Haweenka Kenya oo looga digay isticmaalka khaldan ee daawada Cetirizine

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Wycliffe Muia
- Reporting from, Nairobi
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Farmashiistayaasha Kenya ayaa haweenka uga digay in ay kiniiniyada xasaasiyadda geliyaan gudaha xubinta taranka, iyagoo isku dayaya in ay yareeyaan xubintaas, kaddib markii baraha bulshada ay ku faaftay talo caafimaad oo halis keeni karta.
Digniintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay qoraallo dhiirrigelinaya isticmaalka Cetirizine — oo ah daawo afka laga qaato oo si weyn loo heli karo, loona isticmaalo daaweynta xasaasiyadda — si loo yareeyo xubinta taranka haweenka, iyadoo la sheegay in ay taasi kordhinayso raaxada galmada.
Inkasta oo dawooyinka xasaasiyadda ay mararka qaarkood keeni karaan qallayl, oo ka mid ah waxyeellooyinkooda, haddana khubarradu waxay sheegeen in qallaylkaasi aanu xoojinayn murqaha xubinta taranka haweenka.
"Qallaylku lama mid aha cidhiidhi… taa beddelkeeda, wuxuu kordhin karaa is-xoqidda, raaxo-darrada iyo halista dhaawaca unugyada," ayuu yiri Ururka Farmashiistayaasha Kenya (PSK).
"Gelinta kiniinnada afka laga qaato gudaha xubinta taranka haweenka waa arrin aan ammaan ahayn. Kiniiniga Cetirizine waxaa loogu talagalay in la liqo. Maaddooyinka ay ka kooban yihiin laguma tijaabin unugyada jilicsan ee xubinta taranka haweenka," ayuu intaas ku daray.
Cetirizine waa daawo inta badan loo isticmaalo in lagu yareeyo calaamadaha xasaasiyadda sida hindhisada, duufka sanka, cuncunka indhaha iyo falcelinnada maqaarka, oo ay ka mid yihiin finan-cuncunka.
Muran arrintan la xiriira ayaa billowday horraantii toddobaadkan, kaddib markii TikTok lagu faafiyay qoraallo sheegaya in Cetirizine ay yarayn karto qoyaanka xubinta taranka haweenka, isla markaana ay xilliga galmada abuuri karto dareen cidhiidhi ah.
Arrintan ayaa dhalisay dood ballaaran, iyadoo qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ay dhiirrigeliyeen habkan, halka kuwo kalena ay su'aal geliyeen badqabkiisa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in qiimaha daawadan uu sare u kacay, isla markaana baahideedu ay ku korortay farmashiyeyaasha qaarkood, gaar ahaan caasimadda Nairobi.
"Cetirizine waa daawo xasaasiyadda loo isticmaalo oo afka laga qaato. Looma oggolaan, loomana tijaabin in loo isticmaalo ujeeddo kale, gaar ahaan in la geliyo xubinta taranka haweenka," ayuu Ururka Farmashiistayaasha Kenya (PSK), oo ah hay'ad xirfadeed oo matasha farmashiistayaasha dalka, ku sheegay bayaan uu soo saaray Khamiistii.
"Haddii aad horay u tijaabisay, jooji. Dhakhtar la xiriir haddii aad isku aragto xanuun, dhiig-bax, gubasho, cuncun, dheecaan aan caadi ahayn ama qandho," ayuu ururku kula taliyay dadka.
Ururku waxa kale oo uu ku boorriyay dadka saameynta ku leh baraha bulshada iyo kuwa sameeya muuqaallada in ay taxaddaraan marka ay faafinayaan macluumaadka caafimaadka, isagoo sheegay in sheegashooyinka aan la xaqiijin ay khatar gelin karaan caafimaadka dadka.
Digniintan ayaa timid maalin kaddib markii wasaaradda caafimaadka Kenya ay walaac ka muujisay hab-dhaqankan.
Ouma Oluga, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ay u muuqdaan kuwo kaftan ka dhigaya talooyinka caafimaad ee khubarradu bixiyaan, iyaga oo aan ka fiirsan karin cawaaqibka ka dhalan kara.
Waxa uu soo jeediyay in mas'uuliyiintu ay samayn karaan nidaam lagula socdo qaybinta iyo iibka dawooyinka, si loo ogaado haddii si khaldan loo adeegsanayo.
Hase yeeshee, weli wax go'aan rasmi ah lagama soo saarin hindisahan.
Ururka PSK ayaa sheegay in uu la socdo wararka sheegaya in baahida loo qabo Cetirizine ay korortay, qiimaheeduna sare u kacay, isla markaana ay farmashiyeyaasha qaarkood ka dhammaatay.
Waxa uu ganacsatada dawooyinka ka codsaday in aanay ka faa'iidaysan xaaladdan, isagoo ka digay in dadka sida dhabta ah ugu baahan daawadan si ay isaga daweeyaan xasaasiyadda ay ku adkaan karto helitaankeeda.
Ururku waxa kale oo uu xubnihiisa ku boorriyay in aanay si ogaal ah u iibin dawooyin ay og yihiin in si khaldan loo adeegsanayo, isla markaana ay mas'uuliyiinta caafimaadka u soo sheegaan waxyeellooyinka ay keento dawo kasta oo si khaldan loo isticmaalay.
PSK ayaa bayaankeeda ku soo gabagabeeyay in talooyinka aan la xaqiijin ee baraha bulshada lagu faafiyo aanay marnaba ka muhiimsanaan karin talooyinka khubarrada caafimaadka.
"Ka hubi farmashiiste ka hor inta aanad daawo u adeegsan ujeeddo aan markii hore loogu talagelin.
"Ha ku tiirsanaan baraha bulshada marka aad raadinayso talo caafimaad."

























