi kuma dhicin Bas.

Laba maalmood ka hor ballantii Jan iyo Els ay Isniintii 3-da Juun ku lahaayeen xarunta daryeelka bukaannada aan dawada la hayn, ayuu Bas u qoray warqad.

"Waxay ahayd warqad siddeed bog ku dhow," ayuu yirii Bas. "Habeenkii Sabtida, oo ahayd laba maalmood ka hor maalintaas, ayuu fiidkii dambe ugu tegay gaarigooda sida guriga u ahaa. Warqadihii oo dhan ayaan u akhriyey. Waxay ka hadlaysay nolosheenna, waxaana ugu mahadcelinayay wax kasta oo ay ii qabteen."

Jan iyo Els aad ayay uga qiiroodeen warqaddaas.

Sida aanay caadiyan dadka hortooda ugu muujin jirin kalgacalka ay isu qabaan, sidoo kale wiilkooda uma muujin jirin jacaylkooda si muuqata.

"Waad dareemaysaa inay ku jecel yihiin, laakiin jacaylkooda waxay ku muujiyaan ficillo iyo waxqabad, ee ma aha inay erayo ku sheegaan ama ku habsiiyaan," ayuu yiri Bas. "Hooyaday waxay bilowday inay in badan I laab galiso markii uu cudurka asaasaqu ku dhacay, laakiin aabbahay waligiis sidaas ma samayn jirin. Weligay habsiin kama aanan helin."

Laakiin arrintaasi way is beddeshay habeenkii Sabtida ee ugu dambeeyay, markii ay ku jireen gaarigooda guriga u ahaa.

Jan ayaa wiilkiisa habsiiyay.

"Waxa uu sidaas sameeyay markii aan warqaddii u akhriyey. Waxay ahayd mid ka mid ah waqtiyadii ugu wanaagsanaa ee aan soo maray.

"Wax walba waa la is yiri."